Aragtida Biyo-Baxa Degdega: Sababaha Iyo Daawaynta

        

   Waa maxay biyo-baxa degdega?

Qeexidda Samiik: Biyo-baxa degdega ah oo afka caafimaad ka loogu yeedho *

Premature Ejaculation*, waa xaalad dhibaato badan oo lasoo gudboonaata bulshada

kol kay galmo sameenayaan. In kastoo qiyaasta muddada lagu kala duwan yahay, bal se, si cilmiyeysan waxaa lays ku raacsan yahay, qof ka oo biya baxa kahor wakhtiga saxda ah

5-7 daqiiqo, biya baxana labo daqiiqo iyo wixii ka yar (Hal daqiiqo ilaa badhkeed). Xanuun

kani, wuxuu tilmaamaa awood darrida shakhsiga ee uusan lahayn awoodda uu ku xajisan karo biyaha (Manida); taasoo sababaysa in goor hore ay biyuhu ka yimaadaan. Xaqiiqdii,

wuxuu leeyahay heerar kala duwan dhan ka muddada; iyo saamayn kala geddisan oo idayl keed ku soo aruuraysa caafimaad xumo. Ragga iyo dumar ka, labada ba,

xanuun kani wuu haleelaa, balse ragga ayaa u badan 80%.

             Sababaha Dhaliya?

si wanaagsan oo caafimaad qabta loo daraasadeeyo xanuun kan, si fudud oo

degdega waxaad ogaanaysaa, xanuun bulsho inuu yahay. Dhallinyarta badan kood waa

hubaal inaysan sheegan oo waalid kood kala tashan cudur kan, iyagoo dareen san dareen

cabsi iyo ceeb isugu jira, taasoo ay u maleenayaan sheegista waxan oo kale oo waalid ka

lagala hadlo ceeb inay tahay; iyo cabsi ay ka qabaan dareen celin tooda.

Xaqiiqo weeye, wax kasta oo aadanaha ku dhaca inay leeyihiin waxyaalo sababa iyo habab waxyaalahaas loo daawayn karo. Haddaba, dhibaatadan oo maalin ba maalin ka

dib ku baahaysa da’deenna soo koreysa, (Qoraa ahaan, waxaan qabaa aragti odhanaysa,

haddii si fiican looga wacyi gelin waayo bulshadeenna khatar ta xanuun kan, waa hubaal

jiil keenna iyo kuwa soo socda inay la noolaan doonaan nolol ku suntan dhalmo yari guudiyo dhibaato bulsho) waa waajib diineed iyo mid dhaqammeed inaan uga digno da’deenna ku nool hanaan ka cusub ee dunida iyo duniyeynta. Haddaba, hubaashii, muhiim weeye inaan ogaanno sababaha waaweyn ee dhaliya cudur kan, dhibaatada badan dhallinta ku haya.

FG:   Sababuhu intan oo kaliya maahan, laakiin se, waa intii ugu muhiim sanayd, midwalba iyo siday u sababto ama saamayn ugu leedahay xanuun kan, kama hadli doono siigada: Mowduucan  waxay culimada caafimaad ku isku
raacsan yihiin, inuu yahay qodob ka ugu weyn ee shaki la’aan ay rumaysan
yihiin inuu sababo, biyo-baxa degdega.

Xanuuno: Waxaa jira xanuuno kala duwan oo keenaya cudur kaas. Sida,
xanuun ka loo yaqaan baabasiirta, qanjidh xanuun ka *Thyroid Gland*, xanuun
ku dhaca xiniin yaha *Prostate Infective Diseases*, xanuun ku dhaca kaadi hays
ta, xanuun ku dhaca murqaha jidh ka, xanuun ku dhaca kelyaha, xanuun ku
dhaca neerfayaasha, xanuun ka loo yaqaan sonkorowga, intaas iyo in kale
ba way sababaan biyo baxa degdega. Sidoo kale, waxaa jira xanuuno loo
yaqaan, dhibaatooyin ka nafsaaniga * Psychological factors * oo sababa xanuun
kan, culimada caafimaad ku aad iyo aad ayey uga hadlaan canaasiirtan.
Sigaarka: Balwadda sigaar jiididu waxay kamid tahay waxyaalaha ay inta
badan culimada caafimaad ku dood aysan ka keenin, in xubin firfircoon ka
qaadan karto keenis ta biyo-bax degdeg ah. Wuxuu sababaa in unugyada
qaada dhiigga aad iyo aad u yar yaraadaan “cells become smaller due to smoking”;
islamarkaana keenaan natiijo ah, dhiiggu inuu aad u shaqan waayo oo
wareegiisu yaraado *Poor blood circulation*.
Qaadka: Arrintan waxay kamid tahay canaasirta waaweyn ee biyo-baxa
degdega curiya. Waxey nu ognahay in qaad ka ay ku jiraan maadooyin aad
u badan, kuwaasoo qaar kood mukhadaaraad halis gelin kara caafimaad ka
qof ka ay yihiin * Drug addictive*. Qof ka qaad ka cuna hammiga uu u hayo in
uu xaas kiisa galmo la sameeyo aad buu u sarreeyaa * High capulation drive *.
Balse, kol ka xaqiiqada loo dhowaado, wax ka yar labo ama hal daqiiqo
ayuu ku biyo baxayaa * Early discharge*.
Xumaha: Daawashada aflaam ta jinsiga ee galmada *Sex Blue Films* iyo in
sawirada qaaqaawan ee dumar ka la fiirsado, iyo nooc walba oo xumaan
ah, waxey sababaan biyo-bax degdeg ah.


