Sheekooyinka Dadkii Guulaha Gaadhay Oo dhiiri Galin LeH

Qaybtii 2aad.........

            Sheekadii  guusha ee Oprah Winfrey

Ma Waxaad Ku Nooshahay Nolol Adag?Sheekadii

Ma u malaynaysaa in noloshaadu adagtahay?

Ma u malaynaysaa in aanad guulaysan karin sababtoo ah faqiir baad tahay? 

Ama sababtoo ah malihid hanti kugu filan?

Hadaba waxyar sug hadaad saa moodaysid ilaa aad ka arkaysid sheekada 

noloshii Oprah. Oprah waxay ka dhalatay qoys faqiiriin ah. Hooyadeed iyo 

aabeeheed waxay ahaayeen qaar markasta isdagaala oo isfahan fiicani aanu 

dhex oolin ugu dambayntiina kala tagay. Oprah waxaa loo diray ayaydeed si ay 

ula noolaato.

Waqti kadib Oprah waxaa dib loogu diray hooyadeed, taasi oo aan siin jirin 

daryeel iyo dareen badan. Waxaan umalaynayaa inaad sawiran karto 

dhibaatada ay leedahay waalidkii ku dhalay oo iska kaa fogaynaya kuna ignore￾garaynaya. Oprah waxay dareentay inaan la jeclayn waxaanay bilawday inay 

istcimaasho daroogooyin iyo maandooriyayaal si ay iskaga yarayso murugada 

iyo xanuunka niyadeed ee haystay.

Waqti kadib Oprah waxaa loo diray aabaheed si ay ula noolaato, kaasi ahaa nin 

aad u ad-adag. Inkastoo aabaheed ninkaa ad-adag hadana wuxuu ka caawiyay 

sidii ay iskaga joojin lahayd daroogooyinka ay isticmaalayso oo ay xooga u saari 

lahayd dhisida mustaqbalkeeda.

Oprah waxay heshay shaqo wariye-nimo ah balse waxyar kadib shaqadii waa 

laga eryay waxaana loo sheegay in aanay ku haboonayn inay TV ka shaqayso. 

Sideed dareemi lahayd haddii uu qof kuu sheego in aanad ku haboonayn inaad 

wax qabato? Isagoo qofka sidaa kuu sheegaya uu yahay qof waxaa khabiir ku ah ?

Miyaad quusan lahayd oo aad rajo dhigi lahayd? Oprah may quusan manay rajo dhigin.

Sideey guusha u Gaadhay Oprah Winfrey Oprah markii dambe waxaa lagu casuumay inay marti galiso bandhig laga sii daynayay TV oo soconayay 30 daqiiqo. Sanad gudihii bandhigii wuxuu noqday mid caan noqda waxaana la kordhiyay waqtiguu soconayay iyadoo laga dhigay saacad.

Intaa kadib bandhigii ama show-gii waxaa loogu magac daray "Oprah Winfrey

Show" ama bandhigii Oprah Wenfrey. Intaa kadib Oprah waxay noqotay 1-aad

uguna horeeya ee martigaliya bandhigyada TV yada laga hadlo iyo mid kamid

ah dadka ugu caansan ee ka hadla TV-yada.

Dhinaca dhaqaalaha Oprah waxay noqotay bilyaneer. Waa mid ka mid ah

dumarka aad ku tirada yar ee qaatay ciwaanka bilyaneer-nimada.

Waxaa jira xog aad uga badan oo la taxaluqa sheekada Oprah balse su'aasha

iswaydiinta lihi waxay tahay maxaan kuugu sheegayaa sheekadan?

Sababtu waxay tahay, waxaan ogahay inay jiraan dad badan oo ku liiday

hoosna kuu dhigay, kuuna sheegay inaanad wax qaban karin isla markaana

aanad ku fiicnayn.

Sidoo kale waxaan rabaa inaan kuu sheego in dadka guusha gaadhaa ay

badanaa la kulmaan diidmooyin la mid ah diidmadan ka hor inta aanay guulaysan.

