Shekooyinka Dadkii Gulaha Gaadhay Oo Dhiiri Galin Leh

        Qaybtii 4aad

         Sheekada Dhiirigalinta leh ee Larry Swilling

Waligaa Ma u malaysay in hadafyadaadu ay yihiin qaar aade u adag oon la gaadhi karin?

Waliga ma istidhi inaad aad uga waynaatay waqtigii aad hadafyadaada gaadhi lahayd?

Waligaa ma isku dayday inaad gaadho hadafyadaada hadana ma quusatay oo 

ma rajo dhigtay ka hor intaadan gaadhin?

Haddii aad HAA kaga jawaabtay mid kamid ah su'aalahaa waxaad u baahan 

tahay inaad ogaato sheekada Larry Swiling.

Larry waa nin 77 jir ah, waana nin naxariis badan oo xaaskiisa si aad u jeclaa. 

Waxa ay isqabeen xaaskiisa 57 sano waxaanu gaadhay heer aanu qiyaasi karin 

sida ay noloshiisu noqon lahayd iyada la'aanteed !

Balse nasiib xumo, xaaskii Larry waxa ku dhacay kalyo xanuun waxaana loo 

sheegay in kali ka mid ah kalyaha xaaskiisu ay shaqadii joojisay, ayna tahay in 

dhakhtar la dhigo. Larry wuxuu ogaa in haddii xaaskiisa loogu deeqo kali ay 

badbaadi karto balse muu garanayn cid uu kali uwaydiiyo oo ugu deeqda xaaskiisa.

Markii uu dayday waxoogaa qof kali u saara xaaskiisa, nasiib umuu yeelan inuu 

helo , balse wuxuu sameeyay wax layaab leh, wuxuu qaatay loox uu ku qoray " 

kali ayaan ugu baahanahay xaaskayga" waxaanu iskaga dhajiyay xaga hore.

Larry wuxuu bilaabay inuu socod ku maro wadooyinka saacado badan maalin 

walba. Sidoo kale Larry wuu shaqayn jiray, waxaanu socdaalkiisa uu ugu 

daydayayo kalida xaaskiisa uu bilaabi jiray kadib markuu dhameeyo shaqaadiisa.

Larry wuxuu lugeeyay in ka badan 250 mile. Maalin ayaa wuxuu lugeeyay 15

mayl iyadoo cimiladu aad u xumayd aadna u kulalayd. Sidoo kale Larry waxay

dhibaato ka haysatay oo xanuunayay jilbaha waxaana ku adkayd inuu xataa lugeeyo.

Dadku waxay ugu deeqayeen lacag balse wuxuu ugu jawaabayay " waad ku

mahadsan tihiin, waxaan xaaskayga u rabaa oo kaliya kali si aan u badbaadiyo"

Larry wuxuu lugaynayay sanad dhamaystiran! Ilaa uu noqday 78 jir! HAA sanad

dhan ayuu raadinayay markii ugu dambaysayna wuxuu helay qof ugu deeqa

xaaskiisi kali, waanu badbaadiyay xaaskiisii"

Larry wuxuu ku badbaadiyay xaaskiisii uu jeclaa sababtoo ah wuxuu lahaa rajo

iyo go'aan dhagax ah.

           Waayihii adkaa ee uu Larry waajahay !

● Waqti muu haysan sababtoo ah wuxuu gudanayay shaqadiisa maalin laha ah

● Lacag ku filan muu haysan xaaskiisuna waxay u baahnayd 4000 dollar bishiiba si loo daweeyo.

● Da'diisu waxay ahayd 78 jir.

● Wuxuu raadinayay waxay adag tahay in la helo

 ● Xaaladiisa caafimaad may ahayn mid saa u fiican Bal hadaba adigu isku noqo

Waa maxay cudurdaarkaagu?

Miyay hadafyadaadu dhab ahaan adag yihiin in la gaadho?

Imisa mayl ayaad u lugaysay si aad u gaadho?

Imisa jir baad tahay?

