Sheekooyin Qosol LeH

           

         

                                                  1. Shaxaadka

Nin maamuuladii soo maray dalka ka ahaa agaasimeguud amaba “DG”ee wasaarada war faafinta ,ayaa niman ay saxiib ahaayeen u shaxaad doonteen,markaa isagaa oo xalaadiisii ka waramaaya markaay xafiiska ugu yimaadeen ayuu yidhi “waaryaadheeheen waad la socootanoo aniga laba nin baa iga sareeya oo midi waa wasiirka ,ka kaleena waa wasiir ku xigeenkaaniguna ka saddexaad ee wasaraada waar faafinta ayaan ahay,hadaba wasiirku wuxuu cunaa wax alle wixii xayaaysiisa ee idaacada laga sii daayo.wasiir ku xigeenkuna wuxuu cunaa wax alle wixii ogaysiisa ee idaacada laga sii daayo.markaa anaa ugu hooseeyoo waxaan cuna wax alle wixii tacsi ah ee idaacada laga sii daayo.markaa hadadaad lix qof oo dhintay ilacaada ka maqashaan markaa saxiibayaal ii kalaya kollay qaad waan qaadi karaaye.

                          2. Reer Hargeysa Iyo Reer Jabuuti Xiliga Xaga Baxa

Nin dhalinyaro ah oo reer hargaysa ah ayaa gaadhi yar oo reerkoodu laha ku soo qaaday saddex hablood oo jaarkooda ahaa oo jabuutii kazoo xagaa baxay goor fiid ah magaalada hargaysa .hablaha inanka waa lagu soo daray oo waxaa la yidhi magaalada hablaha soo tus- tus .ninkaas dhalinyarada ahi laftiisu arinkaas wuu u qushuucay wallaahi waa fursad wanaagsan oo aan hablahan ku baran karo. Nasiib darro gadhiigiisu wuxuu ahaa mid gaboobay oo runtii sidaa usii darnayn .illayn waa nin is dhisaaye galabtii ayuu geerashka geeyay .waa la soo giigiijiyayoo laga soo dhalaaliyay gudo iyo dibad ba,si aanu hablaha cidla ula fadhiisan oo aanu fashiilaadi u dhicin!nin ay ilmaadeer ahaayeen oo ah ninkii gaadhiga lahaa ahoo dibada baryaha ka yimid ayuu xataa gurigiisa tagay oo cadar iskaaga soo buufiyay Sacaadi iyo daaqiiqaado ayuu tirinaya ,waxaa kaabiga soo saraysa xilliigii balantu ahayd ee uu hablaha qaadi laha ,waxaa la isu imaanaya hablihii waxay soo fuuleen gaadhigii waxbuu soo uriyay markii ay sal dhigeen hablihii ayaa midood soo boodaysa oo odhanaysa “huuno saas ba uraya,maahin!”

Inankii baa into hoosta ka farxay is yidhi wallaahi bahalkii cadarka ahaa ee aad isku soo shubtay noociisi ayaay hablihii garteen intuu soo booday ayuu markiiba yidhi isagoo dhoola cadaynaya “aniga isku soo shubay” Allow ha cadaabin nin aan waxba ogayn! Jabuuti erayga saas ooo fransiis ah ,wuxaa Looga jeeda badroolka baabuurta marka habluhu badroolbaay uriyeen oo inanka is dhisaayaana aniga isku soo shubay.

hablihii halkiibay qosol ka wadheen Xiliiga aad uriso wax aanad garanayn ayaad odhan kartaa”SAAS.

                                3. Ninkii Reer miyiga Ahaa iyo Wadaadkii

Nin reer miyi ah ayaa maalin xoolo ibiyay ,isaga oo aad ugu faraxsan lacagtii xoolaha laga siistay oo jeebada sare ugu jirta oo anay ka qasnayn,ayuu goor casar ah soo hor maray makhaayad qolo tafsiir iyo cashar diiniya uu wadaad u dhigaayo .

In yar buu dhagaystay “aduunkan waa la rogaaya oo cirka waa la laabaya oo dhulka waa la duubaya “

Ninkii Reer miyiga ahaa ayaa inta u aad u naxay sawtan xoolihi yara ee aad soo ibisay lagaba af qabtay! mida kale wuu liqi kari waayay sida dhulka iyo cirka loo laabaayo oo isagu waxaa uu uga fakaray sidii gogooshii loo laabayay oo kale markaa intuu soo booday ayuu yidhi:”oob oob wadaadaaw bal u yara kaadi ,oo haddi dhulka iyo cirka la laaboxaggeeba lagu tiirinaya?’

