Sheekooyinka Dadkii Guulaha Gaadhay Oo Dhiiri Galin Leh

               Qaybtii 3aad

                        Sheekadii guusha ee Coca-cola

Uma malaynayo inuu jiro qof aduunka ku nool oon wali maqal sharaab coca 

cola la yidhaa. Cocola waa shirkad sharaabka soo saarta oo lagu qiyaasay 

hantideeda in ka badan 160 bilyan oo dollar, sanadkastana waxay iibisaa in ka 

badan 40 bilyan oo dollar, caalamkoo dhana waa laga helaa.

Dad badan ayaan fahansanayn siday guushu u dhacdo, waxayna ka haystaan 

fikrado qaldan, fikradahaa way aaminaan, waxaanay ka dhigtaan wax xaqiiq ah  oo jira.

Qofka iska caadiga ahi wuxuu umalayn doonaa in shirkadan Coca cola uu 

bilaabay qof milyaneer ahi, si fudud uu ugu balaadhiyay aduunkoo dhan, balse 

xaqiiq ahaan ninkii bilaabay shirkadan sharaabka oo la odhan jiray John 

Pemberton wuxuu ahaa nin farmasii iibiya ( meesha dawooyinka lagu iibiyo ).

Wuxuu si qalad ah oo aanu ugu talo galin u soo saaray oo uu u ogaaday isku 

jirka sharaabka, waxaanu isku dayay inuu ka iibiyo wixii uu soo saaray farmasi 

kale oo agtiisa ahaa 5 centi ayaanu ka siiyay koobkiiba.

Sanadkii horeeyay Coca cola wuxuu iibiyay 9 caagadood oo sharaaba 

maalintiiba. Sanadka dhamaadkiisiina wuxuu wuxuu shaqeeyay lacag 

gaadhaysa 50 dollar, 73 dollar-na wuxuu ku bixiyay xayaysiinta sharaabkaa. 

Waxaanad arki kartaa inuu khasaaray sanadkaa.

Sanado kadib niman ganacsato ah ayaa kaga iibsaday ninkii aasaasay lacag 

gaadhaysa $2300, sanado kadibna waxay noqotay shirkadaa weyn ee aynu 

maanta naqaano.

Ma ogaatay sida hooseeysa ee u ku bilaabmay ganacsigan?

Sidoo kale ma ogaatay sida uu u noqday ganacsi weyn?

                      Casharada laga baran karo sheekadan 

Waxaa jira casharo aad u muhiim ah oo aynu ka baran karno sheekadan.

1. Waxaad ka bilaabi kartaa meel aad u hooseeysa waxaanad gaadhi

kartaa meel aad u saraysa : shirkadaa dhan waxaa laga bilaabay meel

farmasii ah, sanadkii ugu horeeyayna wax faa'ido ah may samayn. Dad

badan ayaa u maleeya in inaad wax bilawdaa ay u baahantahay wax

weyn si aad meel weyn u gaadho, taasina waa fikir qaldan oo ay ka

aaminsan yihiin guusha.

2. Waa wax iska caadi ah in aanad wax natiijo ah arag bilawga hore : aan

ku waydiiyo su'aal. Maxaad samayn lahayd haddii sharaab cusub oo aad  soo saartay laga iibsado 9 cabitaan oo kaliya sanad dhan? Miyaad niyad

jabi lahayd ood joojin lahayd? Dad badan ayaa u maleeya in ay tahay

inay marka hore natiijo helaan si ay u sii wadaan, balse xaqiiqdu waxay

tahay natiijada aad rabtaa waxay imanaysaa markaad sii wado.

3. Waxaad heshaa waxaad u qalanto markaad sii wado dadaalkaaga: coca

cola waa sharaab cajiib ah, waxaanu u qalmaa inuu caan noqdo balse

haddii ninkii aasaasay uu niyad jabi oo uu joojin lahaa markuu iibiyay 9

cabitaan sanad dhan heerkan muu soo gaadheen. Haddii aan si kale u

dhigno haddii fikirkaagu yahay fikir aad u fiican haka rajayn inay dadku

hore ka taageeri doonaan ilaa aad samayso dadaal aad u badan mooyaane.