Miyaad u dagaalamaysaa waxaad dhab ahaan urabto nolosha?

Haddii aad ugu dagaalami lahayd oo waxa aad doonayso si la mid ah sidaa uu

Larry ugu dagaalamay inuu xaaskiisa badbaadiyo waxaa hubaal ah inad maalin

gaadhi lahayd hadafkaaga.

Waa wax aad u fudud inuu qofku la yimaado cudur daar uu ku eedayn karo qof

dhibaatooyinka isaga haysta. Inaad naftaada been u sheegtaa waa mid ka mid

ah wadooyinka ugu dhaw ee kugu hogaamiya guuldarada. Haddii aad rabto

sida ay dhab ahaan u dhacdo guushu waa dareenkaaga islamarkaana aad

tixgalisaa sida sheekooyinka dadka guusha gaadhay sida ninkan Larry Swilling.

Ninkan 78 jirka ah ee u lugeeyay 250 mile si uu u badbaadiyo xaaskiisa kuna guulaysatay.

Sheekadii Ganacsade Somali ah Oo ku Taajiray 15 Dollar

Haddii aad u fiirsato dhamaan sheekooyinka ku taxaluqa dadka guusha

gaadhay, magacyada, jinsiyada iyo meesha lagu noolyahayba ha ku kala

duwanaatee waxaa dhab ah inay ka midaysan caqabada iyo duruufaha kala

gadisan ee ay waajahaan intay ku gudo jiraan socdaalkooda guusha iyo sida ay

uga dabaashaan caqabadahaa.

Saleebaan Maxamed Faarax wuxuu sanadkii 1994 ganacsigiisa ku bilaabay

tanag timir ah oo uu dulsaaray miis iyo dalaayad uu ka qotomiyay meel dhinaca

ku haysa jidadka waaweyn ee magaalada Hargeysa mid kood oo ku dhexyaala

goob suuq ah oo noocyo kala duwan oo ganacsi ahi ka socdaan.

Waxay ahayd waqti adag oo gobolada waqooyi ay markii uun ka soo

kabanayeen dagaalo mudo socday oo ay lagu waayay mood iyo noolba barakac

baahsana sababay. Waxay ahayd waqti nolosha dadka ku dhaqan Hargeysi ay

aad u adkayd iyadooy ugu wacnayd deganaansho la'aan dhinaca amaanka ah,

sicir bararka maciishada oo aad u sareeyay iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Markii uu iibsaday tanaga timirta ah ee uu ganacsigiisa ku bilaabay wuxuu

siistay 21 dollar oo uu soo amaahday, waxaanu maalintiiba ka faa'idi jiray hal

dollar oo kaliya. Wuxuu ahaa qof aaminsan naftiisa, isla markaana aaminsan

inuu ka dhabayn karo horumarna ka gaadhi karo ganacsigaa yar ee uu bilaabay.

Maxamed markii uu mudo bil iyo badh ah waday ka ganacsiga ee uu faa'ido yar

ka qabtay timirtii uu iibinayay ayaa wuxuu bilaabay inuu ku soo kordhiyay

miiskii laws iyo cananis uu xidh xidhi jiray. Markii uu waxooga faa'ido ka qabtay

intii ayaa wuxuu uga digo rogtay inuu iibiyo dharka bacadlaha isagoo iibin jiray

kabo iyo dhar ay dadka danyarta ah xidhaan isagoo markii dambe ganacisigiisii

u sii balaadhiyay inuu keeno daahyada guryaha lagu xidho, taasina ay u

saamaxayday inuu madaxa la galo nooca ganacsiga uu maanta ku gudo oo ka

kooban qalabka qurxinta guriga iyo qalabaynta xafiisyada.

Maxamed Saleebaan haatan astaantiisa iyo magaca meheradiisa waxaa si weyn

looga yaqaana gayiga somalidu dagto. Isagoo ay alaabtu uga soo dagto 

wadamada dibada sida Shiinaha iyo Turkiga, Qaar badan oo alaabtiisa ahna

lagu farsameeyaa wadanka gudihiisa.

