Qiso Dhab Ah Oo Jacayl Ah ....

Lix sanno ayaa u raaca labaatanka, qurux ayaa u raacda maskaxda, laydh diirran ayaa u raacda qorraxda, Magaceedu waa Najax.

Madaxa maro cawl ah ayaa si khafiif ah ugu dul goglan, hoos marka ay u soo dhaadhacdo ayay dhex gashaa midabka guduudka ah ee diraca garbaheeda hoos uga daaddega.

Jooggeeda ayaa salka ku haya cagaheeda oo ku dhex jira kabo dhererkeeda wax ku daray. Marada ay ku dhex jirto ayaa ka noqota gummudka dushiisa, hoos waxa uga soo rogmada gacmo korkooda jugta laga dhowray.

Faraha hore ee gacanteeda bidix ayaa laabta ka garaacaya telefoon ay indhaheeda aan wada furnayni hoos u dhowrayaan.

Sahra iyo Hoodo oo jidka ku soo jira ayay ku sugaysaa guriga hortiisa. Shinni iyada iyo ubaxa kala garan weydey ayaa korkeeda ku dheelaysa.

Ballanbaallis aan u fahmay in ay iyada daawanayso ayaa laan aan durugsanayn soo fadhida. Baabuurkii ay sugaysay ayaa meel aan fogeyn ka soo baxay. Farxad ay xuub caaro ku qarinaysay ayaa meel dhow ka soo boodday.

Dhego aan soo gaadhin meel ay wax ka maqlaan ayay dhawaaq ka hor geysay.

– Naayaadeheen, oo shantiinna daqiiqo ma sidanaa? Naa bal naagahan eega.

Baabuurkii agteeda ayuu istaagay, qosolkii dhinaceeda ayuu ka socdaa,

BK-na hawshiisa ayuu haystaa. Meel saddex tallaabbo u jirtay 

ayay sagaal ku gaadhay. Kursiga intii aanay si fiican u fadhiisan ayay la 

soo boodday ”naa walaal bal heesta iga naaqusa yaanu aabbo i maqline”. Sahra oo aan hadalka meel fog ka doonin ayaa u celisay ”oo aabbahaa muxuu tobanka subaxnimo guriga ka qabanayaa?”. 

Najax oo aan is dhibin ayaa ku dhirbaaxday ”naa aabbahay ma sida aabbahaa ayuu meelahaa wareegaa, dee reerkiisuu la joogaa”. Hoodo oo meel kale ku maqan ayaa ku darsatay ”naa walaal wallaahi heestaniway igu socotaaye!”. Qosol ayay midba in qadhiidhatay.

Dhankii jaamacadda ayay u jeedsadeen si ay ardayda kale farxadda ula

qaybsadaan inta aan dhanka hudheelka loo kicin kahor. Saddex

saacadood ayaa uga hadhay wakhtigii qalin-jabintooda. Shan sanno oo

qosol iyo baroorba lahaa ayaa maanta ku eeg. In ka badan oo farxad

iyo murugoba leh ayaa maanta ka bilaabmaya.

Waa gashaantimo, haddii aanay guur diyaar u ahayn, maanta waa u diyaar.

Marmarsiiyo kasta oo ay la iman jireen, kan maanta ayaa ugu dambeeyey.

Balse ha la guursado ma xumee, ayaa guursanaya?

Hoodo ayaa bilowday. ”Naa heedhaha, naa walaal raggii xaggay ka dhaceen?”.

Sahra: oo naa ragga maxaad ku falaysaa?

Najax: naa adigu iska aamus, horto maxaad innamada ku neceb tahay?

Sahra: akhas caleeg, oo maxaa rag lagu falaa!

Hoodo: naa tani waa nin.

Najax: waa nin dabeecad xun weliba. Naa maxaad haaye walaal ragga ku nacday, maxay kugu sameeyeen?

Sahra: idinku maxaad guurka kaga degdegaysaan? Anigu haddaan guursadana laba carruur ah ayuun baan dhalayaa.

Hoodo: toban ayaan kuugu duceeyey.

Najax: haa, Ilaahay idamkii.

Sahra: isku baxa.

Hoodo: aamiin, naa ma habaar ayay moodaysaa carruurta, Ilaahayoow sagaal duufle ayaan ku weydiistay.

Najax: naa dee haaye adna walaal duufka ka reeb.

Hoodo: Ilaahayoo duuf iyo dhareerba isugu dar.

Sahra: naagtu duco xumaa, Ilaahayoow intaba sii.

Najax: naa heedhe Hoodo, horto adigaaba mid la sheekaystee, kii ka warran?

