Hadiimo Jacayl💞



                                               Sheekooyin Jacayla

                                      Part 2

Hanad wuxuu bilaabay inuu ka fikiro hani siduu fursad labaad ugu heli lahaa si uu Lambar xataa uga qorto.

Hanad dareen jaceyl ayaa galay subax walibo shaqada markuu u socdo wuxuu wadadiisa ka dhigtay hani Gurigooda inuu hor maro haduu waayo ma quusan jirin Galabtii markuu shaqada ka soo laabto ayuu hadana soo hor mari jiray.

Lakiin nasiib wanaag Galab Galbaha ka mid ah hanad oo shaqadiisa ka imaaday ayaa ku leexday bar ama biibiyo u dhaweyd guriga hani si uun cabitan halkas uga iibsado balse nasiib wanaag isla biibitada hani ayaa uga horeysay, oo ayada wax ka iibsaneysay Meesha labadoodaba wey wada farxen, oo wexey bilaaben dhoola cadeyn iyo iney isa salaman, oo xaladaha layska wareysto.

Waxa wijiyadooda laga Dareemayaa labadoodaba farxad iyo iney isku xiiseen biibitadii ayay ka soo baxeen oo waxay wada istaagen Meel banaan ah hanad ayaa hadalkii ku hormaray ii waran hani yaaba ku arkay..! Fiican waan joogay ee mashquulkeyga ayaa iska badnaa.

Hani Waxan Jeclestay Inaan Kula Hadlo Lakiin  Waqtiga Nagu Yar Hadertan Meel Wada Ahna Waan Taaganahay Marka Macqul Ma Noqone Inaan Lanbarkaga Helo Ayuu Ku Yidhi.

Runtii Hani Wey Ku Faraxday Arintas Weyna Ka Ogolatay Waayo Iyada Ayaaba Mudo Raadineysay Meele Ugu Hagaagto Sidii Ayeeyna Lambarka Ku Kala Qorteen Meeshi Ayaana Lagu Kala Tagay.

Hanad Galabkas Aad Ayuu U Faraxsana Hanina Sido Kale Farxad Ayeey Dareemesay Hanad Oo Maskaxda U Dagan Tahay Oo Faraxsan Ayaa Xafadiisa tagay.

Saacado Kadib Ayuu Soo Wacay, Hani Sida Qof Sugayey Talefankiisa  Ayeey Durbadiiba Ka Qabatay.

Waqti Qurux Badan  ayay Isla Qaaten Midba Midka Kale Sidi Ugu fikirayay Iyo Markey is barten wixi ka danbeyay Qof Walibo Wuxuu Dareemayey ayay Isku Sheegen.

Hani Ayaa Ku Tiray Hanad Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay Mudo Kadib Inaa Dib Isku Xiriirino Waqti Wada Qaadano.

Hanad Ayaana Ugu Jawaabay Waxa Farxad ii ah Inaa Helay Meel Aan Kaala Soo Xiriiro Oo Aan Sacad Sacad Ula Socdo Xldada, Xaqiiqdi Hani Dabecadada Ayaaba I Qancisay Qof Wanaagsan Ayaad Tahay Oo Bashaash Ah.

Hani Ayaa Ku Jawabtay Sido Kale adigaba Waad Qalbi Furan Tahay Dabecadna Waad Leedahay Maalinka Is Baranenay Ma ila eheen Sidi Qof Maalinkas Aan Bartay Daqiiqado Koban Anoo Kula Sheekestay Ayaan Hadana Dareemayey Sidi Qof Mudo Ku Taqaan Inaa ahay,Qalbi Furnaantaada ayaana uu Wacan Taas.
Waxaa bilaabatay In midba midka kale amaano uu ka faalodo siduu u arko wakhti dheer ayay wada qateen waxayna isla gaareen ilaa iyo saq dhexe habeen sidii dad wiligood wada sheekeysan jiray.

Waa Cajiib Dareenku. 🤩

Waxaad arki Qof Aad Mudo Sanado ah  Taqaanay Hadana Aadan 10 Daqiiqo xataa La Sheekesan Karin Iyo Qof Daqiiqado Ka hor aad Is barateen  oo Saacado La Hadli Kartid Adigon Wax caajis Ah Dareeemen.