    Daawaynta Xanuunka

Xanuun walba oo bani-aadam ku dhaca, waajib weeye in daawo uu leeyahay. Sida
diin teenu inoo sheegtey, Allaah SWT kol kuu cudur walba abuurayey daawadiisa waa la soo raaciyey, bani-aadam ku ha gartaan ama ha garan waayaan. Akhriste, waxaan filayaa inaad i weydiinayso, waydiin maskaxdaada ku jirta oo odhanaysa, tolow xanuun kan weyn ee dhibaatada badan leh lagana dhawaajinayo, daawo ma leeyahay. Haa, daawo wanaagsan
wuu leeyahay. Hawsha galmadu waxay u baahan tahay saddex waxyaalood, taasoo la’aan teed si wayn aan u rumay sanahay hawlgab weyn inuu jiro, waxay na kala yihiin: Rabitaan * Lipido*, Kacsi * Arousal* iyo biyo-bax *Orgasm*. Haddii saddex daas mid kamida la waayo, xaaladu ma fududa. Sida horey aan ku soo xusay, celcelis ka wakhtiga uu qof ka caadiga ahi ku biyo-bixi karo waa 5-7 *Normal Orgasm*. Kol ka laga hadlayo qeexida biyo-baxa degdega, waxa jirta aragti lagu khaldamo oo tamar daran oo odhanaysa, haddii uu qof ku biyo baxo kahor xaas kiisa, wuxuu la nool yahay cudur kaas. Haba yaraatee, wax ka jira aragtidaas ma jirto, cilmiyyan ayaa loo cadeeyey khuraafadaas. Biyo-baxa waxaa loo qaybiyaa labo marxaladood oo kala ah, marxaladda saarista biyaha *Emission* iyo marxaladda gamista biyaha *Expulsion*, taasoo ah, wixii ka dambeeya xaaladda hore. Biyo-baxa degdega hadduu qof ku isku arko isagoo awal wanaagsanaa oo fiicnaa, kadib guur kiisa, waxaa loo yaqaan *Secondary Premature Ejaculation*, haddii uu qabay ilaa qaangaadh kiisii, ka hor guur kiisa, waxaa loo yaqaan *Primary Premature Ejaculation*. Sidaa owgeed, waxay ku kala duwan yihiin habab ka daaweyn ta – mid walbaa si gaara ayaa loo daweeyaa. Sababaha sababa xanuun kan way badan yihiin, intaas aan calaamadiyey iyo in kale ba way jiraan, mar ka shakhsiga la daweenayo waxaa waajiba in warbixin guud iyo mid gaara laga helo, taasoo noloshiisa gaar ka ah si dhaba u saameenaysa; si loo ogaado xaqiiqada sababtay maadadan; iyo daawadeeda saxda ah. Shaki iyo mugdi waxaan ku jirin in dumar ku aad iyo aad ay u neceb yihiin niman ka leh xanuun kan; kuwa la nool ragga la il daran maadadan ay ifka ku karaahiyeys taan oo ay ka jecel yihiin la joogooda inay dhintaan, waayo? Xaqeedii ma gudi karaan oo mar walba oo isku day ay sameeyaan, way ku fashil mayaan si degdega. Sababtaas, rag badan waxay ku waayeen xaasas kii ay jeclaayeen, iyagoo furay. Kuwo wali aan guursanin waxay la nool yihiin baq dintaas. Maqaal kaas aan ku baahiyey shabakada macluumaad ka xifdisa
ee loo yaqaan Wikipedia, faafin tiisii kadib, in ka badan 150 qof ayaa ila soo xidhidhey,
gude iyo debad ba, dhammaan tood waxey ka cabanayeen cudur kan qarsoon ee dilaaga
ah. Waa sababta ugu weyn inaan mar labaad dib u qoro oo mareeg tooyin ka ugu faafiyo.
Previous Post Next Post