  

   Casharada Laga Barran karo Sheekada Oprah Wenfrey:

1. Wax dareen ah ha siin Diidmada: Ma Lagu diiday? Dhoola cadee oo iska

dhaqaaji siina wad socdaalkaaga, haddii aad hore u sii socoto waxaad u

cadayn doontaa kuwii ku diiday inay qaldanaayeen.

2. Fikrada ay dadka khabiirada ahi ku siiyaan micno weyn malaha : Oprah

qofka diiday muu ahayn hooyadeed amase qof ay saaxiibo yihiin, balse

waxaa diiday qof khabiir ku ah oo wax badan ka yaqaana warbaahinta

una sheegay inaanay shaqadan ku soo baxayn! Hadana ay u cadaysay in

fikirkiisu uu gabi ahaanba qaldanaa. Waxa laga yaabaa in xataa dadka

khabiirada ahi ay ku guuldaraystaan inay arkaan aragtidaada

mustaqbaleed iyo qorshayaashaada waaweyn. Raac riyooyinkaaga

horena ugu soco.

3. Raac riyooyinkaaga: Oprah muu niyad jabin faqrigii haystay, daryeel

la'aantii waalid ee haysatay iyo xataa diidmooyinkii adkaa ee lagala hor

yimidayba. Iyadoon waxaa u joojinayn ayay hore u socotay ilaa ay ka

guulaysatay.

       Sida Loo Noqdo Caan iyo Taajir (Sheeko Dhab Ah)

          Noloshii adkayd ee Joanne

Joanne waxay dhalatay 1965, waxaanay ku dhalatay tuulo yar oo sabool ah ku

taala dalka Ingiriiska. Ilaa bilawgii horee nolosheeda waxay aad u jeclayd inay

qoraa noqoto, waxaanay qortay sheekadeedii ugu horeysay markii ay 6 jir

ahayd.

Markii ay Joanne waynaatay nolosheedii way sii adkaatay. Waxaanay noqotay

carmal (sigle mom), aad bay sabool u ahayd hooyadeedna aad bay u

xanuunsanaysay. Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo tareen la socota ayay

heshay fikrad aad u qancisay aadna ugu weynaatay. Waxay ka fikirtay inay

qorto buug sheeko ah oo ku saabsanaa wiil isagoo dugsiga baranaya is ogaaday

inuu saaxir yahay.

Joanne waxay bilawday inay qorto novel-keedii ugu horeeyay, balse ka hor intii

aanay dhamayn hooyadeed ayaa dhimatay. Geeridaa ku timid hooyadeedna

waxay noqotay mid argagax ku noqotay ilaa ay saamayn balaadhan ku yeelatay

qaabkii ay wax u qoraysay markii buugu sii dhamaanayay.

Joanne waxaa laga eryaya shaqadii ay ka shaqaynaysay sababtuna waxay

ahayd waxaa lagu qabtay iyadoo wax qoraysa xagii ay ka shaqayn lahayd.

Sanado yar gudahood waxaa laga eryay shaqooyin badan waxaanay la daalaa

dhacaysay sidii ay u heli lahayd meel uu dakhli ka soo galo.

Intaa kadib waxaa ku adkaatay inay hesho shaqo sababtoo ah may ahayn qof

yar manay lahayn mihnad iyo taariikh shaqo oo fiican.

Go'aan Qaadashada, Rajada Adag iyo Adkayasiga

Kadib markii ay dhamaysay saddexdii cutub ee ugu horeeyay buugeeda oo la

odhan jiray Harry Potter Novel, waxay bilawday buugii meelaha buugaagta lagu

soo saaro, waxaanay kala kulantay war naxdin leh. Waxaa la diiday in la aqbalo

oo la soo saaro buugedii.

Joanne waxay sheegtay in tani ahayd markii labaad ee ugu xumayd nolosheeda

" markii hore waxay ahayd dhimashadii hooyadeed". Intaa kadib Joanne may 

quusan waxaanay bilawday inay udirto buugeedii meelo kale oo lagu soo saaro

buugaagta balse la yaabkeeda 12 meelood oo kale oo lagu soo saaro

buugaagta ayaa diiday buugeedii.

