Habeenkii Madoobaa {part 3}

 


                                        baadhistii dr.calaa`

…Waxa uu bilaabay (dr.calaa`) baadhista caruusadda isaga oo isku dayaya badbaadinta nolosheeda… (Khaalid) iyo walaalkii (Haani) xaggan ayay ducada dudubinayaan, iyaga oo ilaahay waydiisanaya in ay arrimuhu ku dhamaadaan khayr.

Waxa ay labadoodii indhood qabteen (towfiiq) iyo xaaskiisii

(safa), iyagaana iska leh bustaanka. Towfiiq: “maxaa dhacay (khaalid) waa maalinkii u

horraysay ee aad timaaddo bustaanka xilligan dambe…”!!! Khaalid ayaa cod dheer ku jaray (towfiiq) oo aan hadalkii dhammaysan waxana uu yidhi: “arrinkaa hadda looma

fadhiyo” Waxa u soo dhawaatay (safa) oo tidhi: “waxaan jecelnahay (khaalid) in aad xasisho Haani: “waan xasilaynaa dhammaanteen insha allaaH

Khaalid oo (safa) eegaya ayaa yidhi: “adoo raaliya dhar ma u

keeni kartaa martideenan”?

Safa: “ooooW” maanay sidan dhar”!!! (Khaalid) ayaa madixiisii lulay isaga oo garan la` si uu ugu sheego waxa dhacay

Haani: “I maqla martidan waxaa turfeeyay gaadhi wadada marayay…waxaanay ku dhacday hortayada…waanu ka

cararay…waanan soo qaadnay annaga oo caawinayna”

Safa: “een…een…een laa xawla walaa quwwata illaa

billaaH…naxariis darnaayaa”!!!

Towfiiq: “(khaalid) wax fiican ayaad samaysay …sidaas ayay

raganimadu ku jirtaa” (Khaalid) ayaa indho kulul ku eegay haani isaga oo ka biyo

diidsan hadalka uu ku dhawaaqay kadib waa uu dhoolo caddeeyay si murugo leh…waxaanu kor u eegay circa isaga oo murugaysan. Towfiiq: “maxaa jira (khaalid)”?

Haani: “waxba…waxuu u murugoonayaa nolosha miskiintan caruusadda ah”

Towfiiq: “oo maxaa…”!!! Waxa hadalkiisii dhexda kaga dhacay (Haani) oo leh:-

“wakhti uma hayno su`aalaha…diktoorka aan waydiino haduu u baahanyahay caawin” …waxaanu isha qoodheeda ka eegay (safa) waxaanu ku yidhi: “orod (safa) soo qaad

dharkii”…waa ay dhaaqday. Haani ayaa garabka bidix ka soo fadhiistay walaalkii

waxaanu ku yidhi: “daji naftaada (khaalid)” Khaalid ayaa si cadho leh oo xanuun ku jiro u yidhi: “towfiiq waxa uu ka sheekaynayaa raganimo mana oga sheekada …

Waxaa hadalkii ka gooyay (Haani) oo ku yidhi dambiga aduuma ilihid…umana malaynayo in dhibka soo gaadhay badanyahay…waxaanay ku dhamaan doontaa

Waa aadaankii salaada subax oo laga eedaamayo masjid u dhow bustaanka.

Haani: “ xaq AllaahHu AkbaR…ina keen aan soo tukanee salaada…una soo ducaynao miskiintane” Khaalid ayaa eegay isaga oo leh: “inna marsha…waxaan kaa doonayaa in aad tagto gurigeenii iskandariya” Haani ayaa si la yaab leh u yidhi: “girigiiyaa!!!...oo maxaa…”!!!

Khaaalid: “si ay u yimaadaan hooyo iyo yaasmiin xagan…waana lagama maarmaan”

Haani: “oo maxaanu sheegaa”?

Khaalid: “warka xaqiiqdiisa u sheeg mar labaadna been ha sheegin… mana doonayo in hooyo laga qariyo arrinakan oo kale”

Haani: “sax weeyi”

Khaalid ayaa wax xasuustay waxaanu yidhi: “hana illoobin  in aad yaasmiin u sheegto in ay soo qaado dhar dheeraad  ah…waa isku da`eh”

Khaalid: “inna keen aan waysaysannee”

Haani: “diyaar ban ahay”…waanay soo tukadeen

                                                             Barqadii

waxaa albaabka bangalada soo istaagay gaadhiga( daarhir assamari), si dagdag ah ayaa uu uga soo booday gaadhigii  waxaanu u dhaqaaqay dhanka albaabka…intii aanu 

gaadhin waxa ay indhihiisu qabteen murugo muuqata  ambulance iyo gaadhigii police ka oo taagan  albaabka…waxaanay dhakhatiirtii ka soo saarayaan 

bangalada qof dhibban…waanay la yaacayaan. Dhinocoogii ayuu u cararay daahir isaga oo ku qaylinaya  “inantaydii…inantaydii…inantaydii”!!! Dhakhtarkii ayaa u diiday in uu usoo dhawaado … laakiin  dhinac ayaa uu iskaga riixay isaga oo leh “waxaan rabaa in  aan arko inantayda”. Waxa uu dul istaagay qofkii dhibbanaha ahaa…waanu 

gartay…waxa uu ahaa wiil dhallin yar ah oo uu wajigiisa ka  da`ayo dhiig daboolayna

Daahir waa qayliyay waxaanu yidhi “{muraad}”!!!...”maxaa kugu dhacay muraad

Waxaa ka riixay dhakhtarkiiwaxaanu ku yidhi “ka tag dhibbanaha inta laga dawaynayo”

Daahir: “khataraa”!!! Dhkhtarkii: “haa madaxa ayaa uu dhib wayn ka qabaa”

Waxaa lagu qaaday muraad gaadhigii…waxaana loola

dhaqaaqay xagaa iyo dhakhtarkii.

Daahir: “aaway gabadhaydii”? Dhakhtarkii: “askarta waydii…gudaha ayay ku jiraane”!!!

Waxa uu galay daahir gudihii, waxaanu ku arkay dhow askar ah oo uu la joogo dambi baadhihii, waxaa arkay ilaaliyihii{ mustafe} waxaanu yidhi “kumaad tahay”?

“waxaan ahay daahir assamari…ganacsadaha caanka ah ee iskandariya”

Dambi baadhe Mustafe: “daahir maxaa xagan ku keenay”?

Daahir: “muraad waa wiilkaan adeerka u ahay”madaxa

ayuu lulay mustafe isaga oo fahmay

Dambi baadhe: “laakiin sideed dagdagan ugu ogaatay waxa

dhacay”?

Wajigii daahir ayaa madoobaaday indhihiisiina murugo

ayaa buuxusay…mana awoodo in uu su`aal ka

jawaabo…umuu iman in uu ogaado muraad arrinkiisa

laakiin wuxuu u yimiday ogaanshaha xalaaada inantiisa

..............Lasoco qaybta Xigta ...........

Marwalba Ku Xidhnaw Sama-Wade 

Previous Post Next Post