Maxamed Saleeban Imika waa Mulkiilaha mid kamid ah shirkadaha ugu sanka

dheer ee ka ganacsada qalabka guryaha iyo xafiisyada waxaana la yidhaa

shirkadiisa AL-XAYAAT FURNITURE AND HOME DECORATION.

Maxamed waa waqtigan xadigiisa maaliyadeed lagu qiyaasaa adduun gaadhaya

dhawr Million oo dollar oo uu ka bilaabay 15 dollar oo uu siistay tanag timir ah,

isagoo aanu qofna caawin.

              Casharada aan ka barran karno sheekadan:

Adoo ka bilaabay meel hoose ayaad gaadhi kartaa meel sare: Maxamed

wuxuu ka bilaabay ganacsigiisa 15 dollar oo siistay tanag timir ah maanta

hantidiisu waxay gaadhaysaa dhawr MILYAN oo dollar. Haddii

aaminsantahay awoodahaaga iyo inaad guul gaadhi karto meel hoosaba

aad ka bilawdide waxaa shaki ku jirin inaad maalin uun gaadhi doonto halkaad rabto.

Isbad-badal yeelo: Maxamed ganacsigiisa wuxuu ku bilaabay tanag timir

ah balse kumuu joogsan intaas oo kali ah ee wuxuu ku fikiray sidii uu u

balaadhin lahaa ganacsigiisa si uu u gaadho yoolkiisa oo ah inuu noqdo ganacsade weyn.

Ku fikir inaad samaysato ganacsi: Maxamed wuu awooday inuu shaqo

uu nolol maal-meedkiisa ku dabaro helo balse wuxuu ka doorbiday inuu

samaysto ganacsigiisa walow faa'idaduu ka helayaa haba yaraatee.

Haddii aad ku fikirto uun inaad shaqaale ahaato waxaa dhab inaanad

horumar la taaban karo kaa gaadhi doonin waligaa, sikasta oo aad u

shaqaysana lacagta lagu siinayaa ay ahaan doonto mid kooban. Balse

hadaad ganacsi furato faa'idadaadu waxay noqon doontaa mid xad lahayn.

Jooji inaad ka cabato caawimaad la'aan: Maxamed intii uu horumarkaa

samaynayay ma jirin qof ka caawiyay isla markaana soo gacan qabtay.

Inaad cudurdaar samaysataa waa wax fudud balse ogow inay dhabar jab ku tahay horumarkaaga iyo ogaato awoodahaaga ayna kuu horseedayso guuldaro.

Adna Sidoo kale waad samayn kartaa: Wuxuu Maxamed ka soo bilaabay 

meel aad u hooseysa, manuu haysan wax ka badan inta laga yaabo 

intaad maanta haysato, xaqiiq ahaan waxa laga yaabaa in waxa aad 

maanta haysataa ay ka badan tahay intuu haystay. Hadalkoo gaaban sidoo kale waad samayn kartaa.

Miyaad ka habsaantay waqtigii guul ka gaadhi lahayd  nolosha (sheeko)

Ma u malaynaysaa inaad ka dib dhacday xiligaad inaad guul gaadho?

Ma umalaynaysaa inaanad dhaafi karin waayaha iyo caqabadaha badan ee aad 

waajahayso nolosha?

Ma umalaynaysaa in waqtigan aad joogto aanay gabi ahaanba suurto gal ahayn 

inaad guul gaadhaa?

Haddii Haa kaga jawaabtay su'aal kamid ah su'aalahaa waa akhridaa 

sheekadan, sababtoo waxay kuu saamixi doontaa inaad ogaato waxyaabo 

badan oo aanad ka ogayn nolosha. Susan Boyle waa gabadh waxay dhalatay 

iyadoo iyadoo maskaxda uu dhaawac sahlani kagaadhay iyadoo dhaawacaa uu 

ugu wacnaa khalad uu sameeyay dhakhtarku markii ay dhalanaysay.

