Hadiimo Jacayl💞




                                                       Sheeko Jacayla

  Part1

Hanad Waa Wiil Dagan oo Dabeecad Wanaagsan Waxa uu Ka Dhashay Reer Noloshoda Iska Meel Dhaxad Ah Ma Eheen Taajir Ama Faqiir Waxa uu ahaa qof Noloshiisa ku filan isku kalsoon kartina leh,Qof Bashaash Ah Farxad Iyo Kaftan Badan. 

Daganaan iyo akhlaaq leh qalbi furnaan iyo dabeecad u saxiib ah dadka qarabadisa iyo asxaabtiisana way wada jeclayeen hanad wuxu ka shaqeyn jiray super market waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah isagoo ka soo baxay shaqadiisa inuu waayey gaadiid uu ku soo aado xaafadisa. 

Isaga oo yaaban Gabalkuna ku sii dhacaayo ayuu wuxuu kor dheer ka arkay mooto tok tok ama bajaaj saad u taqanaba gacanta ayuuna u taagay lakiin mootadii qof ayaa saarnayd oo eey u kiresned weyna gudubtay markey xooga sii socotay hanad isaga oo ka niyad jabay oo go'aan saday inuu iska lugeeyo ayeey motadii dib u soo laabatay.

Mise Gabar Ayaa Saarned Kuna Tidhi Xagee U Socta Markasu U Sheegay Halku U Socday Wexey Ku Tidhi Soo Bax Waan Ku Geynena Mesha Rabtid Anigaba U Socdo Markasu Farxay Wuuna U Mahad celiyay Inti Lagu Sii Socday Ayaa Lees Yara Wareystay Hanad Ayaana Hadalkii Ku Hormaray Oo Leh Walaal Waad Mahadsan Tahay. 

Waan Qustay oo Waxan Go,aansaday Inaa Iska Lugeeyo lakiin Adiga Meel Fiican Iigaga Soo Baxay Mahadsanid Mar Labaad Ayuu Ku yidhi,Markasey Ku Tidhi Waa Caadi Adiga Mudan, Markas Ayuu Hanad Ku Yidhi Gabadhi Lacagta Aad Kula Soo Hashiisay Ii Sheeg Anaa Wada Dhiibayo Markasey Ugu Jawaabtay Maya Iska Daa Aniga Lasoo Hashiyey Aniga Dhiibayo.

Lakiin Hanad Ma Uusan Ka Ogolaan oo Wuxu Yidhi Haaf Ayaan Dhiibaya Laba Kolba Lacag Waan Dhiibi Lahaa Wey Ka Ogolatay .

Sidi Ayeeyna Lacagta Ku Wada Dhiiben Waxaa La Gaaray Halkey Rabtay Gabadha Wexeyna Tidhi Halkan ii Jooji Waan Dagaya Hanadna Halka Uu Rabay Wey U Dhawed Wuxuuna Go,aansaday Inuu Asagana Dago Uu Gabadha Sii Dhaweeyo Horayna Usii Barto Waayo Ixsaan Ayeey U Sameysay .

Wadadi Ayaa Leesla Sii Maray Wuxuu Ku Yidhi Sidee U Aragta Inaa Ku Sii Dhaweeyo Waa Habeen Qof Dumar Ah Ayaadna Tahay . 

Markasey Ku Tidhi Waad I Dhawayn Karta Oo Waa Caadi Iyado Xishoneysa Ayeey Usii Raacisay Xaafadan Miyaad Dagan Tahay ?

Markasu Ku Yidhi Haa Hanad Ayaa Su,aalay Gabadhi Adigana Xafadan Maa Dagan Tahay Mise Marti Ayaad Ku Tahay .? 

Markasey Ugu Jawaabtat Haa Waan Daganahay Lakiin Wan Ku Cusub Nahay Oo Mar Dhaw Ayaan Dagnay Wexey Bilawday Gabadhi Iney Is Fur Furto Oo Eey Uga Faaloto Qeeb Ka Mid Ah Noloshede Sidi Sheekada U Soctay Oo Wadada Loo Wada Socday Ayaa La Gaaray Gabadhi Xaafadeda Sheekadi Ayaa Iskugu Baxday.