Hooyo kaligeed ah, aan wax shaqo ama mihnad toona aan lahayn oo aragtay

riyadeedii oo sii burburaysa. Waa xaaladii ay waqti Joanne ku sugnayd.

Balse sababo jira aawadood may quusan ismanay dhiibin, waxaanay sii waday

inay la xidhiidho meelihii lagu soo saari jiray buugaagta ilaa mid ka mid ah

qoladii buugaagta soo saaraysay uu ku siiyay buugeedii 4000 oo dollar.

Lacagta iyo Caanimada

Buugii waa la daabacay waxaana loo tixgaliyay inuu noqday buug guulaystay .

Joanne aad ayay u faraxday waxaanay go'aansatay inay sii wado riyadeedii.

Waqti aad u yar kadib waxay ku iibisay koobiga buug kale oo ay qortay 100,000

oo dollar.

Buugii hore ee ay qortay ee ciwaankiisu ahaa Harry potter wuxuu bilaabay inuu

u faafo sida dabka oo kale. Ilaa tukaamadii iibinayay buugaagta kuyuu loo soo

gali jiray si ay dadku u helaan buugaa.

Wax yar kadib Joanne waxay ka helaysay lacag aad u badan meelihii lagu

daabici jiray buugaagteeda. Buugaagteedii waxay noqdeen kuwa loogu

iibshada badan yahay mudo 5 sano ah.

Joanne markii dambe waxay ka heshay codsi mid ka mid ah dadka filimaanta

soo saara in buugeedii sheekada ahaa loo badalo filim. Wax yar kadib Joanne

waxay ka heshay 200 million oo dollar filimkii laga sameeyay buugeedii.

Joanne waxay noqotay qoraagii ugu horeeyay taariikhda ee noqda bilyaneer

waxaanay imika tahay mid ka mid ah dumarka ugu taajirsan aduunka.

        Casharadii laga bartay Joanne

1. Udagaalan waxaa rumaysantahay xataa haday dadka khabiirada ahi ku

diidaan: Joanne waxaa diiday 12 madbacadood oo buugaagta soo saara

hadana waxay sii waday isku daygeeda sababtoo ah waxay rumaysnayd

awoodeeda ay ku qori karto sheekooyin.

2. Xataa markay noloshu kugu adkaato hore u soco: nolosha Joanne

waxay dhab ahaan ahayd mid adag. Waxay ku qori jirtay buugeedi ugu

horeeyay meel maqaaxi ah iyadoo inanta yar ee ay dhashay dhabta ugu

jiifto. Waxay soo martay dib u dhacyo iyo waqtiyo argagaxleh balse way

sii waday manay niyad jabin ilaa ay ka noqotay gabadhaa caanka ah ee

maanta la yaqaano J.K. Rowling.

3. Waxaad ka soo bilaabi kartaa meel aad u hooseeysa waanad guulaysan

kartaa: Joanne may haysan wax ay ku bilawdo marka laga yimaado

riyooyinkeeda iyo hiwaayadaa ay jeclayd, balse waxay cadaysay in

hiwaayada iyo riyadu ay ka awood badan yihiin dhamaan hantida kale ee

caalamka taala.

       Sheekadii Guusha Ee Dhirubhai Ambani

Dhirubhai Ambani. wuxuu tusaale kaloo weyn u yahay dadka kasoo bilaabay

eber-ka, ee raacay riyooyinkiisii islamarkaana run ka dhigay.

Dhirubhai wuxuu ku dhashay India. Aabihii wuxuu ahaa macalin qoyskiisuna

may lahayn lacag badan. Markii uu 16 jir ahaa wuxuu u socdaalay dalka yemen

halkaasi oo uu ka bilaabay shaqadiisii ugu horeysay. Wax yar kadib Dhirubhai

wuxuu ku noqday dalkiisii India wuxuuna aasaasay ganacsi uu qof kale sheer

kula ahaa, balse wax si fiican ugumay qabsoomin qofkii ay sheerka ku

ahaayeen shirkadana way kala tageen.