                                        4. Aqiinkaan Ku Garan Ee iskadaaya

Ninbaa masaajid ka eedaami jiray oo mu’adin ka ahaa.subaxdii ayuu wadaadku saylada u dilaal tegi jiray,si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro dhaaraarba waxaa uu ibiiya xoogaa xoolaa,maalin maalmaha ka mida ayaa suuqii xooluhu xumaanaya oo waxba laga iibsan waayay wadaadkii .wuu yabaya oo tallo ayaa ku caddaanaysa .Isaga oo gadhkiisi u eeka sonkorta iyo shaaha madoow ee la isku daray,rifaya bidaar aad moodo madaar diyaaradeed soo dagayso kolba salaaxaaya ,ayuu u tagay dillaal kale si uu xalkiisa wax uga ogaado isna ,oo haddu wax ku dhaamo bal shaxaad iyo in uu ka heli karo ugu qadaadiisa.haddaba intaanu u tagin ayuu laba orgi oo loo sii dhibtay oo laga iibsan waayay meel kusii xidhay. Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag jog joogay ,wuxuuna mu’adiinkii ogaanaya inu kan laftigiisu waxba dhaamin oo isba manta qatanyahay.waxaa uu ku bilaabay halkii labadii orgiugu xidhnaayeen.markuu meeshi soo yara gaadho ayaa meeshi u soo gaadho ayaa waxaa uu arkaya labadii orgi ee uu kaga tagay oo aan meeshi kuba xidhnayn.cabaarbuu baadh-baadhayaa ilaa markii dambe arkayo iyaado labadii orgi adhi kale ku dhex jiraan. Ninkii adhiga watay buu kuqabsanaya uu ku odhanayaa, “waar xaggee ayaad ka keentay labadan orgi ninkiina wuxuu farta ku fiiqaya dilaaalkii ka iibiyay. Dillaalkii kale ayuu kaladhka laacaya uu ku odhanaya maxaa kuu geeyay labadayda orgi halkiiba la isku dilaya oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dhufanaya dilaalkii ilaa uu ugu tuuray oo gaagabiyay wadaadkii waxaa uu dabadeed ka daba tagaya kii labada orgi laga ibiyaay oo isagana is qabsanayaan markuu ku yidhaahdo dee lacagbaa la iga siiyaay halkiibuu kiina budh la dhacaya oo ugu tuuraya. Waxaa uu isku dayaya inuu soo qabto labadii orgi. Midba ka cararaya oo mu’adinkii kolba dhinac uga boodaya. Wuu qaban kari waayaya.kadib ayaa uu ka daba cararaya geeska ayuu budhkii kaga dhufanaya oo isagiina gagabinaya. Ninkii oo xanaaqsan oo labadii qawlal ka xumbaynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is ogaanaya oo ku baraarugaya salaadii oo xiliigeedi soo dhawaaday xagii masaajidka ee uu ka eedaami jiray ayuu is odhanaya bal ku carar intaan laga gaadhin xiliigi eedaanka kiiyoo budhkii adhaaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya oo xanaaqsan ayuu waxaa uu maqlaya masaajid kiisii uu ka eedaami jiray oo laga eedaamay isagoo murara dilaacsan ayuu soo gaadhaya oo eedaankii la dhameeyay oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka eedaanku dhaco iyo intaan salaada la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunne ah iska tukanayaan.intu hor istaagay meel u dhaw halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jiray ayaa isaagoo labada daanba ka xumbaynaya oo budhkiisiina adhaxda haysta ayuu odhanaya :”waar yaa eedaamay”!juuq la! Hadana wuu ku celinaya :”waar yaa eedamay baan idin yidhi”! yaab iyo naxdin baa lala amuusay !inta uu balla daymooday doc kasta indhaha ku eekeeyo ayuu odhanaya :”iska daaya aqiinkaan ku garane,kol hadii aad jawaab waydana”.sabaabta oo ah

ninkii eedamay ayaa yaalaabaaqiinkii salaada ka hor sameeya , halkaasaanu rabay inuu kadaalacdo kii eedaankiisi isku taabtay,si uu isagana budhka ula dhaco

                                                5. Jinka iyo Qabyalada

Laba shay oo ay soomaalidu aad uga sheekayso waa jinka iyo qabyaalaada. Hadaba bal markay. iyagu is galaan tolow maxaa kazoo baxaya waaba yaabe?sheeko qosol leh ayaa jirtay oo nin baa beri jin galay waxaan uga jeeda yaalaaba waxaay dhacda marka qof laga dhex hadlo ee cod aan kiisii ahayni uu ka dhex hadlo ayaay soomaalida badankeedu waxaa qudha ee ay ciirsataa ay tahay in ay qur’aan ku akhrido iyaadoo codkaadi ku salaysay jin qofkaasi galay.haddaba ninkaa uu jinkaasi galay ayaa waxaa loogu yeedhaya laba nin oo midna yahay wadaadkii qur’aanka ku akhriyay,ka kan kalena uu ahaa gacan yare wadaadka kaalmeeya . Markii ay dul yimaadeen ninkii uu jinku ku jirey ayaa codkii ama jinigii la sheegayey ayaa la hadlaya wadaadki iyo gacan yarahiisii.hadaba waxaa jinkii waraysanaya gacan yarihii,halka uu wadaadkii isagu qur’aankii duddubiinaayo si uu jinku dhakhso ugu baxo,iyaadoo ay bar-bar taagan Yihiin ehelkii iyo asxaabtii ninkii lagu jiray oo iyaagu naxdin la anfariirsan. Wuxuu waraysigii jinku socdaba oo wadaadkuu ququliyaba,mar dambe ayuu waraysigii U leexaanaya xagaa iyo Qabyaalada.jinkiiba markaa sheeganaya isla qoloda ama jilibka uu ka soo jeedo gacanyarahan waray sanayaa .hadaba mar qudha ayuu boodaya gacan yarahii oo uu ku odhanaya wadaadkii “waar ninka qur’aanka ka aad yar ilayn tol buu noqdaye”.

           Ahaw Zhpka Sama-wade Siaad                        Waxbadan noola Qososhid

Previous Post Next Post