Waa Maxay Guusha Dhabta Ah???

 


Guusha 

“Guusha waa inaad isku dhiibto Allah: Waa bixiyaha nabadda dhabta ah ee addanuhu 

raadiyo. Guusha waa xakameenta noloshaada, Inaad qaabbayso qorshaha noloshaada oo 

aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari laheed]…Taas ayaan guul u arkaa.” 

Suurta gal waaye inaad nolosha ku guulaysato adigoo aadan hanti badan tacbanin. 

Sikastaba, Waxaan layaabbay waxa adiga guul kuu ah dadka kale guul umma ahan! 

Haddaba, Bal aan isla eegno waxa ay ka yiraahdeen iyo qeexitaanada ay ka kala bixiyeen 

aqoonyahanada guusha odorosta iyo Qaamusyada kala duwan. 

“Guusha waa inaad samayso shey iska caadi ah adigoo u samaynaayo hab aan caadi aheen.” 

“Waxaan guul u gaaraynaa sida soo socota: 

1. Farxadda qoyska 

2. Xiriirka aad la leedahay Allah 

3. ku kalsoonaanta nolosha 

4. Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan. 

5. inaad saxdo Ama Aad Gaarto  isku Day Aad Jamatay.

6. Inaad Garto Himilo ama Ujeedo.

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

Si Kasoo Horjeeda Sida Dad Badani Aaminsanyihiin Ma Jiraan Dad Aan Guulaysan Amase 

Guuldaraystaa, Hase Ahaatee Waxa Jira Dad Haysta Fursadaha Lagu Guulaysto Kuwaasi 

Yaqaana Sida Looga Faa’idaysto. Waxa Kaloo Jira Dad Haysta Fursadahaas Balse Aan 

Garanayn Sida Looga Faa’iidaysto. 

Waxa Kaliya Eed Ubaahan tahay Inaad Qabato Si Aad Guul Ugaadho Waa Inaad Si Sax Ah U 

Qabato Waxa Dadka Guulaystay Sameeyeen. 

Markaad Akhridid Warbixintan Hoose Waxaad Si Buuxda U Heli Doontaa Dhamaan 

Fikradihii Ay Xambaarsanaayeen Dadka Guusha Gaadhay Taasi Oo Kaa Caawinaysa Inaad 

Guul Gaadho. 

Maxaan u guulay-san waayay? 

Hadaad dhab u doonayso inaad guulaysto waa inaad si qotodheer u fahantaa fikradaha 

guud ee cayimaya fursadahaaga kaana dhigaya qof aan guulaysan. 

Dadka guulaystaa waxay ka fogaadaan fikradahaan curyaamiyay dad badan sidoo kale waa 

inaad adna ka fogaataa: 

Fikradaha khiyaaliga ah: Fikradaha khiyaaliga ahi waa fikradaha aan saxda ahay eed 

naftaada ama wax ka aaminsantahay. 

Fikradaha khiyaaliga ah waxaa ka mida “waligay shaqo ka heli maayo wadanka” ama 

tan waxba ma dhexyaalaan”.Fikradaha khiyaaliga ahi waxay si toos ah uxadidaan 

fursadahaaga dhabta ah iyo guushaadaba.Ka takhalusida fikradahaas iyo inaad waxbadan 

ka ogaataa waa hawsha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad qabato haddii aad u jeelantahay 

guul. Fikradaha khiyaaliga ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburin 

karaan noloshaada. 

Adkaysi la’aan: Kawaran adigoo leh waxbarasho tayo sare leh iyo xirfado aad u sareeya 

hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib markaad guul daraysato hal ama laba jeer? dadka 

kaliya ee nolosha ku guulaystaa waa dadka adkaysiga leh kuwa aan ka hadhin 

haddafkooda iyo hiigsigooda illaa inta ay ka helayaan waxay doonayaan xataa haday 

waxkastaa lidi ku noqdaan iyo xataa haday guul daraystaan waxbadan. 

Isbadal la’aan: Isbadalku waa awooda lagula qabsado xaaladaha guud. Waa awooda 

layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu shaqayn waayo.Isbadalkaaga oo 

bata waxaa badanaya laqabsashada aad la qabsanayso xaaladaha kala duwan taasi oo 

badinaysa fursadahaaga guusha. 

Qorshe la’aan: hadii aanad hadaf iyo qorshe lahayn ogow inaad noqonayso qayb ka mid 

ah dadka kale qorshahooda. Hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad noqoto hogaamiyaha 

tiimka ama kooxda aad wada shaqaysaan qof kale oo kamida kooxdiina ayaa qorshaysan 

doona sidoo kale hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaharka 

sare leh ogow in qof qorshaystay uu kaa buuxin doono. Wuxuu kaa buuxin doonaa 

booskaa mushaharka sare leh, lacagta badana isagaa qaadan doona, isaga ayaana caan 

noqon doona halka aad ka noqon doonto daawade. qorshuhu wuxuu door muhiim ah 

ka ciyaaraa guusha.

Previous Post Next Post