Dhirubhai wuxuu ka waynaa 30 jir markii uu bilaabay shirkadiisii labaad. Wax

yar kadib shirkadii uu aasaasay waxay noqotay mid caan ah, wax yar kadibna

wuxuu noqday Bilyaneer.

Dhirubhai waxaa marar badan lagu magacaabay website-ka caanka ah ee

Forbes, waxaa loo doortay inuu ka mid yahay raga ganacsadayaasha ah ee ugu

sareeya qaarada eeshiya, hantidiisa dhaqaale ee uu haystaana maanta waxay u

qalantaa 60 Bilyan oo dollar. Dhirubhai wuxuu dhintay 2002.

     Casharada laga barran Karo Sheekada Dhirubhai Ambani

Noloshii Dhirubhai Ambani waxay inoogu filantahay inay ina siiso xaqiiqooyin

aasi kara fikradaha khuraafaadka ah ee ay dadku ka aaminsan yihiin guusha.

Fikradahaa khuraafaadka ah waxaa ka mid ah.

1. Dadka faqiiriinta ahi ma guulaysan karaan: Dhirubhai wuxuu ka

dhashay qoys faqiiriin ah, waxaanu ka soo bilaabay meel aad u hooseysa,

hadana wuxuu noqday mid ka mid ah dadka ugu taajirsan caalamka oo

dhan. Meesha aad ka bilaabaysa micno weyn samayn mayso haddii aad

u jeelantahay inaad guul gaadho.

2. Inaad waqti Dambe bilawdaa waa wax caadi ah: Dhirubhai wuxuu ahaa

32 jir markii uu bilaabay kambanigiisii labaad. Marka aad hadaf leedahay

ee aad u jeelantahay gaadhida hadafkaa, waqti aad bilaabaysaa macno

weyn samayn maayo. Dadka qaar ayaa guusha gaadha markay 40 jir

yihiin, qaar baa gaadha markay 50 jir yihiin xaga qaar kalana gaadhaan

da'a intaa ka dambaysa.

3. Meel kastood ku nooshahayba guul waad gaadhi kartaa: Dad badan

ayaa rumaysan in meesha aad ku dhalatay ay saamayn balaadhan ku

leedahay sida aad guusha u gaadhayso. Haddii aad aaminsantahay inaad

guul weyn gaadhi lahayd hadaad maraykan ku noolaan lahayd waad

qaldan tahay. Haddii aad tahay qof raba inuu guul gaadho, meelkasta oo

aad joogtaba waad gaadhi kartaa guul.

4. Waan guuldaraystay mana guulaysan karayo: Dhirubhai wuu ku

guuldaraystay ganacsigiisii koowaad markii qofkii ay share-ka lahaayeen

kaga baxay, balse muu quusan wuuna sii waday isku daygiisa ilaa uu

dhab ka dhigay riyadiisii oo uu xaqiijiyay.

Dadka nolosha guulaha ka gaadhay waxay cadayn toos ah u yihiin in halka aad

ka bilaabayso, noloshaada adag iyo cudurdaarada aad samaynaysaa aanay ku

joojin karin.

Dhirubhai wuxuu samayn karayay boqol cudurdaar, qofna muu eedeeyeen

balse wuxuu doortay inuu geesi noqdo taasina waa sababta uu ugu guulaystay

hadafyadiisii.

Laba mid uunbaad noloshaada samayn kartaa, waa ta kowaade inaad geesi

noqoto oo aanad ka hadhin riyooyinkaaga ilaa aad ka guulaysanayo ama inaad

hesho cudurdaaro aad kaga meeraysato inaad guul gaadho, oo aad rumaysato

cudurdaaradaa.

               La soco Oo ku Xidhnaw Sama-Wade


Previous Post Next Post