Sanadihii ugu horeeyay ee nolosheeda waxay jeclaatay musiga, waxaanay 

jeclayd inay noqoto qof musikiiste ah, balse iyadoon ahayn qof soo jiidasho leh 

waxaa niyad jabiyay dad badan oo ku agnoolaa.

Qoyskeedu waxaa haysatay dhibaato dhaqaale la'aan ah, tana waxay culay kale 

ku sii dartay culayskii horee haystay. Sanadkii 1995 waxay codsatay inay ka 

qayb qaadato bandhig lagu so bandhigo dadka kartida iyo hibooyinka leh balse 

codsigeedii waa la diiday.

Susan waxay sii waday inay wali aaminsanaato riyadeedii ahayd inay noqoto 

heesaa caan ah, balse laba sano kadib aabaheed ayaa dhintay, sanado kadibna 

walaasheed ayaa sidoo kale dhimatay. Inkastoo ay nolosheedu ay la kulmaysay waxaas oo dhibaato ah, wali waxay sii wadatay aaminsanaanta riyadeedii kamanay quusan.

          Sii wadistii riyada

Sanadkii 2007 hooyadii dhashay Susan, qofkii kali ahaa ee adduunka dhan ka

siinayay taageeraday u baahantahay ayaa sidoo kale dhimatay, waxaanay kali

ku noqotay adduunka. Arintani markii ay dhacday Susan waxay ka niyad jabtay

oo ay joojisay riyadeedii ahayd heesaha waxaanay dib ugu noqotay aqalkeedii yaraa.

Sanado badan oo silica kadib, Susan waxay go'aansatay inay marlabaad dib ugu

dagaalanto riyadeedii waxaanay ku biirtay bandhig la odhan jiray Britain's got

talent show, oo lagu soo bandhigi jiray dadka hibooyinkooda iyo

hawlkarnimadooda, waqtigaana ahaa halka meesha laga soo saaro hobolada

(heesaayada) ingiriiska.

Iyadoo aaminsan in aanay ku guulaysanayn iyadooy ugu wacan tahay

muuqaalkeeda iyadoo da'deedu Afartan jir kor u dhaaftay, haba yaraatee wax

rajo ah kamay qabin inay noqon doonto heesaa caan ah, balse hadana way sii

waday halgankeedii iyo dagaalkii ay ugu jirtay riyadaa.

Kadib 30 (soddon sano) oo ay u soo halgamaysay riyadeeda, waxay ugu

dambayntii soo istaagtay masraxii bandhiga, waxaana ugu horeyn la waydiiyay

intay da'deedu jirto waxaanay ku jawaabtay "waxaan ahay 47 jir" qofkastaaba

afkuu gacanta ku qabsaday, garsoorihii bandhiga ayaa xataa madaxa

qabsadayoo la yaabanaa, dhamaan dadkii meesha joogayna way ku qoslayeen

kana maadsanayeen.

Balse markii ay ku bilawday, ee ay ku dhufatay heestii ayuu jawigu gabi

ahaanba iska badalay sidii uu ahaa. Qofkastaaba wuu yaabay, yaab kaduwan kii

hore, wuxuu la dhacay oo qofkastaaba codkeedii. Dhamaan wixii masraxa

joogayna way u wada istaageen sacabka ayaana kala joogsan waayay.

Dhawr cisho kadib bandhigeedii muuqaalkii laga duubay wuxuu noqday mid

kamid ah kuwa loogu daawashada badan yahay youtube-ka, Susan waxay

habeeno gudahood ku noqotay qof caan ah, albamkeedii ugu horeeyay oo la

oo la odhan jiray " I dreamed a dream" oo Somali noqonaya"waxaan riyooday

riyo" wuxuu noqday ka loogu iibsashada badan yahay UK waxaanu kaalmaha

sare ka galay sidoo kale wadanka maraykanka.