Sahra: naa waa saddex.

Hoodo: haaye labada kale waa dhareerleyaale, mid uun baa wax kala garanaya. Kaasina waa kii sheeko la yimid.

Najax: sheeko maxaya?

Hoodo: suuqa anoo jooga ayaan ku idhi ”i soo doon”. Kuye ”i sug aan furaha hooyo ka soo qaadee”. ”Alla hoognay” uun baan idhi, ”waar ma hooyaa furaha gaadhiga kuu haysa?”. Kuye ”haa”, af adakaa! Dee saddex cisho la maan hadal. Kolley hudheelka ayaynu ku arki doonnaaye.

Sahra: weligeed ayay handhikaabka la sheekaysan jirtay. Mid masaasad jaqana waad la hadli doontaa adigu.

Hoodo: bisinka bisinka, hoostaada ma dhaafo. Naa walaal wuu igu carruuroobay kaasiye iga daayoo, adigu maxaad isla haysaa.

Najax: haddaan ku idhaa mid aan ka helaba ma arag miyaad ila yaabi?

Hoodo: oo maxaad raadinaysaa?

Sahra: Jastin Biibar.

Najax: wallaahi walaal waxaasi waa iska kaftane, laakiin weli mid i cajabiyaba ma arag. Imika hablo wax bartay ayaynu nahay, waa in aynaan cid kasta la hadlin dee. Naa mise waa beentay?

Hoodo: mayee waa sidaa wallaahi. Ilaahayoow kuwii jannada ka soo xagaa-baxay na tus.

Sahra: kuwo hooyadood faraqa haysta. Dhismihii jaamacadda ayaa durba hortooda ah. Halkaas ayay sheekada ka sii wateen intii laga gaadhayey wakhtigii xafladda.

Xaflad midabbo badan, dad magacyo badan, iyo farxad noocyo

badan. Intuba iyaga ayay diyaar ugu yihiin meel aan aad uga

durugsanayn barta ay hadda joogaan. Maanta waa maalintii laga

maydhi lahaa daalkii shantii sanno ee u dambeeyey, waa maalin ka

mid ah maalmaha kooban ee ay dunida ku leeyihiin. Ehelkii iyo

asxaabtiiba way iman doonaan, inta maqanna caawa ayay shaashadaha

ka daawan doonaan. Madaxda dalka ayaa hadallo caajis badan ka

jeedin doona, marka mid laga reebo. Waa wiilka uu madaxweynuhu

dhalay ee la yidhaa Najax. La ma hubo in uu imanayo, haddii se uu

yimaaddo, xiddigga madasha ayuu noqon doonaa. Doob aan weli

guursan, joog aan tuur lahayn iyo maal aan is aqoon. Qurbaha ayuu

ku maqnaa dhowr sanno, waddankana aad looga ma yaqaanno.

Goortii xafladda ayay laba saacadood dhaaftay. Qaybtii fasalkooda

loogu talo galay ayay ku hagaageen iyaga oo saddex ka badan. Wax

yar kaddibna aayado qur’aan ah ayaa yeedhay. Khudbado dhaadheer

ayaa xigay, iyaguna sheeko ayay hoos u wadaagayaan. Najax oo qosol

ku maqan ayay dhegaheedu maqleen magaceeda ka yeedhay laba iyo

tobanka sameecadood ee goobta ku xidhan. Dhegaha ayay taagtay

iyada oo qosolkii degdeg u hakisay. Magaca in la la wadaagi karo ayay

illowday. Weliba in wiil la wadaagi karo ayay illowday. Wiilka

madaxweynaha. ”Ku soo dhawoow makarafoonka mudane Najax”.

Indhaha ayay dhowr gidaar ka soo jartay intii aanay muuqiisa haleelin

kahor. Qoorta ayaa dhowr jeer kala baxday. Way aragtay. Daanka

hoose ayaa hoos u dhacay. Haddii ay qurux raadin jirtay, kii ay ku

rarnayd ayay aragtay. Dhegaheeda ayaa sacabka dhacaya dhawaaqiisa

iska xidhay si ay indhaha u caawiyaan. Qoorteeda ayaa la socotay

tallaabadiisa uu ugu dhaqaaqay goobta hadalka. Indhaha ayaa illoobay

in ay libiqsadaan. Shanta dareen iyo laba kale oo ay soo ergisatayba

isaga ayay siisay. Hoos ayay u tidhi ”dhibicdan malabka ahi xaggay ka soo ‘tif’ tidhi?”.

