Ronaldo Oo Xalay Dhigay Mid Kamida Rekoodhada Ugu Waaweyn Taariikhda Kubadda Cagta


Kabtanka ahna hoggaamiyaha weerarka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay markale wacdarro ka dhigay kubadda cagta heer caalami walow uu Yurub ka maqnaa muddooyinkii ugu dambeeyay.Ronaldo ayaa waayihiisa ciyaareed soo jajabiyay rekoodho aad u badan oo uu isagu magaciisa dib ugu xardhay, mid kale ayuu xalay ku darsaday rekoodhadii hore.

Taariikhda uu xalay sameeyay Cristiano ayaa ah inuu kulankiisii 197-aad ee heer qaran ah saftay waxaana ay taasi ka dhigan tahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda qaramada.



Kulankaas oo ay 4-0 kaga adkaadeen xulka Liechtenstein ayuu Ronaldo laba gool oo mid kamid ah laad xora ahaa soo dhaliyay, wuxuu kusii dheeraystay rekoodhkiisa ah ciyaaryahanka heer xul ugu goolasha badan isagoo 120 gool tagay.Marka laga yimaado inuu dhawaan 38 sano jirsaday, Ronaldo ayaa muujiyay inuu wali leeyahay awood uu kaga ciyaaro heerka ugu sarreeya kubadda cagta.

Markale ayuu rajaynayaa inuu gaadho shabaqa xulka Luxembourg kulanka ay la ballansan yihiin Axada toddobaadka dambe.

Previous Post Next Post