Waxay ka samaysay iibinta albamkeedii ugu horeeyay 5 milyan oo lacagta

ingiriiska ah, waxaanay markii dambe sii daysay albamkeedii labaad iyo

saddexaad oo iyaguna sidoo kale aad u guulaystay. Sanadkii 2012 dhaqaalaha

iyo hantida Susan waxaa lagu qiyaasay in ku dhaw 22 milyan oo Sterling.

        Casharada Aadka u Qaaliga ah ee aan ka baranay sheekadan

1. curyaanimada dhabta ah: qofka dhab ahaan u curyaanka ahi waa qofka

haysta caafimaad fiican, muuqaal ahaan aan lahayn curyaanimo

kamuuqata hadana aan u dagaalamin hadafyadiisa sababtoo ah wuxuu

aaminsan yahay in aanu guul gaadhi karin. Susan oo aynu nidhi

maskaxday dhaawac yar ka qabtay runtii may ahayn qof curyaan ah,

balse qofkasta oo ka rajo dhiga inuu dagaalamo hadafyadiisa ayaa curyaan dhaba ah

2. Xushmada waala kasbadaa: markii Susan ay soo istaagtay masraxa ninkii

garsooraha ahaa si xun ayuu ula yaabanaa uguna jeesjeesayay markii uu

waydiinayay su'aalaha, dhamaan daawadayaahsii meesha joogayna way

ku qoslayeen! Balse markii dambe ee ay soo bandhigtay Susan codkeeda

dhamaan wixii meesha joogay way u kaceen! Xushmada waa la

kasbadaa.

3. Badanaa waxaa jirta rajo: Susan waxay ahayd qof maskax ahaan u

dhaawacan oo maskaxda curyaan ka ah, waa loo awood sheegtay,

meelkastana waa ladiiday, kaaga siidarane waxay mid mid u wayday

dhamaan xubnihii qoyskeeda, hadana waxay ku maaraysay inay sii wado

socdaalkeeda ugu dambayna way ku guulaysatay. Badanaa waxaa jirta

rajo waxaan suurtogal ahayna ma jiraan.

4. Wali Cimri kaamuu tagin: Susan waxay bilawday inay heesto iyadoo 12

jir ah balse waxaa si fiican loo aqoonsaday markii ay noqotay 47 jir. Wali

cimri kaamuu tagin waxaanad awood u leedahay inad riyooyinkaaga sii

wadato. Waxaad badanaa bilaabi kartaa waqti kasta waxaanad heli

kartaa waxa aad rabto balse waa inaad wadaa socdaalkaaga oo aanad quusan.

5. Waligaa ha joojin iskudayga: kawaran haddi aanay gabadhasi ka qayb

kali lahayn bandhigaa? Kawaran haddii aan la arki lahaynba oo ay aamini

lahayd in la diidi doono. Haddii ay ka rajo dhigi lahayd riyadeeda iyo

hamigeeda maanta maynu maqalneen. Waxkastoo dhacaba waligaa ha quusan.

Haw ogolaan qofna inuu riyadaada u badalo wax laga xishoodo. U dagaalan

waxa aad rabto riyadaadana ka dhig mid rumawda.

                Sheekadii Guusha Ee Ibrahim Elfiqi

Sheekada Ibrahim Alfiki waa sheeko guul ah oo u qalanta in la sheego. I brahim

Alfiki waa nin u huray noloshiisa intii ugu badnay inuu dadka kale baro sida

looga gudbo caqabadaha ka hor yimaada intay ku jiraan socdaalka ay guusha

ku rabaan. Ibrahim alfiki wuxuu noloshiisa intii ugu badnayd ku bixiyay sidii uu

u faafin lahaa fikir iyo akhlaaq togan.

Wuxuu u arkay sheekada noloshiisa inay tahay tusaalaha ugu fiican ee qof

gaadhay caanimo balaadhan iyo lacag isagoo kaliya aaminsanaa riyooyinkiisa

ilaa ay dhab ka noqotay.

Noloshii Hore Ee Ibrahim Alfiki iyo Sida Uu Heerka KU Gaadhay

Ibraahim Alfiqi noloshiisii hore waxay ahayd mid ka duwan nolosha dadka kale.

