Habeenkii Madoobaa {part 1}

 


                         kulankii waaberiga 

Markay saacaddu maraysay 3:00 habeenimo waxaa ka soo baxay bangalo ku taal xaafadda cajm ee magaalada idkandarya wiil dhallin yar ah oo soo jiidasho leh, waa dheeryahay, waxa uu leeyahay jidh dhisan oo la jeclaysto, weji cad, timo madow, waxa uu u dhaqaaqay xagaa iyo baarkin kii uu yaalay gaadhigiisu oo ah nooca (BMW). 

Mabuuba ag is taagin illaa uu maqlay cod leh:-

- (Khaalid)…(khaalid)… isug adoo raaliya…

Waxa uu arkay gabadh u soo xanfaraysa xagiisa doonaysana in ay joojiso may soo gaadhinba gabadhii ilaa ay 

turunturootay iyada oo sii dhacaysa ayay isku soo tuurtay dhiniciisa isna muu daynine waa qabtay DHAB! Mahadsanid waan dhici gaadhey ayaay tidhi.

Waxay xidhnayd kabo dhaadheer waanay ordaysay, da`dana khaalid ayay ku dhowayd oo waa isku dhallinyar. Timaheeda oo furnaa ayaa wejiga ka daboolay intay faraha dhex galisay ayay dib u celisay waxaanay tidhi “hadii aanad khaalidoow caawa I ag joogin

Dhoosha ayuu ka qoslay(khaalid) waxaanu yidhi “dhib ma leh marwa”

-waxa ay dareeentay culays waxaanay tidhi“maad illowday magacaygii”?!!!

Khaalid ayaa ku jawaabay “aaaaH” oo miyaanu sidaa ahayn?!
Gabadhii oo is faantaarinaysa ayaa tidhi maya waa “suha” (suha quruxleey).
Dhagta khaalid waa ay kawar laadahay hadalka ay tidhi
waana uu dhoolla cadeeyay isaga oo leh “cafwan…cafwan suha”
Eegmo la yaableh ayay ku eegta iyada oo raacinaysa “haddaad I garatay…muxuu walaalkaa ((Haani)) isku khabbaynayaa”?
Khaalid oo yaaban ayaa yidhi : “ma anuu iska kay qarinayaa”?
Suha: oo afka taagaysa ayaa tidhi “haa si aanad uga xadin dumarka cajabiyay”
Khaalid ayaa kor u qaaday garbihiisa “oooow…..OOOw…ooow…ma daneeyo arrimahaasi”
Waa ay u il jabisay! Waxaanay ku tidhi “waad iga yaabisay” Khaalid oo la yaaban dhiirranaanteeda ayay aad ugu soo dhawaatay waxaanay ku tidhi “ maanan ku cajabinin sidaadii cajabisay”? Khaalid baa dhulkii ku soo yaraaday waxaanu hoos u eegay
saacadiisii isagoo leh “waan dib dhacay…waan dib dhacay…waan tagayaa

Waxa ay qabatay shaadhkiisii : “miyaanad sugayn inta  xafladdu dhammaanayso”? sidaas ayay ku ladhay  hadalkeedii. Khaalid: “ naga qaad faraha…Waxa dhow daakiraadii”
Waa ay ku qososhay iyadoo dheeldheelaysa :daakiraadee?
dee!!!  Khaalid: “waxaan jeclahay salaadda in aan wakhtigeeda 
tukado…immikana waan ka gaadhayaa” Suha: “maxaad la dagdagaysaa sowdiga gaadhi wata”? Khaalid: “imaanshaha xaflada ayaaban ku qaldanaa” Waxaana uu furay daaqadii gaadhiga, “markale ayaan is  arki doonaa ayay kasoo daba tuurtay” Waa uu istaadhay gaadhigii:-  (jiqiiq…xaaammm……Xaaammm) Khaalid….khaalid…khaalid baa mar kale lagu dhawaaqay Yeedhmo badanaa! Buu niyada ka yidhi…  Xagga dambe ayaanu eegay {saaa} waa ba walaalkii ka yar  ((Haani)) Haani: “isug khaalid aan ku sii raacee”
Isagoon soo gaadhin khaalid ayaa waxaa dhexda ka qabatay  (suha) iyadoo yaaban 
Haani “maxaad la yaabantahay suha”? Waxa ay indhaha ugu tilmaantay xagii khaaalid 

“U sheeg walaaklaa in aanu iga faro baxsan doonin” Haani baa qosol la dhacay hadalka ay tidhi awgeed waxaanu yidhi “ shabagaaga u daadso” Suha : “dhab ahaan waan u daadsan doonaa”. Khaalid: maxaad ku hadlaysaa ( haani). Haani: khaalid noloshu waa ciyaar iyo kaftan….. aaah aaah Inakeen gurigii aan seexanee waan luloonayaaye. Khaalid: seexan maysid illaa aad salaada ila tukato. Haani ayaa dhoola cadeeyey isagoo leh: “ bal naga dhakhsuun waayahee….. kordhi xawaaraha mayd nama
saarnee”. Khaalid: majecli xawaaraha degdega ah…
Haani: wadadan kabax oo taa kale mar haddii aad ka
baqayso in uu gaadhi ina jiidho. Khaalid: ma baqayo, laakiin aayar socodkaan jecelahay.
Waxa uu ka maray khaalid waddadii dhawayd. Haani: kordhi xawaaraha…. Mawaad rabtaa in aan berri gaadhno. Waxa ku qoslay khaalid isagoo leh: “ ma xuma…. Adi dartaa
uma kordhinayo ee waxaan ukordhinayaa ( nuurhaan) si aanay noogu murugoon.
Waanu kordhiyey xawaarihii gaadhiga… Haani: aaah…. Ma anaad taa iisheegaysaa.. haddaan wada socono ha baqin.

dhac….. way isugu dhaceen… iyaga oo aad uqoslaya. Gaadhigu waxa uu ku socday xawaarihiisa, waxa meel gaaban kaga soo baxay qof ordaya oo wadada ka tallaabaya
Khaalid ayaa naxay waanu ka qaban kari waayey gaadhigii
waanu ku dhuftey….. kuna fogeeyey. Qofkii dhulka lamuu gaadhin dhaqaaq.
Wadnahaa dhacay khaalid…….. Waxa ay kasoo daadageeen gaadhigii, waxana ay eegeen
qofka ay jiidheen.. "Aalla maxaan sameeyay” khaalid ayaa intaa ku naxay Waxaanay afartoodii indhood qabteen gabadh xidhan dharkii arooska oo dhiig badani ka baxayo
Maxaa xilligan aroosadda eryanaya?!!!  Mee caruuskii?!!!


              Losoco Qaybaha xasaasiga Ah ........

Ku Xidhnaw markasta Sama-Wade
Previous Post Next Post