Sheekooyin Qosol LeH

               

            

                            Xasuustii Nabiga

Maalin ay ku soo began tay nebiigeennii suubbaana ayaa waxaa la sameeyay qado balaadhan oo maalinta faraxa ah ay il-yartu is qabatay oo miskiin iyo maal- qabeenba ay isuguyimaadeen hadaba waa tii caadada ahaan jirtay in sinxi ballaadhan in ka badnayn (7) qof raashinka la isagu soo dari jirey oo ay dadku raashinka wadaagi jireen.

 Nin oday ah oo maalinta dhalashaadi nebiga joogey ayaa aad u gaajoonayey markiisi horeba.waxaa taa ugu darsantay in cuntadii lagala raagay markii uu cabaar sugay ee uu kolba jaleeco dhinicii bariisku kazoo socday,waxaa markii dambe isaga iyo shan qof uu ku jiro lasoo hor dhigay sinxi wayn oo bariisa oo muunadaysan oo ay ku shaqlanyihiin hareerihiisa hilib iyo baradho.

sinxigaasi kulaaylka kazoo baxaaya qiiqiisa waxabad moodaysa wershadihi waaweyna ee qiiqa sii dayn jiray . Dadkii kale ee ninka la wadaagayay rashiinka iyagu sinxiga ayaay il-qoodha ka khaawiisayaan,dhinacna bahal gaajo ah ayaay beerka is hayeen indhihii ayaay ku dul ilaaween sinxigan duxdu ay dul sabaynayso oo cidna cid kale uma war hayso.ha yeeshe ninkii odayga ahaa oo la laba boglaynaya,ayaa isagu sugi kari waayay into qiiqa sinxiga ka socday damayo oo wuxuu markiiba ku boodayaa xabad baradho ah oo yar oo uu mar qudha afka wadagalinaya.

bahaashii kuleelkeedi cunaha u istaagaysa ninkii ayaa ilmeeyey oo qolaadii la fadhidey ay biyo ula soo caraartaymarkay arkeen xalkiisa iyaago aan fahan sanayn waxaa ku dhacay ninka odayga ah. Markii uu biyihii uu iskaga dajiyay ee uu nafisay,ayaay qoladii ay cuntada wadaagayeen iyaago yaaban waydiiyeen iyagoo yaabban bal waxaa ku dhacay ee ninkan kaga ilmaysiyey.halkii wax kale looga sugaayay ayuunbuu la soo booday ,”nabigiibaan xasuustay”,isaagoo u jeeda qiirada xasuusta nabigii ayaa igaga ilmaysiiyay,ilayn nin weyn weeyaanoo wuxuu odhan kari waayay bahashii baradhada ahayd ayaa cunaha ii istaagtay,madaama anay cidnaba ogayn goortuu baradhada halqafay ee afka ku muguujiyey.

            Ninkii reer ingiriis iyo magacii ay ubixiyeen reer hargeysa

Waxaa dhacday xilligii uu ingiriisku ka talinayay gayigeena ayaa magaalada hargaysa waxaa lagu dhex sameeyay musqul ama suuli (public toilets) ay dad waynu isticmaali karaan .waxaa looga jeeda in dadka magaalada dhex maraya aanag ku kaajin.hadaba ingiriiskii ayaa is yidhi qoro qof shaqaale ah oo suliyaadooda isku duba rida baahiyahooda oo isticmaalkooda suga.hase yeeshe dhibaato ayaa dhacday,waxaa la waayay cid allaale cid soo doonata shaqaale.qof kasta waxaa u yidhaah;”gaalaadi ingiriiska ahayd aad ayaay ula yaabtay dadkan saboolka ee shaqo laa’aanta iyo busaarada la jooga suuqyada.sidii lo’geesaha is galisay geed hadhaca hoostiis oo cadceeda kulaylkeedi daaqi ka soo hirey.igland ayaa laga keenay gaal ingiriis ah oo cad oo ka shaqeeya suuliyada hargaysa laga sameeyay.ingiriisku waxaa uu taas uga jeeday inaan wax ceeba ku jirin.im suuliyada laga shaqeeyo.gaalkii marka uu dadkii suuliyada isticmaalayay kala hagaajiyay,ee wixii meel aan ku haboonayn ku saxaroonayay talaabo ka qaadayay.ayaa dadkii magaaladu u bixiyeen nanaays ah ; ”xaar weerar”. 