Guriga Gabadha Agtiisa Ayaa La Wada Istaagay Si Dad Wiligod Is Yaqiinay Ayaa Sheeko Dheer La Galay Qosol Iyo Kaftan Dheer Kadib Ayagon dareemin Waqtiga Ayaa Mar Qura Aadankii Salada Cishaha Yeeray.

Hanad Ayaa Sidi Qof Hada Soo Baraarugay Saacadi Ku Orday Marku Sacadisa Eegayna Wuxuu Ogaaday In Waqti Badan Uu La Qaatay Gabadhan Uusan Horay U Arkin Xataa Magaceeda Uusan Aqoonin La Yaab Ayeey Ku Noqotay Wuxuna La Yaabay Sida Farxada Leh ee uu ula Sheekesanayo Gabadha Sidi Dad Sanooyin Is Yaqaanay.

Xooga Kadib Ayuu Ku Yidhi Waan Daahay Waan Sii Baxaya Familka Saaca Weey ii walwalsan yihiin oo Leeguma baranin Inaa Guriga Aan Ka Maqnaado ilaa iyo Saacan adigana sido kale waa lagu walwalaya iska xaroow Waa inoo Mar kale, Markasey Ku tidhi waayahay.

Lakiin Marku Xooga Soo Dhaqaaqay Ayuu U Laabtay Iyado Albaabka Gurigoda Kusii Dhaw Markasu Weydiyey Iga Raali Noqo Magacaga Ma ii Sheegi Kartaa.

Markasey Ku Tidhi Haa Magacega Waa Hani, Adigana Markasi ayuu ku yidhi Anigana Waa Hanad, Barasho Wanagsan . 

Markasey Tidhi Wanagsan oo Wacan Sidii Ayeeyna Ku Kala Tageen .

Hanad iyo hani sidii ayay isku barteen hanad wuxuu bilaabay inuu kaligiis is weydiiyo qoftan anad waligaa hore u arkin aqoon uma lihid hadana sidii dad mudo is yaqaanay oo kale ayay sheekadu kugu baxdaye, hani iyaduna sido kale la yaab ayay ku noqotay sida ay hanad u wada sheekaysteen oo eey wakhtiga dhan u dareemi weysay intuu la taagnaa

Hani waa Gabar Qurux badan akhlaaq iyo xishood u dhalatay dabeecad Wanaagsan sido kale waxay ahayd qof kaftan badan waxaadba u maleysaa hanad iyo hani iney dabecadaha iskaga eeg yihiin sida dhaqsaha leh eey isku fahmeenba ka garo. 

Hani waxay bilowday iney habeenkii, oo dhan ka fakirto hanad dabecadiisa daganaantisa qosolkisa iyo kaftankiisa iyo qaabka wacan eey isku barteen hanadna sido kale wuxu la dhacsanaa hani dabecadeda iyo fur furnaanteda wuxuuna is weydiinayaa hani sidee mar labaad ula kulmi doontaa.

Waxaa ka soo wareegatay dhowr maalmod lakiin hanad iyo hani isma arkin hanad ayaana sugi la goorta uu arki lahaa hani iyo siduu ula kulmi lahaa wuxuu bilaabay inuu subax walba shaqada Markuu u socdo soo hor maro gurigooda lakiin nasiib xumo mar waliba wuxuu soo mari jiray albaabka oo xiran oo ma uusan arki jirin hani.

Waxay saas ahaataba wakhti dheer ayaa ka soo wareegtay hani iyo hanadna isma arkin lakiin hanad ma quusan oo wuxuu is lahaa waa la kulmi doontaa ee iska sug si joogta ah ayuuna subax waliba guriga eey hani dagned u soo Hor mari jiray lakiin subax subax yada kamid ah ayuu soo hor maray wuxuu arkay hani oo albaabka gurigoda taagan.

Lakiin nasiib xumo haduu la hadli lahaa kaligeed ma ahayn oo dad ayaa la taagnaa 

Lakiin Way Is Arkeen Labadooda Si Farxad Iyo Xiiso Ka Muuqato ayayna Iskugu Dhoola Cadeeyen Ayagon Isla Hadlin, Hanad Waxa uu Jeclaa Inuu La Hadlo Hani Weyna U Suura Gali Weysay Wuxuu Ku Qanacsana Sida naxariista leh Ee Isku Eegen Iskuguna Dhoola cadeeyeen. 


                                                 Lasoco Qaybta 2aad........

Previous Post Next Post