Fikir Oo Hodon Noqo



        Dahabkii Oo Saddex Tallaabo Loo Jiro.

Mid ka mid ah waxyaalaha ugu waawayn ee guuldarrooyinka keena waa in uu qofku quusto marka dhibaatooyinku ka adkaadaan. Qof walba khaladkaan mar ama labo waa gaystay, waana uu ka qoomameeyaa.

Nin R. U. Darby, adeerkiis ah, ayaa waxaa ku dhacay jirradii dahab raadinta ee xilligii buuraha lagu yaacay ee reer Maraykan oo dhan ay dahab raadinta ku waasheen.

Ninkaasi buuraha galbeedka dalka ah ayaa uu aaday asaga oo rumaysan "QOD 00 HODAN NOQO".

Waligiis ma uusan maqlin in aysan jirin meel la qoto oo ka dahab badan maskaxda aadanaha. Meel ayaa uu cabbirtay kadibna garwayn iyo badeel u qaatay. Dhulku aad ayaa uu u adkaa balse hammuunta uu dahabka u qabay ayaa ayadna aad u xoogganayd.

Haddii ay to dobaadyo sii qodayeen ayaa rajadoodii u soo dhawaatay. Waxaa u muuqday ifafaalahii lagu garan karayey dahabka dhaw. Waxa ay u baahdeen qalab si fiican u jabin karaya adaygga ku gudban dahabka dhaw. Meeshii ayaa ay inta daboosheen asaga iyo Darby, guryahoodii dib ugu laabteen. Derisyadoodii iyo xogaaladoodii ayaa ay isugu yeereen kadiba u sheegeen sida dahabkii ugu dhawyahay iyo in ay qalab u baahanyahiin. Lacag ayaa la isugu daray kadibna qalabkii loo iibiyey, ayagiina dib ugu soo laabteen halkii qodista.

Haddii la sii qodaba waxaa sii bata ifafaalaha ah in dahabkii dhawyahay, waana la sii waday qoditaankii. Markii qodidu hoos u sii kacdaba waxaa kor u kacayey rajadooda.

Marldi dambe waxaa timid in la waayay waxii ifafaalo iyo raad ahaa oo lagu raad raacayay dahabka. Haddii la sii  qodayba waxba waa ka soo muuqan waayeen mar dambe. 

Waa ay quusteen kadibna go'aansadeen in ay faraha ka  qaadaan oo is dhiibaan. U gu dambayntii waa ay joojiyeen qalabkiina dhawr boqol oo doolar kaga iibsadeen mid nacas ah. 

Doqomada qaar ayaa doqomo dhab ah ah balse kani lama mid ahayn doqomada kale. Waxa uu u yeertay injineer aqoon u leh macdanta iyo dahabka waxa uuna ka codsaday in uu u eego inta dahabku u jiri karayo. Injineerkii ayaa u sheegay khaladka ay gaysteen nimankii hore iyo in dahabka dhammaaba uga dhimmannayd saddex talllaabo. Dhabtiina saddexdaas tallaabo kadib ayaa la belay dahabkii. 

Doqonkaasi malaayiin doolar ayaa uu sidaas ku helay sababta oo ah waxa uu gartay in uu kala tashto cid waayo aragnimo iyo aqoon u leh dahabka kahor inta uusan ka quusan. 

Lacagtii Darby iyo adeerkiis ay qalabka ku iibsadeen waxaa lahaa deris iyo xigaaladooda waxayna qaadatay sanado badan in ay dib u siiyaan. Muddo dheer kadib ayaa Darby 

khasaarahii ka soo kabtay kadib markii uu ogaaday in rabitaankiisa uu dahab ku heli karayo. Waxa uu ogaaday markii uu bilaabay in uu ka shaqeeyo shirkad caymis. Asaga oo xasuusan fursadda wayn ee dhaaftay kadib markii uu saddex tallaabo u jirsaday dahabkii balse uu niyad jabay oo iska joojiyey, Darby waayo aragnimo ayaa uu ka dhigtay dhacdaadaas soo martay asaga oo oranaya, "Waxa aan joojiyey aniga oo saddex tallaabo u jira dahabkii 

Darby hadda waxa uu kn 1uid yahny dhawr qof oo sanadkii 

iibiya malaayiin kaarar caymis sanadkiiba.

"Ku adkaysa shada hada waxa uu ka bartay "ka quusa shadii" 

hore) uso martay.

 Waxaa hubaal uh in marka qofku u socdo in uu guul gaaro,  uu la kulmo guuldarrooyin ka soo horreeya. Marka qofku  noqdo mid guuldarradu ka adkaatay, waxa ugu wayn ee  maan-galka(caqli-galka) la noqda waa 'in uu is dhiibo'.  Waana sida dadka intooda badani ay sameeyaan. 

