Dhaqanka



                                 Waa maxay dhaqan?

Dhaqan waa aminaad iyo caadooyin hab-nololeed oo ay umad gaari ahi leedahay.

Dhaqanku waa astaamo ay leeyihiin umad gaar ah, kuna daaran hawl-qabadyadooda ay qabtaan iyo nolasha caadiga ah taasi oo ay sa ka fikirin aminta ay samaynayaan, maadama oo ay ka dhexleen awoowyaashood isla markaana ay adag tahay sidii ay u joojin lahaayeen.

Umad ama qoomiyad kasta oo aduunka ku nooli waxa ay leeyihiin dhaqamo ugaara, taasi oo suutro galinaysa in la ogaado deegaanka ay ka soo jeedaan ama ay ku abtirsadaan.

Sidaa si lamida umada soomalidu waxa ay leedahay dhaqamo u gaara oo soo jiray qarniyo badan.

Umada soomaalidu waxa ay laahayeen habdhaqan, caadooyin labis iyo waliba farshaxano ay ku sun tanayeen, taasi oo leh cadaymo ilaa maanta lahayo.

Dunida waa ay horumaraysaa ilaa inta uu aadamahu dul joogo aduunka guudkiisa.

Dunida waxa ay ahayd baaxado kala tagsan oo kala durugsan, taasi oo ay kala qaqobaysay xuduudaha udhaxeeya hanaqoto badaha ama dhulka oo kaladurugsan.

Caqabadaha maanta xalka loo helay ee ah hawl fudaydiyaasha sida gadiidka iskaga kala gooshaya qaarad ka qaarad taasi oo keentay is dhex galka dadyowga aduunka ee kala dhaqanada in ay is dhexgalaan.

Inkasta oo ay jiran dhibaatooyin kala gadisan, haddana dadyowga dunidu waxa ay maanta ku guulaysteen siddii loo samayn lahaa xidhiidh u dhaxeeya dadyowga dunida.

Wakhtiyo badan oo la sameeyay da’daal dheerada waxa maanta lagu guulaysaytay in ay dunidu noqoto ha tuulo oo isku taxan sida tusbaxa.

Soomalidu waxa ay nasiib u yeeelatay in ay dhaxlaan dhaqan ku sar go’an shareecada diinta islaamka oo ay ka dhaxleen awoowyadood.

Si kastaba ha ahaate waxa si talaabo talaabo ah isku badalayay dhaqankii ay soomali lahayd, taasi oo ay ugu wacan tahay dhex-galka iyo macaamilka bulshooyin ay

kala dhaqan yihiin taas oo samayn balaadhan ku yeeshay dhaqankii hodanka ahaa ee ay ku faani jirtay umada soomalidu meelkasta ha joogtee.

Wakhtiyadan danbe waxa kor u kacay heerka isbadalka dhaqanka soomalida iyada oo ay isbadaleen qaar ka mid ah, halka qaar kale ay dabar go’eenba.

Sababaha loo aanaynayo isbadalka ku yimid dhaqanka  soomilada ayaa waxa hor kacay xidhiidh la samaynta bulshooyinka ay kala dhaqan yihiin isgaadhsiinta heer caalami.

Dhaqankii soomaaliyeed ee hore waxa uu ahaa dhaqan kala danbayn, gal-gacal, iskashi, is xurmayn ku dheehan tahay, qof walbana heerkiisa lagu maamuso oo lagu sharafo.

Bulshada soomaaliyeed waxa ay ahaayeen dad reer guura ah oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo ku noala baadiyaha, mana aysan badnayn kuwooda ku nool bandarradaha.

Ganacsiga iyo xidhiidhka bulshooyinka ka soo galay dhanka xeeebaha ayaa waxa uu sababay in ay umada soomalidu dagto xeebaha.

Dadyowgii joogay xiligaas ee daganaa xeebaha waxa ay diyaar u noqdeen in ay soo dhaweeyaan qaababka ay u dhaqmaan dadyowga ay kala duwan yihiin, halkaas oo uu isbadal weyni ku dhacay hab nololeedkii bulshada soomiliyeed ee deganaa magaalooyinka ku taxnaa xeebaha.

                     Soomaalidu maxay dhaqan u lahayd?

Haddii aynu is idhaa soo ururiya umada soomalidu waxa ay dhaqan ulahayd kuma soo koobi karno halkan, hadab bal aan soo qaadano qaar kamida sooyaalkii dhaqanka soomalidu iyo waxii ay ku faani jirtay.

Inagoo ka eegi doona dhinacyo fara badan, gaar ahaan xoolaha, guurka, ciyaar dhaqameedyada, hu’ga,maamulka, garta iwm.

                                              XOOLAHA

Xooluhu waxa ay ahaayeen laf-dhabrta ay noloshoodu si toosa ugu tiirsantahay.

Xoolaha ay soomalidu dhaqan jirtay waxa kamida:-

 Geela

 Lo’da

 Adhiga oo laba nooc ukala baxi jiray

Ummada soomaalidu seddexda nooc ee xoolaha ee aay dhaqdaan waxa agtooda qiimo aada kalahaa geela uguna munaafacaad badnaa, waxa isna soo raaci jiray gammaanka oo agtooda kaalin weyn ugu jirey.

Waxa cadayn u ah in ay ummada soomaalidu aad ujeclaayeen geela iyo gamaanka, maansooyinka ay kaga hadlayaan qiimaha iyo qaayaha uu agtooda ka lahaa geela iyo gammaanku.

                                             GUURKA

Guurku waa heshiis sharci diineed ku fula.

Guurka waxa uu lahaa noocyo kala duwan waxan kamid ahaa:-

Geed fadhiisi: geed fadhiisigu waa inanta oo si sharaf leh oo loogu doonto xidhaheega, waana nooca guurka ugu saraysa ee inan loogu geed fadhiisto.

Dhabar garaac: dhabar garaacu waa inanta oo uu xoog ku kaxaysto inanku, isaga oo ay la socdaan saaxiibadii.

Godob-reeb: godob reeb waxa ay ujeedadiisu tahay in godob ama colaad u dhaxaysa laba reer lagu dhameeyo, wiil iyo gabadh ka soo kala jeeda labada beelood ee colaadu ka dhaxaysay ayaa la isa siin jiray, si ay meesha xididnimo u timaado, dhib danbana ayna u dhicin.

Masaafe: nooca guurkan ah waa marka uu inanku la baxsado inanta uu jecel yahay, isagoo ka baqaya haddii uu waydiisto odayga xidhaheeda ah in uu diido.

La saaxiib Sama-Wade oo ku xidhnaw Siaad Waxbadan uga Faaido

Previous Post Next Post