Bal adiga kawaran?

Bal hadaba adigu isku noqo?

Maxa kaa hortaagan ee dib kaaga haya inaad gaadho hadafyadaada?

Ma dadkaa diiday fikradahaaga? Dad badan oo maanta guul ka gaadhay

nolosha raadna ku reebay aduunka ayaa la diiday fikradahooga, balse waxa u

suurto galiyay inay sida cadceeda uga soo muuqdaan adduunka intiisa kale waa

quusasho la'aanta iyo sii wadista. Lacag kugu filan mahaysatid miyaa? Coca

Cola-ha aad arkayso fikradiisu waxay aad uga liidatay fikirka aad maanta hayso.

Dad badan ayaa waxaa curyaamiya fikirkadaha beenta ah ee ay guusha ka

haystaan, xagii ay xaqiiqda ka arki lahaayeen. Haddii ay xaqiiqda arki lahaayeen

waxay qiri lahaayeen inay u halgamaan fikradahooga ayna waajahaan

caqabadaha ay la kulmi lahaayeen.

Waxa aad kuugu fudud inaad tidhaahdo " ma haysto lacag igu filan oo aan ku

bilaabo ganacsi" " nasiibkaygu ma fiicna" xagii uu ka qiri lahayd inaad masuul

buuxa ka tahay natiijooyinka aad helayso noloshaada.

Ma garanaysaa sababta ay dad badani fikir been ah uga haystan guusha?

Sababtoo ah dadkaasi mala dhiiranaan ay ku qirtaan inay badali karaan noloshoda.

                  Sheekadii Guusha Ee Nic Vujicic

Dadku badanaa markay la kulmaan duruufo adag laba dookh mid uunbay

sameeyaan inay isdhiiban oo ay rajo dhigaan ama inay waajahaan oo ay la

dagaalamaan duruufahaa adag. Badanaana dookhani waa waxa go'aamiya sida

ay noqonayso nolosha qofkaasi.

Inaad si xoogan u aaminsanaato riyooyinkaagu waa waxa kugu taageeri kara

halgankaaga aad kaga soo horjeedo rajo la'aanta. Yeelashada damac xoogan

iyo go'aan aad guul ku gaadhaa waa waxa kaliya ee kuu rumayn kara hadaf aad

leedahay isla markaana ku siin kara rajo xoogan oo aad kaga gudbi karto

dhamaan caqabadaha aad waajahayso.

Farxada iyo badhaadhuhu waxa suurtogal ah inay umuuqdaan waxay adag

tahay in la helo, balse waxaan shaki ku jirin inay sugayaan inay kugu abaal

mariyaan dhamaadka wado ay ka sokeeyaan shaqo adag iyo halgan badani waa

haddii aad go'aansato inaad raacdo wadadaa.

Qofka bili'aadanka ahi wuxuu guuldaraystaa oo kaliya markuu aamino in aanu

gaadhi karin riyooyinkiisa.

Inaad fuusho salaan dheeri dhab ahaan wax khatarteeda leh, balse waa inaad

fuushaa haddii aad rabto inaad gaadho ujeedkaaga, sababtoo ah hadii aanad

fuulin fursada kaleed haysataa waa inaad hoostaagnaato uun salaanka oo aad

ka cabato uun siday noloshu u adagtahay.

Sida Loo Helo Waxaad Rabto Nolosha Adoon u Eegayn Waxaa aad haysato.