Hanad iyo hani jaceyl ayaa ka dhex abuurmay, wakhti fara badan ayay isla qaadan jireen sacad sacad  ayay iskula xiriiri jireen farxad iyo jaceyl fara badan ayay wada qaateen.

Habeen habeenada ka mid ah hanad ayaa jecleystay inuu la kulmo hani Kana codsaday inay banaanka u soo baxdo wuxuuna ku yidhi 
Waan Kuu Xiisay Mudana Kuma Arkin Telka Waan Ka Caajisay ee Si Wiji Ka Wiji Ma kugula Kulmi Karaa.

Hani Wey Ka Ogolatay Banaanka Ayeeyna Usoo Baxday Wey Wada Kulmeen Waqti Ayeeyna Isla Qaaten .

Lkn Ayago Darajin Wada Fadhiya oo Sheekesanaya Ayaa Waxaa Arkay Walalked Ka Weyn Wuuna Ka Carooday Arinka Eey Sameysay Wlshis iyo Xili Habeen Ah Iney Wiil La Fadhisay Meel Darajin ah Intuu Ku Qeyliyay Ayuu Guriga U Kexeeyay Walashiis.

Guriga Marku Geeyey Ayuu Qeylo Iyo Caro Kala Dul Dhacay Arinkii Waxaa Ogaaday Aabehed oo Ahaan Nin Aad U Adadag Sheekadi Wey Halawday Telkii Ayaa Laga Qaaday Hani Guriga Iney Ka Baxdana Waa Loo Diiday.

Hanad Aad ayuu uga xumaday arintas ku dhacday Hani Waliba asaga dartisa ugu dhacday Murug ayaa soo wajahday Lamaanihi kaaga sii darane maalmo ayagon isla hadlin isna arkin Ayeey Hani Fursad Ku Heshay Talefan Walashed Lehed Wexey Wacday Hanad.

Hanad Ayaa Durbadiba Telka Ka Qabtay Marku Maqlay Codkeda Ayuu Farxad La ilmeyay iyana sido kale lakiin Waxay U sheegtay Arin Xanuun Badan Oo Uu Ka Naxay Hanad Waxayna Ku Tidhi Hanad  Isku Day Inaad iska kay iloowdo oo niyadada iga saarto xiriirkena meeshano ku dhamaday.

Aniga Adiga dartada lee gaaracay gurigana leegu xabisay talefankina leega qaaday murugo ayaan ku noola maalmaha kaa maqnaa lakiin anigo murugesan ayaa waxaa leegu sii daray in Wiil aan ilmo adeero nahay lee siiyay aabeheyna wuxuu go,aansaday oo asaga iyo adeerkay isku waafaqen inaa guursado ina adeerkay bishan dhexdeeda ayuu dhacaa arooskaygu.

iska kee iloow hana ii murgin oo calafka iyo qadarta nakala geesay aniga waan ku jeclahay lakiin waalidkey amarkooda ma diidi karo Mana jeclen inaa qalbigaga dhaawac u geesto wiligey waan ku jeclan doona.

Hanad oo Xanuun murugo iyo Yaab iskugu darsan yahay ayuu wax hadal ah dhihi waayi telkana wuu iska dami.

Maalinkaso Dhan wuu shaqeyn waayi Fasax ayuuna shaqadi kasoo qaatay gurigisa ayuu iska soo aaday asago Xanuun fara badan ka muuqdo wax hadal ahna kasoo bixi la,ayahay Jecel Ma aha Wax Sahlan Runtii.

Hani Waa La Guursanaya Hanadna Murugo Ayaa U Bilaabatay Kaftankii Bashaashnimadi Iyo Wijigi Furnaa Ee asxaabtiisa Ku Baratay Malaha Hada Wuxuu Noqday Qof Aamusan Fikiraya Mar mar U Dhaqma Si Qof Maqan Macamisha Super Marketka Ayagoo hor taagan oo la hadlaya ayuu asagana iska maqnaa oo maskaxdisa buuq ayaa ku furnaa .