          Is Af-Garan Waagii Reer Hargeysa iyo Ninki Reer Xamarka ahaa

Nin reer xamar ah ayaa maqaaxi burco ku taal qado u soo doontay.markii uu fadhiistay maqaaxidii ayaa waxaa uu yimid ninkii cuntada bixinayay (mudalabkii)una sheegay waxaa yaala”waxaanu haynaa,bariis baasto,hilib geel,qallaabi iwm.”ninkii reer xamarka ahaa ayaa waydiinaya mudalabkii”yaakhi lingue ma yaalla noo!” Ninkii maqaaxida ka shaqaynayay ayaa inta uu garan waayo ugu jawaabay oo waamaxay liigu?ninkii reer xamarka ahaa ayaa odhanaya “carrab waaye”NOO!?intuu carrabka gacantiisa saaray yidhi”liingue carrab ma haysaa noo!.ninkii makhaayada ayaa inta uu iska dhaqaaqay yidhi:jaw ninkii nooloow maxaa aragti kuu laban” Ninkii makhaayada ayaa iska shaqaystayoo hawshiisi sii watay in mudo ah markii uu faadhiyay uu ninkii reer xamarka ahaana fillaayo in wax loo soo wado,ayaa waxaa dareemay ninkii makhaayada lahaa oo maqalka fadhiya in ninkan waageeniga u muuqda in doora uu meesha uu fadhiyay in wax loo keeno.

Inankii makhaayada ka shaqaynayay ayuu u yeedhay oo ku yidhi”waar hebeeloow maxaad ninkaa martida ee inta badan fadhiyay aad ugu keeni wayday dalabkiisa?”  "kee”ayaa yarkii mudalabka ahaa odhanayaa,saa waa kii reer xamarka ahaa ee carrabka doonayayoo wali sidii u fadhaya!ninkiibaa intuu circa ka qayliyaaybuu odhanayaa ninkii maqalka Fadhiyay ee meesha lahaa”jaw,waar waar yaanu carrabka kaa goosan ,wallaahi bal caraar oo agtiisa tag,bal inaad bilaa carrab ku soo noqon waydid

                               Labadii Geel jire ee iska waraystay magalada

Laba nin oo geel jirayaal ahaa ayaa isla qaada dhigey sheekada ku socota magaalada iyo waxyaabaha ay la yaabeen ee ay magaalada kusoo arkeen marka ay magaalada tagaan ee caanaha geeyaan.mid ka yimid ayaa yidhi”waar magaalada ka waran adigaa ka yimid magaaladee”markaasu yidhi kii kale”waar magaaladii way walatay oo midh midh ayaay iskula hadlayeen(qof waliba naftiisa ayuu la hadlayaa).”waxaa uu soo arkay dadkii oo telefonka (mobel-ka)wada sita oo ku hadlaaya) waxaa kale oo aan la soo yaabay ayuu yidhi sida uu u dheereeyo bahalka ay gaadhiga ku sheegaan kii kale ayaa qoslay oo isaga ugu jawaabay “kaw ma adigaa waxba og!miyaanad arag gaadhiga waxa ka dheereeya oo ka yaab badan ninka habeenka oo madoow tooshka la hor orda,kaas ayaan anigu la sii yaabay!

                                   Talafoonka Iyo Salaada 

Maalin ayaa salaaddi casar ku xidh-dhay jamaacadii isagoo marka ragcadii labaad u tagan ayaa telefonkiisii gacantu soo dhacaya into jeebadiisa gacanta kula boodo ayaa uu telefonka baqtinaya oo si ficaan u amuusinaya .markii la gaadhay rukuucdii ragcadaasi,oo jilbaha la haysto ayaa hadana telefoonkii soo dhacaya oo isaagoo rukuucaya is odhanaya dusha ka bakhtii madaama uu telefonkii ugu jiro jeebada,nasiib daro waxaa u si lama filaana u taabanaya botonkii telefonka la qabanayo la qabto ,markaasu kasii darayana oo uu isbikarkiina ku dhufanaya iyaadoo la rukuucsanyahay ayaa waxaa teleefonka ka dhex hadlaysa oo odhanaysa “xabbiibi macanoow xalay oo dhan kamaan seexan ee maxaad telefonka iga qabanwayday”xallay oo dhan kamaan seexan”iyo wax yaale kale oo kasii daran”hadalkaas oo masaajidka oo dhan laga maqlayay ayaa ninkii oo dhididsan ayaa ku walanaya si u u bakhtiyo telefoonka gabadhiina ka sii daraysa mar ba marka kasii dambaysa,ilahay waxaa uu ogaa ninka naxdinta iyo dhidiidka waawayn ee ka soo booday hadii anay dadku tukanayn qosol ayaay ka wadhi lahayeen,(illayn naxdin looma dhinto)

Markasta Ku Xidhnaw Sama-wade Siaad waxbadan noola Qososho

Previous Post Next Post