Shekooyinka Dadkii Guulaha Gaadhay Oo Dhiiri Galin LeH

        Sheekadii guusha ee Morgan Freeman

Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla markaana umaleeya inay nasiib ahayd. Wali ma maqashay sheekada nin la yidhaa Morgan Freeman.

Haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad

ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay,

ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano ( Oscar prize).

Taasi waa waxay dhab ahaan ka yaqaanaan dadku agteerkan, balse wax fikrad

ah maka haysataa halgankii uu soo maray ka hor inta aanu noqon akteer caan

ah oo guulo waawayn gaadhay.

                Sheekadii Morgan Freeman

Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay

ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka

madoobi uu aad u xooganaa. Iyadooy ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo

cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan

meel kale si ay u helaan nolol ka fiican ta waqtiga ka jirtay dalkooda.

Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo waqtigiisa inta ugu

badana wuxuu ku bixin jiray si uu u daawado aflaamta. Marar badan waxa uu

isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan. Waqti aad u dheer

kadibna wuxuu is arkay isagoo duuliye ama pilot ka ah diyaaradaha milateriga.

Waqti kadib Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u

jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo

aanu ka hadhin sidii uu actar u noqon lahaa. Morgan da'diisii waxay gaadhay

45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin. Laakiin muu niyad jabi wuxuu sii

wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu

kama dambaystii matalay filimada caanka.

Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada

aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar

baby"

Casharada laga bartay noloshii Morgan Freeman.

1) Waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga

eryan lahayd? Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano

jir: ma u malaynaysaa inaad da'a waynaatay? Morgan freeman wuxuu

bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u

jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad

habsaamin.

2) Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?: qofku si uu guul u gaadho waa inuu

la kulmaa guul darooyin badan. Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay

marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin,

balse maadaama oo uu ah qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay

inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay. Dhinaca kale arintani

nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa

aad rabto.

3) Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay: kuma lihi kuma guulaysan

kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa

mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la

barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay.

Hel waxa aad jeceshahay inaad qabato oo raac, haddii aad saa samayso fursadaha aad

ku guulaysanayaan waxay noqonayaan qaar aad u heersareeya.

                         Sheekadii Ramesh Babu

Ramesh waa nin reer india ah oo milyaneer ah, kaasi oo leh shirkad kiraysa

baabuurta oo ay baabuurtiisu gaadhayaan 300 boqol oo gaadhi.

Haddii aanad fikir iyo aaminsanaan fiican ka haysan guusha waxa laga

yaabaa inaad u malayso in Ramesh uu ahaa qof nasiib leh ama qof ay ku

caawiyeen qoyskiisu inuu aasaaso ganacsigaa, balse xaqiiq ahaa Ramesh

wuxuu tusaale sax ah oo ku tusaya sida dhiiranaanta iyo go'aanku ay uga

badiyaan waxkasta oo kale.

Ramesh wuxuu ka shaqayn jiray meel raysle ama timo jare ah kaasi oo

adeerkii lahaa, wuxuuna maalinta dhan ku shaqayn jiray 5 rupi oo

waqitagaa ahayd lacag aad u yar. Ramesh wuxuu tagi jiray rayslaha

aroortii,waxbarashada oo uu college ka dhigan jirayna wuxuu tagi jiray

casarkii, intaa kadibna wuxuu ku noqon jiray rayslaha waxaanu ka shaqayn

jiray ilaa kowda habeenimo.

Ramesh wuxuu saddexda waqti ee wax la cuno wax cuni jiray hal waqti oo

kaliya si uu u noolaado, sababtoo ah muu heli jirin lacag ku filan oo uu ku

iibsado cunto kale.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu Ramesh isku darka lacagtii uu

kaydsanayay iyo lacag uu soo amaahdayba qaaday oo uu ku iibsaday

gaadhi. Ramesh wuxuu bilaabay inuu kireeyo baabuurtii si uu lacag uga

sameeyo oo ay lacagi uga soo gasho.

Wax yar kadib wuxuu yeeshay lix gaadhi oo uu kireeyo waxaanu wax badan

xidhiidh la yeeshay xaga ganacsiga kiraynta. 2004 wuxuu bilaabay inuu

iibsado gaadhi nooca lagu raaxaysto ah oo uu ka kireeyo dadka. Waqtigaa

dadku may kiraysan jirin gawaadhiga lagu raaxaysto, qofkastaana wuxuu u

sheegay inuu qalad weyn sameeyay.

Ramesh wuxuu u cadeeyay dadkii inuu isagu saxsanaa, ganacsigiisiina wuu

sii koray. Markuu waqtigu ahaa 2011 wuxuu bilaabay inuu ku soo daro

ganacsigiisii oo uu soo iibsado gawaadhida loo yaqaano Rolls Royce, mar

labaad dadkii waxay u sheegeen inuu qalad aad u weyn samaynayo.

Ramesh mar labaad wuu saxsanaa. Wuxuuna noqday milyaneer

gawaadhidiisuna waxay gaadheen in ka badan 300 oo baabuur noloshiisiina

gabi ahaanba way isbadashay.

Casharada laga baranayo sheekadan Ramesh

1) Noloshu way adagtahay, sida awgeed maxaa kula gudboon?: hadaba

ma umalaynaysaa inaanad ganacsi bilaabi karin sababtoo ah wax lacag

ah ma haysatid, ama sababtoo ah wax waqtiya mahaysatid. Ramesh

wuxuu wax baranayay maalinta oo dhan, maalintii wuxuu helayay lacag

5 rupe ah. Waxaad haysataaa wax ka badan inta uu haystay Ramesh,

haddii aad umalaynayso inay noloshaadu adagtahayna waxaad ogaataa

in dadkii noloshoodu kaa sii xumayd ay sameeyeen oo gaadheen guul.