Nick Vujicic waxa uu 1982 ku dhashay melbourne oo tirsan dalka australia,

waxaanu dhashay xanuun bili'aadanka mar mar iyo dhif lagu arko, kaasi oo ah

inuu dhashay isagooy ka maqan yihiin afartiisii adin( labadii lugood iyo labadii

gacmoodba). Markii ugu horeysay ee uu dhashay hooyadii waxay diiday inay

aragto amase ay qabato iyadoo kalkaalisadii ay u haysay mudo, markii dambe

waxay ku qanceen Markii uu yaraa curyaanimada Vujicic waxay ku sababtay inuu waajaho halgan muuqaaleed iyo mid dareen ahba.

Sharciyada dalkiisa u yaala umay suurtogalin inuu ku biiro iskuul fiican, waxyar

kadib markii loo ogolaaday inuu ku biiro iskuulkiina wuxuu cadaadis iyo xoog

sheegasho kala kulmay ardaydii ay dugsiga wada baranayeen taasi oo ku

sababtay inay murugo aad ubadani haleesho markii uu 8 jir ahaa. Markii uu 10

jir noqday wuxuu iskudayay inuu isdilo markii uu u adkaysan waayay noloshuu

ku sugan yahay.

Vujicic hamigiisu wuxuu ahaa inuu ku noolaado nolol guul leh, islamarkaana uu

yeesho awood uu kaga gudbo dhamaan ayaandarooyinkan haleelay si uu guul

u gaadho.

Inkastoo aanu lahayn wax adimo ah, hadana kamuu fikiri jirin waxaanu haysan,

balse si sidaa kasoo horjeeda mid kamid cagihiisa aad ka u dhumucda yar oo

lahayd laba farood ayaa ku hogaamisay nolol barwaaqo ah. Wuxuu bartay sida

loo isticmaalo computer-ka waxaanu halkii minute ba qori karaa 40 xaraf.

Sidoo kale wuxuu awood u yeeshay inuu tuuro kubada tenniska, inuu qabsado

galaas biyo ah,inuu shanleeyo timihiisa,inuu cadayo ilkihiisa, inuu taleefanka u jawaabo, islamarkaana uu gadhka xiirto. Wuxuu ciyaari kartaa noocyo badan

oo kamid ah sportiga sida golf-ta, dabaasha,iyo waxa loo yaqaano skydiving.

Waxa uu laba bachelor degree ah ka diyaariyay xisaabaadka iyo dhaqaalaha.

Vujicic wuxuu ku guulaystay inuu noqdo qof dadka dhiirigaliya, waxaanu u

socdaalay dhamaan aduunkoo dhan, isagoo lahadlay 3 milyan oo qof oo ku

kala nool in kabadan 44 wadan. Isagoo barayay dadka sida loo rumeeyo

riyooyinkooga. Waxaana ka mid ah hadaladiisa ugu caansan markuu dadka

dhiirigalinayo “Dream big my friend and never give up. We all make mistakes but none of

us are mistakes.”

Markii dambe wuxuu aasaasay urur loo yidhaa " life without limbs" iyo shirkad

la yidhaa " attitude is altitude". sanadkii 2005 waxaa loo magacaabay

abaalmarintii sanadka ee dhalinta australia. 2002 wuxuu guursaday Kanae

Miyahara waxaanu dhalay laba caruur ah.

Sheekadan Nic Vidicic waxay indhaheena u furaysaa xaqiiqda ah in

daciifnimadu ay ku dhacdo qalbiga balse aanay ahayn jidhkaagoo si fiican u

shaqayn waaya. Dhiirigalin la'aantuna tahay xanuun ku dhaca maskaxda balse

aanay ahayn jidhka. Isagoo arintan ka hadlayana wuxuu yidhi " curyaanimo ta

ugu weyni waa cabsida waxaanay kuu qalalin doontaa si kadaran kursiga

curyaanka. Hadaba waa maxay cudurdaarkaagu.

              Sheekadii Guusha Ee Subhreet Kaur

Miyay Waxyaabo Aad Xadaysatay Dib Kaaga Hayaan inaad ku

guulaysato hadafkaaga ?