Magaciisaa kor loo yidhi, jabaqdaa hoos loo dhigay. Indhaha hoolka

jooga, labadiisa mooyee, inta kale isaga ayay hayaan. Ma uu sii nagaan

markii uu kor u booday, ma uu hakan markii uu hore u dhaqaaqay.

Hugiisa caddaanka iyo madowga kala sarreeya u qaybsan ayaa ka

dhex muuqda dadka uu sii dhex marayo. Afar askari oo dharcad ah

ayuu sii dhaafay isaga oo isha ka salaamaya. Najax oo aan ka

dheereyn barta uu marayo ayaa rajaynaysay in uu dhankeeda soo

eego. Socodkiisa dhiirran ayuu sii watey. Tallaabbo kasta oo uu u

qaado dhanka masraxa, waxa ay ahayd mid uu qalbigeeda ugu dhowaanayo. Dusha ayay ka yeelatay. Dhankeeda in uu u soo socdo

ayay laabta gashatay. Way iska dhoolla-caddaysay. Indhaha ayay ka

dhex saartay, meel aan ka durugsanayn markii uu soo istaagay, ”i soo

eeg” ayay hoos u lahayd. Muuqiisa ayaa deeqay, magaca ayaa u

raacay. In uu ina madaxweyne yahay, iyada cabsi ku ma hayso. Laydh

beerkeeda lushay ayaa filanwaa ugu dhuumatay. Jidhkeedii ay iyadu

lahayd ayaa maammulkiisa laga la wareegay. Xubnaha ayaa dabcay,

lafaha ayaa dareeray, naqaska ayaa isku taagay. Iyada oo aan waxba

cunin ayay margatay.

Codkii ka soo yeedhay dhuumihiisa hadalka ayaa kiciyey xaadda

dhegaheeda dushooda hurudday. In uu iyada u sheekeynayo ayay ka

dhigatay. In ay ka gurto ayay damacday. Hoos ayay u guuxday, ”haye,

waa runtaa, intaa aad tidhiba waan kugu raacay” ayay isu raacisay

markii uu salaanta uun dhammeeyey. Hoodo oo ku xigtay ayaa

dareen qaadatay. Cod dheer ayay riyada kaga kicisay.

– Hoognay, naa bal afka uun isku qabo, bisinka iyo salliga.

Sahra oo sii jeedday ayaa soo jeedsatay.

– Maxaa helay?

– Naa dee sowta inanka cuntay.

– Naa inaadeer waad anshax xun tihiine dadka dhegeysta marka ay

hadlayaanoo naga aamusa, ayay Najax isu raacisay.

Sahra oo aan weli fahmin waxa socda ayaa su’aalaheedii sii wadatey.

– Maan fahmin, calashaan ma yarkan kuusan bay daawanaysaa?

– Bisinka, show waxba maad arkayn, way ka dhex baxdayba ka yar.

– Alla yaa ii qosla, waa abu beed kaniye ma abu beed ayay rabtaa?

Naa yaanu kugu jabin dheh.

Najax waxa ay dhex jiiftaa bustaan uu codkoodu si gaaban u soo

gaadhayo. Midho uu isagu soo guray ayay muudsanaysaa goor dayaxu

buuxo. Webi malaba ayay farta ku dhuuqaysaa isaga oo aan

dhinaceeda ka dheerayn. Haddii qofka dareen lagu kaxaysan karo,

maanta inanka way la fogaatay. Dhul biyo baad leh ayay keligood

dageen. Nasiibdarro, kursigii hoteelka ayay weli fadhidaa, isaguna

iyada aqoonba u ma laha.

Hadal dheer ayuu soo afjaray, riyo dheer ayay ka toostay. In uu

dhammeeyey ayay u qaadan weydey. Labaatan daqiiqo oo uu

hadlayey ayaa labaatan ilbidhiqsi agteeda ka ahaa. Sahra ayaa soo boodday.

– Naa inaneey, inanta yarka kuusan sii eegaysaay, yarkii labaatanka

jeer ku salaami jiray ayaa halkaa soo fadhiya.

Hoodo: alla walaal waa miskiinkii yaraa, naa dee inanka la hadal

Najaxeey, iska daa kan kunka naagood kala dooranayoo.

Najax: kun naagood aa? Kuma? Naa kolley waa la ilaaliyaa oo naago loo ma oggola.

Sahra: markaa maxaad isla daallinaysaa?

Najax: oo dee anigu ma isagaan rabaa? Anigu hadalkiisa uun baan dhegeysanayee.

Sahra: wallaa? Car bal muxuu yidhi sheeg!

Najax: naa naga tag

..............................................


           La soco Qaybaha xiga Oo ku                              Xidhnaw Sama-Wade 

Previous Post Next Post