2) Badanaa waxaa jiri doona qof ku niyad jabiya oo hoos kuu dhiga: ka

hor intii aanu qaadin labadii talaabee ugu muhiimsanaa mihnadiisa,

dadku waxay u sheegeen inuu ku socdo jiho qaldan balse muu

dhagaysan dadkaa. Tana waa waxa saxda ah ee ay dadka guusha

gaadhaa sameeyaan. Waxay raacaan riyooyinkooga iyo waxay gaadh

isleeyihiin xataa haday dad badani isku dayayaan inay ka joojiyaan.

3) Dib u dhacyo aad u xun: wadadii guusha uu u maray Ramesh may ahayn

mid toosan oo ubaxyo iyo roog cas loo dhigay. Waraysi lala yeeshay mar

ayaa waxa uu sheegay inuu waajahay dib u dhacyo badan tana waa waxa

aad dhab ahaan u waajihi doonto. Waxa ogaataa oo kaliya in dib u

dhacyadu yihiin wax ka mid ah nolosha ganacsadaha.

4) Dadka qaar waxay sameeyaan cudur daaro dadka kalena hore ayay ka

qabtaan: haddii Ramesh aanu waligii guulaysan lahayn, oo uu u

sababayn lahaa guuldaradiisa cudurdaaro, cudur daaradaasi waxay

noqon lahaayeen qaar macquul u ah dad badan. Hadaba waxaasoo dhan

kadib, muxuu samayn karaa qof ku nool xaalada sidan u adagi si uu u

horumariyo noloshiisa? Ramesh wuxuu cadeeyay in go'aan qaadashada

iyo shaqada adagi ay u badali karaan nolol kasta dhinaca fiican.

          Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com)

Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu

ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku

dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga

dhaafsan.

Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin

badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan

oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday ee loo diiday ayaa wuxuu

go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku

guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo.

Jack Ma wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar

10 dollar bishiiba.

Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu

horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan

jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku

soo dagi jireen si uu ula hadlo luuqadana English-tana iskaga dhiso.

Jack Ma kumuu qanacsanayn shaqadiisa, waxaanu go'aansaday inuu u guuro

dalka maraykanka, si uu u helo nolol ka fiican tii uu ku noolaa. Wuxuu bartay

computer-ka iyo internet-ka aad baanu u jeclaa. Markii dambana wuxuu aasaasay website-ka loo yaqaano ALIBABA.COM kaasi u saamaxay ganacsiyada

iyo shirkadu ay ku kala ganacsadaan iskuna dhaafsadaan alaabta si online ah.

Alibaba wuxuu noqday ninka ugu taajirsan dalka china, hantidiisana maanta

waxaa lagu qiyaasaa 21 billion dollar. Waxaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay

25 ganacsade ee ugu awooda badan qaarada eeshiya.

Waayihii iyo Noloshii uu maray Jack Ma

Jack Ma muu haysan wax lacag ah oo uu ku bilaabo ganacsi. Wuxuu ku shaqayn

jiray mushahar aad u yar. Waxaanu si dirqiya ugu biiray oo uu ugu guulaystay

inuu ku biiro machadka tababarka macalimiinta. Intaa waxa dheer in wadanka

shiinuhu aanu waqtigaa ahayn meel ku fiican in lagu noolaado ganacsina laga

bilaabo.

Jack Ma dhaqaalihiisii iyo lacagtuu haystay sanadihiisii ugu horeeyay kamay

badnayn intaad haysato maanta, haddii aanay intaad haysataa kaba

badnaynba. Ninkani wuxuu aad u jeclaa oo kaliya inuu abuuro ganacsi

guulaysta taasina waa sababta uu u raacay riyadiisii aanu u xaqiijiyay.

Hadaba waa maxay cudur-daarada aad maalin walba naftaada u sheegtaa?

Lacag kugu filan mahaysatid? Waxbarasho fiican ma haysatid? Dadka kugu

xeerani kuma dhiirigaliyaan kumana garab istaagaan?

Jack Ma muu haysan qof dhiirigaliya oo cadaadiya balse damacaa xoogan ee ku

gubayay si uu guul u gaadho ayaa ka dhigay ninka uu maanta yahay.

Sheekada aynu ka baranay Jack Ma Story

1) Waa suurto gal: waxaa suurto gal ah inaad ka bilawdo ganacsigaaga

meel aad u hooseeysa oo aad noqoto bilyaneer (maahaba milyaneeer)

Jack Ma wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ka soo bilaabay meel ka

hooseysa zero iskuna daray liiska ugu sareeya ee taajiriinta adduunka.

2) Horaa loo samayn karaa: sharci ma'aha balse horaad ugu guulaysan

kartaa. Jack Ma wuxuu gaadhay guul isagoo ku jira da'diisa 30 meeyaha.

3) Marka ay riyadaada iyo hamigaagu weyn yahay, waxyaabaha hoose

kuma dhibi doonaan: Jack Ma wuxuu ku noolaa nolol adag, muu ahayn qof ku nool nolol raaxo leh, muu lahayn gaadhi iyo baan ay lacagi u taalo

toona balse wuxuu u cadeeyay aduunka in haynta iyo dhaqaaluhu aanay

aanay caqabad ku noqon doonin haddii riyadaada iyo hadafyadaadu ay

waaweyn yihiin.


La soco Oo ku xidhnaw Sama-Wade Si aad uga Faaido Waxbadan

Previous Post Next Post