Goormay markii kuugu dambaysay eed aamintay in aanad waxba qaban karin?

Goormay ahayd markii kuugu dambaysay eed aamintay inay jiraan waxyaabo

aanad dhaafi karin oo kaa hortaagan inaad gaadho hadafyadaada?

Goormay markii kuugu dambaysay eed aamintay inaanad lahayn hanti aad ku

gaadhi karto hadafyadaada.

Subhreet Kaur waa gabadh u dhalatay dalka India oo lug kaliya leh, lugteedii

kalana ku wayday shil baabuur oo ay gashay. Subhreet waxay go'aansatay inay

noqoto qof ciyaara jaaska iyadoo lug kaliya leh, waxaanay bilawday in si joogto

ah u tababarato. Waxay ku sii xoogaystay jacaylkii ay u qabtay inay noqoto

jaasaa caan ah waxaanay cadaysay in aanay jirin waxaan suurto gal ahayni.

Subhreet waxay ka qayb gashay tartanka la yidhaa " India's Got Talent"

waxaana loo doortay inay ka mid noqoto dadka ka qayb qaadanaya.

Markii ay bilawday jaaskeedii waxay u jaastay si aanay dadka caadiga ahi aanay

u jaasin, waxaana sacab ula kacay, fadhigana uga kacay garsoorayaashii

tartanka waday. Agteerka Salman Khan Oo kamid aha garsoorayaashii meesha

joogay ayaa yaab awgii ku dhawaaday inuu khalkhalo isna xejin kari waayay.

Waxaanay ku guulaysatay tartankii iyadoo ka guulaysatay dad badan oo laxaadkoodu dhamaystirna waxaanay noqotay qof caan ah.

Hadaba imika waxaa jira su'aalo ay aad u muhiim tahay inaad waydiiso naftaada.

Hadii aad taagnaan lahayd booska inantaa, oo aad u sheegto saaxiibadaa inaad

doonayso inaad barato sida loo jaaso, maxay noqon lahayd jawaab celinta

saaxiibadaa.

Miyuu qofna kuu sheegi lahaa inay suurto gal noqon karto?

Iska ilawba saaxiibadaa, sideebay maskaxdaadu kuugu jawaabi lahayd haddii

aad naftaada u sheegi lahayd inaad baranayso sida loo jaaso.

Miyay maskaxdaadu kuu sheegi lahayd inay suurtogal tahay inaad la tartanto

dad laxaadkoodu u dhamaystiran yahay adoo lug kaliya leh ? mise

maskaxdaadu waxay kuu soo diri lahayd fikiro taban oo ay kuugu sheegayso

inaanay suurto gal ahayn.

Dadka curyaamiinta ahi maaha dadka ay ka maqan yihiin qayb ka mid ah

laxaadkoodu balse waa kuwa ka aaminay nolosha fikiro been ah oo si toos ah u

curyaamiyay inkastoo ay leeyihiin jidh caafimaad qaba.

                         Curyaanimada Dhabta ah

Waxyaabaha xadida awooda qofka ee ka joojiya inuu hadafkiisa gaadhaa

ma'aha qofka oon haysan hanti ama wax kale oo u suurtogaliya inuu gaadho

hadafkiisa balse waa fikir qaldan ee uu qofku aamino. Haddii aad tahay qofka

ugu awooda badan aduunka balse aad aaminsantahay inaad daciif tahay

waligaa ku guulaysan maysid in meel gaadho.

Dhinaca kale haddii aad qof curyaan ah tahay, balse aad leedahay fikir

caafimad qaba, waxaa samayn doontaa guulo aan inaba caadi ahayn, kuwaas

oo dadka muuqaal ahaan u caafimaad qabaa aanay gaadhi karin.

Guushu gabi ahaanba waxay ku xidhan tahay waxyaabaha aad aaminsan tahay

ee ka dhex guuxaya maskaxdaada.

     

Previous Post Next Post