Cawo Daran

             

                             Sheeko Jacayla

Part1

Mid kasta qarracan ayuu dhinac ula jeesaday. Waxa ay 
iska waayeen hal mid oo isagu guulaystay. Kulligood 
dambiilayaal wada guuldarraystay ayay noqdeen. 

Wataa Ramla labada jiqil u gaysay labada law, afsaabkana 
ku qarisay fool ayna farxadi ka muuqan, indhuhuna kabba dhiigga noqdeen.

 Ilmada dhabannada soo marta ayaa iyada oo kulul ku qaboobaysa laabta.
Haddii aad cabbaar u fiirsatana waxa aad laabteeda ka dareemaysaa
Dhaqdhaqaaqa xawliga ah ee uu wadnaheedu samaynayo.

Cabsi badan oo ka muuqata ayaa garaaca wadnaha saa'idinaysa.
Marada caddanka u badan ee laabteeda 
ku daboolan ayaad dhaqdhaqaaqeeda aad moodaysaa in ay iska bixinayso.

Kibirkii, islaweynidii iyo qabkii ay huwanaan jirtay Randa faro kuma hayso.
Caawa qof ka jilicsan ma laha. Waxa aad moodaa in reerkoodii oo dhan mid 
aanu ka hadhin. 

Wataa gollonka iskula jirta ee aan halmar madaxa kor u qaadi karin. 
Sankii ay taagi jirtay sidii ay kolba duufka uga tiraysan ayay xoor kaga 
kicisay__hiq ayuun baa ka soo hadhay Waxa ay gaysatay ayaa ugu wacan e, kuddaa.


Dhaaxaa geesinnimo, ad-adkaan iyo karti laga haybsaday.
Haddii uu in badan gorodda taagi jiray, liidashana uu necbaa
maanta waa ka ugu daciifsan afartooda. 

Haa! Hanad, bal fiiri! Inta uu galalaatiga u dhacay oo uu jilbaha 
dhulka dhigtay, deetana labada sacab dhulka ku garaacay, 
ayuu shaadhki caddaa ee uu ku xarragoonayay, halkaa shafka ah gacmihii 
uskagga ahaa la dhacay! Maanta waxaad moodaa weligii in uuna
 madaxa kor u qaadin. 

Darxumada shaadhka cad uu u geystayna waxa uu yeeshay araggii xamaalka.
Dhidid iyo oohin isku darsamay ayaa ka qubanaya.

Shaadhkiisa ayuu ku tirayaa labadaba, illayn xarrago uma joogto e.Maskiin!
Awalba wuxuu ahaa nin iska af gaaban, dhibkana neceb
se hadda isagii baa dhib ku jira. Indhihii yaryaraa godkii ayay ku libdheen,
dabka iyo kaarka ay maskaxdiisu xamili la' dahay waxa aad ka
garan sida uu dhakada u xoqoyo.

Kacaa-fadhiisi ayaa naftiiba kaga jaray. Danta ayaa ku kallifaysa in uu 
socod-dhaqaaqo. Caawa sida uu u miraadayo ma moodid in ay raggannimo ku hadhay. 

Magacii ba' nin yaqaanay Haykal, maanta garan mahayo. In aan la 
garan ayaaba fiican ee isna kuddaa.

Kabadhka ayay furtay. Dhammaan dharkeedii ayay isha wada marisay.
Cabbaayad madaw ayay xidhatay kaddibna Tuwaal caddaana ayay timaha ay dhawaan 
engajisay ku dabooshay.

Sarwaal jiinisa ayay ka hoos xidhatay cabbaayadda.
Muraayadda inta ay hor istaagtay ayay lebbiskeeda la dhacday kaddibna kabo 
caddaana ayay isku juftay. Quruxdeedii dabiiciga 
ahayd markii ay ku ladhay lebbis qurxoon waa ay sii quruxaysatay. 

Iyada oo isku mashquulsan ayuu taleefankeedu soo dhacay.
Waa ay fiirisay mise waaba Sacda oo ay ballansanaayeen.
Inta ay ka qabatay ayay ku tidhi: wax yar isug saaxiib waan soo baxay e.

Goobtii ballanta ayay soo istaagtay. Waa 
Sacda iyo asxaab ayna garanayn oo qosol iyo kaftan 
isku jiibinaya.



                                    Lasoco Qaybta Xigta..........
Previous Post Next Post