In ka badan shan boqol oo qof oo ah dadka ugu hantida badan dalkaan, ayaa ii sheegay in guushoodu ku timid in ay inta kaceen halkii guuldarradu dhigtay ay hal tallaabo horay u qaadeen. Guuldarradu waa dhagar-qabto, taas oo isugu jirta Go'aan iyo ad-adayg gaarsiisana qofka halka uu doonayo waa haddii uu adkaysto. Baise waa wax ay ku raaxaystaan kuwa huba in ay guulaysan doonaan. 

                    KONTONKi SHILLIN EE DHABAR ADAYGGA

Waxyar kadib markii Darby uu jaamacadda ka qalin beddeshay(qalin-jabiyey) ee uu go'aansaday in uu dahab qodashadu ku biro, waxaa soo martay fursad baraysa in "Maya" mark.a lagu yiraahdo aadan MAYA u qaadan oonad quusan. 

Galab asaga oo kaalmaynaya adeerkiis oo ay dhex joogaan beertiisa oo dad madow aad u badan ah ugu shaqeeyaan, ayaa albaabkii loo soo galay. Hadii UU eegay waa gabar yar 

00 madoow ah oo iridka taagan. Adeerkiis ilmahii ayaa uu kor u eegay kadibna cod ku qaylin ah ku yiri "Maxaa aad doonaysaa?"

Ilmahii ayaa cod baqdin ah ku tiri "Hooyaday ayaa ii soo dirsatay kontonkeedii shillin

"Ma aan siinayo ee orod gurigiinnii aad'; ayaa adeerkiis ugu warceliyey.

"Haye mudane" ayaa ay tiri balse ma dhaqaaqin ee waa sii taagnaatay

Adeerkay shaqadiisii ayaa uu isaga laabtay mana dareensanaba inanta yar ee albaabka wali taagan. Mar dambe ayaa uu dhankeedii soo eegay oo arkay waana qayliyey "Soo kuma oran orod oo gurigiinnii aad, orod hadda tag haddii kale waa aan kuu soo jeensannin" "Haye mudane" ayaa ay tiri balse tallaabo ma qaadin.

Adeerkiis jawaan uu siday ayaa uu inta dhigtay oo alwaax ag yaallay soo qaaatay ayaa uu ku soo dhaqaaqay asaga oo u muuqda mid dhib gaysan doona.

Darby neefta ayaa ku ceshantay. Waxaa u muuqatay in uu goobjoog u ahaan doono dambi dil ah oo dhici doona. Waxa uu ogaa in adeerkiis uu aad u caro darnaa. Waxa uu ogaa in ilmo madoow ahi uusan awood u lahayn in uu ku soo hadal cesho qof caddaan ah.

Markii adeerkiis soo gaaray halkii inantu taagnayd ayaa ay inta tallaabo horay u qaaday oo hortiisa soo istaagtay, korna u eegtay ayaa ay qaylo halkii ugu dambaysay ku dhawaaqday "Hooyadeey waa in ay heshaa kontonkeedii shillin".

Adeerkii waa istuugay, cabbaar eegaayey inta alwaaxii iska dhigay oo joobkii gacnta galiyey soo bixiyay lacag dhan konton shillin kudibna siiyay. 

Ilmihii lacagtii ayan ay qaadatay kadlbna gadaal-gadaal iridkii uga baxday ayada oo wali eegaysa ninkaa ay ka adkaatay. Markii ay baxday ayna adeerkiis sunduuq ku kor fariistay kadibna cirka ku dhaygagay isaga oo la yaabban jeedalka inantaas yari ay ku dhufatay. 

Darby asaguna sidaas oo kale uyaa uu feker ku maqanyahay. Waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee uu 

arko ilmo madaw addoon ah, oo ka adkaaday mudanihiisa caddaanka ahaa. 

Sidee ayaa ay inantaas yari awooddaas u heshay? Maxaa adeerkiisii uu yaqaanay carradiisa ka dhigay shimbir sidii la rabay laga yeelay? 

Waa maxay awoodda indho-sarcaadka ah ee inanta yari ay  adeegsatay, ee keentay in ay maamusho ninkii ay addoomada u ahaayeen ayada iyo waalidkeedba? 

Waydiimahaas iyo kuwo kale ayaa ka dhex walalac-laynaya  gudaha maskaxda Darby, jawaabna uma uusan helinin illaa sanado badan kadib oo ah marka uu sheekadaan iiga sheekaynayo. 

La yaab ayaa ay ahayd in marka mudane Darby uu ii sheegayo sheekadaan uu taagnaa halkii inanta yari kaga adkaatay odaygii adeerkiis ahaa. Waxaa ayadna yaab sii leh in aan aniguna labaatan iyo shan sano oo la soo dhaafay aan darsayay awooddaas keentay in inantaas yar ee madowga ah ee aan aqoontana lahayn ay ka adkaato odaygaas.

Ahaw zhpka Sama-Wade Oo ku xidhnaw

Previous Post Next Post