Mudo kadib shaqadi ayuuba iska dhaafay Hanina waa la guursaday oo Lamanihi Is Jeclaa Calafka Kala Geeyay.

Hani waa la guursaday lakiin ma eeysan faraxsaneen, oo ninka guursaday ma eeysan jeclayn naftedana kuma qanacsanayn lakiin Amarka waalidka ka weyn Qanacsanaanteeda, way iskala noolayd ninkeeda farxad la'aan Dareen la'aan, oo maskaxda iyo maankaba waxay ku haysay Hanad.

Hanad oo niyad jab weyn ku dhacay oo fikiriyo murugo iska haysatay, oo shaqadina iska dhaafat Noloshiisana  eey noqotay mid caajis ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah Telkiisa soo wacay Number cusub uusan aqoonin marka uu ka qabtay mobile ka mise waa Hani.

Hanad aas ayuu u farxay markuu maqlay codkii hani sidoo kale way ku faraxday inay mudo kadib dib u maqasho codkiisa.

Xaladaha is waraysteen iyagoon Dareensanayn waqtiga ayay ku qaadatay waqti badan inay sheekestan.

Sidii ayaa soo Noqnoqotay, oo dad dib iskuugu soo laabtay oo kale ayay maalin kasta isku soo wacayeen, oo waqti isla qaadan jireen lakiin nasiib xumo hani waxaa ogaaday ninkeeda inay maalin kasta saacado ay la hadasho nin kale oo ay waqti la qaadato, markey la hadlesana ay firfirconi iyo farxad ka muuqato. 

Lakiin markay isaga la joogto ay caajis iyo xanuun sheegato, wuxuu kaloo ogaaday ineysan ku qanacsanen Noloshiisa iyo ineysan farxad kula noolen aad ayuu ugu carooday arinkas.

Wuxuuna isku dayay inuu si caro leh ula hadlo uu buuq ku furo lakiin murankii iyo doodii ayaa dheeratay Sheekadi Waxay gaartay in ninkii maseerka iyo xanaaqa ka tan bato, Gacan inuu u qaado ayuuna gaaray.

Arintii way xumaatay hanina way carootay, oo guriga way uga soo tagtay, guriga familykeeda ayayna soo aaday familyka markay rabeen iney kala dhex dhaxaadiyan ayaa aabaheed waxa Loo sheegay sheekada sida ay u dhacday Iyo in Gabadhiisa iyadoo xaas ah ay la xiriirto nin kale ayna waqti la qaadato ninkeedana uusan farxad ku haysan.

.
Aabaheed ayaa aad uga xanaaqay arinkas markuu maqlay markas ayuu intuu si xun u garaacay hadana ka qaaday mobile kii kuna celiyay gurigeeda, hani nafsadeeda meelesan ku qanacsanayn ayaa lagu qasbayaa,Hanadna markuu is dhoho waad Guulaysatay ayuu hadana dib ugu laabtaa Guul daro.

Hani mobile ka in laga qaaday, oo gurigii ninkeeda lagu celiyo kaliya maloogu eekaysiin ee magaladii dhanaa laga guuriyay, oo waxaa La dajiyay meel baadiya ah cidlo mobile la'aan jaceylkii oo lumay nin aysan nafsadeda ku faraxsanayn meel aysan dad ka aqoon ayaa iskugu darsamay.

Nolosha waa imtixaan hanad wuu sugayaa wax badan wuu raadiyay lakiin wuu ka quustay Noloshiisa ayuu iska sii watay hanina waa quusatay oo Noloshii cariiriga ahayd ayay la qabsatay sidii ayayna lamaanihii ukala fogaadeen.

Lakiin isma iloobin oo midba midka kale niyada ayuu ku hayay hanad xaas ayuu yeeshay aabo ayuuna noqday hanina sidoo kale hooyo ayay noqotay.

Jaceyl dhab ah cadaw ma waayo.

                                                                         D  H  A  M  A  A  D


La soco Sheekooyinka cusub ee aan bilaabi doono........

Previous Post Next Post