Wuxuu ku dhashay dalka Masar sanadku markuu ahaa 1950. Wuxuu degree

jaamacada ee ugu horeeyay ku qaatay kuliyada dalxiiska iyo Huteelada. Kadib

qalin jabintiisii waxay sanadku markuu ahaa 1978 isaga iyo xaaskiisii u

socdaaleen dalka Canada si ay u helaan nolol fiican. Markii uu yimiday dadkii

uu la kulmay ee Canada joogay waxay u sheegeen inuu dalkiisii iskaga noqdo

maadaama aanay waqtigaa wadankaa ka jirtay camal la'aani. Ibrahim Alfiki

lacagtii uu markaa haystay waxay ahayd $1000 oo kaliya dareenkaa xooganina

muu niyad jabin balse Ibrahim wuxuu bilaabay inuu shaqo raadsado.

Wuxuu galay waraysi shaqo mid kamid ah huteelada dalka waxaanu u sheegay

maamulihii hoteelku "Kuma haboonid shaqada huteealada" Ibrahim wuxuu ka

tagay halkii isagoo niyad jabsan balse wuxuu go'aansaday in aanu quusan.

Laba maalmood gudahoodna wuxuu helay laba shaqo. Labada shaqo tii ugu

fiicnaydna waxay ahayd inuu xalo ama dhaqo saabaanka ama weelka cuntada

laga cuno mid ka mid ah hoteelada dalkaasi. Inkastoo shaqadaasi aanay ahayn

ta ugu fiican hadana wuu aqbalay shaqadii isagoo ku adkaystay inuu

socdaalkan kasoo bilaabo meel aad u hooseysa ilaa uu ka gaadhayo meel sare.

Ibrahim wuxuu si dag-dag ah horumar uga sameeyay shaqadiisii marba marka

ka dambaysana wuu sii dalacayay ilaa uu markii dambe noqdayba maamulihii

huteelka, intaa kadibna wuxuu ku guulaystay abaalmarin ah maamulaha ugu fiican huteelada ee waqooyiga America, intaa kadib hadana wuxuu noqday mid

kamid ah dhiirigaliyaayasha ugu weyn ee dalka Canada, dhamaan Carabta iyo

Wadamo kaloo badan.

Ibrahim wuxuu ku casho casuumay ninkii huteelka lahaa ee markii ugu

horeysay diiday intii ay ku jireen wada hadalkoodana wuxuu u sheegay inuu

yahay wiilkii yaraa ee barigii diiday



                  Maxaynu Ka Barran Karnaa Sheekadan:

●  Guulaha Gaadhaa Wax Muhiimad ah ma siiyaan diidmada:

Ibrahim Alfiqi wuxuu takhasus-kiisu ahaa Hoteelada aqoon badana wuu

u lahaa, balse markii ugu horeysay waxaa loo sheegay inaanu ku

haboonayn ka shaqaynta huteelada, balse wuxuu ahaa qof aaminsan

naftiisa dhagna umuu dhigin diidmadii lagala horyimiday ilaa uu markii

dambe u cadeeyay qofkii diidanaa qaladkiisa. Hadii aad rabto inaad

nolosha guul ka gaadho waa inaad ilawdaa diidmooyinka sababtoo

badankoodu wax micno ah ma sameeyaa.

Aamin Naftaada: Sideebuu qof uu sii wadan karaa socdaalkiisa isagoo la

kulmaya diidmooyin badan hadana aan rajo dhigayn? Dhamaan dadka

guulaha gaadhay waxay si adag u aaminsanaayeen naftooda taasina waa

sababta diidmooyinku aanay u gilgilin kalsoonida ay ka qabaan naftooda. 



{La Noolow oo jacaylka Illaahay, ku dhaqan sunaha nabigeena (Csw),
Yeelo iimaan, Kuna mahadnaq waxaad haysato.}

                         Dhamaaad

Previous Post Next Post