ILLAYN WAAN RIYOONAAYEY



                     Qaybtii 2aaad

 Gurigannagii baan imaaday. Waan waysaystay arbaan tukadday salaaddii duhur.

Qadadii oo iii sii diyaarsanayd baan ku riday.

Daal badan oon iska dareemay aawadii, hurdaan ka galay. Casar gaabadkii baan

toosay, saa mobileki baan fiiriyey, waaa "Afar miss call". Waa Habboon... Alaa.. Habboon

weeye. Waan ku celiyey. Waa uu ka demsanaa. Shiiiit... iyo erayo kharaab ah baan

isdaba dhigay... Waxaan isku qanciyey inaan caawa markii aanu isla hadlayno

usheego inaan hurday. Waa makhrib dabadii.

Asxaabtayda oo aanu cawayska wada qaadan jiray baan u kicitimay xaggoodii. intaas aan

kolba hawl qabanayo, ma ilawsani Habboon.

Maa ban ilaawi karayaa. Tamarta aan ku shaqaynayo waa ba iyadda e. Dhawr saacadood baanu caways bilan wada qaadannay Aniga iyo saaxiibbaday. Waa la soo

gaadhay. Haa, waa la joogaa xiliggii ay ballantannaduu ku eekayd. Waa 9:30-kii

fiidnimo. Waa wakhtiigii habeen hore oo kale, balse waa ka duwan yahay. Shucuurtaydu maaha mid deggan amma kacsan. " Maxay kuula iman doontaa" baa maskaxdayda walaaqaysa.

Qushiye,´ filo khayr badan aniga oo isku dhiiragalinayaan wacay, Habboon. Waa ay iga

qabatay iyada ood moodo inay sii sugaysay ba.

~Hellow, Habboon.

~ Hellow Axmed

~ Ma i maqashaa Habboon?

~Dabcan, qaali waan ku maqlayaa.

~ See ii tahay, xaaladdaada qaali?

~Wanaag iyo kalgacayl weeye e, adigu ii

warran?

~Xabiibti waa bayda-bayda. Maasha-allaaah. 

Galabtana aniga oo hurda ayaad isoo wacday 

baan filayaa, sow maha.?

~Haaa qaali. Inaad hurudo haddaan moodayo 

kuma soo waceen.....

~Dhibmale qaali ee arrintii aynu isku ogayn 

inaad ka soo fikirto, ma ka soo go’aan gaadhay? 

Runtii ma malayn kartid kurbada ay igu hayso 

sugida jawaabteedu.

~Qaali kula mid baan ahaa ilaa wakhtigii aad 

iisoo bandhigtay ilaa eegga. Dabcan, waxba 

kama qabo inaynu is guursano, nolol

aayatiinlehna wadaagno...........

Intaas wixii ka danbeeyey qaban-qaabo aroos 

iyo diyaargarow baan guda galnay, inaanu 

toddoba-baxana Dire Dawa ku soo qaadanaan is 

qulaaminnay.

Qorshahanaga oo markii hore ba ahaa inuu  degdeg aroosku noogu qabsoomo, waa annagaa caruuska iyo caruusada ah. Waa annagaa ku sii

jeedna Dire Dawa iyo goobtaan ku qaadan

lahayn toddoba-baxa. Waddada intaanu ku sii

jirnay kolba magaalo waa annagaa ku yara

hakanayna. Dhagaxyada mucjisada ah ee is dul

saaran magaalada Baabili, waa annagaa isku sa

sawirayna. Quruxbadnaa..! Intii aanu sawiraddii

nalaga qaaday.

aniga iyo Habboon ku´ mashquulsanayn

daawashadooda, magaalada faca wayn ee Herer,

waa annagaa soo gaadhnay. Qurux badnaa dadka

iyo deegaankoodu.! Wakhti kooban oon joognay

Herer iyo nawaaxigeeda, dabcan, sawiraan ku

gal galayney e, waa annagaa casar gaabadkii

galnay Dire Dawa. Hutel aanu sii kiraysannay

maalmo ka hor, waa annagaa ku nimid Bajaaj Ingaydh ah. 

Habeenkaas noloshii noo bilaabatay, waataas

saddex maalmood iyo saddexdoodii habeen

jirsatay. Nolosha guurku macaanaa..Waa janno

yar..Waa shabbac. Waa raaxo xalaal ah.

Nasiibdarro se, noloshan macaan ee weli

saqiirka ah,´ ee aan habeen afaraad jirsan weli,

waataas yari lagu shirqoolay. hortayda lagu

qisaasayo. Ax. "War maadan toosayn saaka?"

Yaaaaa!´ " Toos hooyo. Way gaadhay xiligii

aad Jaamacadda tagi jirtaye. Jaamacad maxay

ah..!! Jaamacad maxay ah..!! Miyaanaan

toddoba bax ku jirin aniga iyo Habboon? Waa

maxay waxaad ka sheekaynayso,

hooyo...!´ "Kkkkk Ala hoognay! Naa wiilkii ma

xalay baa la maray, bisinka! Hooyo, waa maxay

toddoba baxa aad ku qarwayso saaka, ma aadan

aqal galin ba waliye  Shaydaanka iska naar oo toos hooyo, sallaadii

subaxna saaka ma aadan oogine." Ilna aniga oo

isku haya ilna kala qaadaya, yaab oo dhanna i

dul hogganayo, baan hareerahayga eegay, waa

ba cidlo caarsiro aad moodid inaan

Waligeed la seexan.." Habboon aawaya….

Aawaya Habboon... Habboooon..´ ´ Aniga oo

ku alaladaya baan Kor´ eegay, saa waa hooyo

oo i dul taagan, oo marna qosli marna

yaabban.´ " "Shaydaanka iska naar oo bal toos

waad daahsan tahay saaka e, hooyo."´ Yaab

badanaaaa! Waa maxay khali-idaacadani..! Ma

toddoba bixii aan arkay baa riyo noqon kara. Ma

dhici karto. Oo maxaan samayn karaa, way

dhacaday oo waa riyo cad e. Hooyoooy.!´ Abid

mid la mid ah miyey isoo mari doontaa tallow

habeenna? 

Aniga oo aan qumaati usoo wada toosin baan

riyadii xalay u boqray "riyadii riyooyinka".

Waan caleemo saaray arbaan haddana ugu caano

shubay. Macaan badnaynaa. Ax ax! Soo jeed ha

igu xasuusin..´Cakuye, maxay dhab isooga

ahaan wayday. Intii aan garaadsaday kuma aan

seexan kumana soo toosin, riyo hurdada kuu

bishaad habeen qudha ku riyoon. Wallow aan

nafta ka dhaadhiciyey "Laylatul khadar" buu

ahaa, oo waxan oo kale riyo ma noqdo, haddana

sida dhabtihi waxay ahayd riyo macaan, oo

qurux badan. Sii ogaan lahaayaa riyadan

macaan, waxaan seexan lahaa 7 : 00 fiidnimo.

                            -DHAMAAD-

  Markasta ku xidhnaw Sama-Wade Kala soco shekoyin ku xiso galiya iyo dhiri galinta nafta

Previous Post Next Post