Hogaami Naftaada



 Maanta oo ah waqtiga, saacadda, bisha iyo sanadka...

Ka bilow fahanka iyo hoggaminta naftaada Kobcinta iyo kor u qaadista naftaada

U hiilinta naaftaada iyo nafaha kale U sahantagga noloshaada iyo mustaqalkaaga

Inaad soo raadiso sahaydii noloshaada Fikir oo faqriga ka bax oo dhab u fiiri waayaha iyo wax jira.

Noqo baadi-goobaha jidka guusha hadh iyo habeenba una hur naf iyo maal.

Mustaqbalkaagu waa mid ku xidhan waxa aad maanta beerato.

Ka biloow waqtiga aad joogto , isticmaal awooddaada iyo waxaaad haysato , samee waxa aad jeceshahay ee aad awooddayso ee waliba wanaag iyo guul ku gaadhsiinaya.

Waxa aanad maanta bilaabin, barri iyo wakhti kale midna bilaabi maysid! guusha iyo hore u socodkuna  maaha wax iska imaadda, balse waa wax ku imaadda dadaal iyo fikir togan.

Hoggaami naftaadu waa inaad hagto, badbaadiso, balaadhiso, bidhaamiso, kobciso, kor u qaaddo, kaafido, xorayso, u hawl gasho noqotana horseedaha, huraha u haggar baxa, hiil iyo hooba leh, horumarshaha, hindisaha, heelanaha, heegan u ah waxkasta oo naftaada
khuseeya horumarkeeda iyo hoggaaminteedaba.

Naftaadu waa amaano iyo masuuliyad Eebbe ku saaray, waana ballan in lagaa xisaabin doono inaad ka soo baxday masuuliyadda iyo amaanada naftaada.
Qofkasta waxa uu jecel yahay in uu noqdo hoggaamiye oo hagaajiyo adduunka, waana arrin aan u wada heelannahay.
Daliil waxa inoogu filan, dareensiinta uu ina dareensiiyay nabi Maxamed (scw). Haddii saddex qof wada socdaan mid hoggamiye ha u noqdo labada kale.
Tusaale kale sida salaadda jamaacada.
Nolosha waxkasta wuxuu leeyahay asaas iyo meel laga
soo bilaabo.
Akhriste dadka badankoodu waxay jecelyihiin inay dunida hoggamiyaan balse ma wada noqon karno hoggamiyaayal ummadeed. Balse waxaa inoo bannaan boos ka mihiimsan kii kale oo ah inuu qofku hoggaaniyo naftiisa, waana seeska iyo asaaska hoggaminta dhabta  ah.

                       Hilinada hoggaminta nafta


Imisa qof ayaad maqashay inay ku guulaysteen riyooyinkoodii baal dahab ahna ka galay taariikhda, sharafna soo hooyay, mansab, maamuus iyo magacna helay.

Bishaaro, ogow in aan waxba dunida la gaadhin, iskana iman uun. 
Balse ay u baahan tahay u jeeddo, hadaf, dadaal, dhabar adayg, samir, hiigsi iyo himilooyin fog, una hagar baxdo hankaaga, soona jeedo hadh iyo habeen, fikirto, fahanto oo ficil u badasho.

Akhriste waad tahay hoggamiye aanad ogayn (habeen kaliyaatana hoggamiye laguma noqdo).

Waa mid qaadan doonta waqti oo aad la kacaa kufi doonto Hadaba Adkaysigeeda Yeelo

La-Soco Sama-Wade oo ku xidhnaw Hadh iyo Habeenba Waxbadan waad ka faaidi Doonta insha allaaH

Previous Post Next Post