Faa idooyinka Muuska (mooska)



Cilmi baadhisyo  isku xig xiga oo la sameeyey sanadadii ugu danbeeyey  waxaa lagu ogaadey in muusku; caafimaadka iyo quruxda qofka uu kaalin weyn ka qaato. 

Haddaba halkan waxaan idinku soo gudbin doonaa qeybo ka mid ah faaiidoyinkaa Midhaha geedkan mucjisada ah ee ka baxa dhulka taroobiga (dhul badhaha ku yaal ama u dhaw) waana sidan;


İLKO CADEYNTA

Qeyb yar oo ka mid ah diirka muuska xag hoose ee xigta qeybta la cuno oo aad laba daqiiqo ku hayso ilkaha waxaa la ogaaday inay ilkaha cadeyso, sababtuna ay tahay muuska oo laga helo maadoyinka potasyum, magnesyum iyo manganes kuwaasi oo ilkuhu nuugaan una keena dhalaalka iyo cadaanta.


FİNANKA WAJİGA 

Hadii diirka qeybtiisa hoose la marayo finanka ku yaala jidhka qeybihiisa kale duwan waxaa la arkay inuu wax tar weyn u leeyahay baabiintiisa. 

maalin weliba waa inaad ilaa 3 ama 4 goor ku celisana, tanina waxay xidhiidh la leedahayna C vitaminka ku jira muska, prof.Dr. Whitney Bowe oo sharaxaysay arrinkan waxay leedahayna C vitaminku wuxuu baabiibiyaa oksijen streska madawyada  ku sababa  jidhka isaga oo ah ANtioksideyn.


İSKU BUUQA 

Dadka uu ku dhaco isku buuqu waxaa la ogaaday cunista muuska ka dib inay nefisid iyo raaxo ay dareeman, tan sababteeduna waa muuska oo ay ku jiraan maadada triptofon kaasi oo ah dheecan jidhka dareensiiya raaxo iyo farxad.


XANUUNKA CAADADA KA HOR.

Hadii aad hore u isticmaali jirtey kiniino kaa yaree xanuunkasi , hadda iska ilawna tag dukaanka oo soo gado muus marweliba oo aad iska dareented xanuunkasi waayo muuska waxaa ku jira B6 vitamin kaasi oo hagaajiya wareega sonkarta jirka. xaalka ruux ahaaned ee gabadhana wanaajiya.


DHİİG YARANTA.

Muusku wuxuu wanaajiyaa oo uu kor u qaada soo saarista jirka maadada hemoglabin oo ah proteinka ka masuulka qaadida oksijenta. wuxuu dhiig usoo noqosho u yahayna qofka xaaladasi ku sugana.


 DHIIG KARKA

Midhaha geedkan mucjisada aha ee ka baxa dhulalka taroobiga waxaa mukamalka ka dhiga potasyum badan iyo milixda oo ku yar. taasi oo u fiican dadka cudurkaasi qaba.


XOOJİNTA MASKAXDA

Cilmi baadhis laga sameeyey wadanka ingiriska ayaa aheydna sidan;200 oo ardey ah ayaa quraacdii, nusasaacihii iyo weliba qadadii la siiyey muus dabeeto waxaa la arkay ardeydii oo muddo badan u diyaar ah inay wax bartaan, oo aan xiisadaha danbe aan daal iyo caajis ka muuqana..


CALOOL İSTAAGA

Muus ninkii cunaa uma baahan Laksatif ( dawada loo cuno calool istaaga).


DAALKA GALBİHİİ

Hadii aad marweliba ka cabatid daalka galbihii waxaa la ogaadey in muusku uu soo celiyo firficoonida una saamaxeysa qofka inuu wax badan qabtana..

soo qaado muus iyo waxooga malab ah dabeeto ka sameyso milkshake  wuxuu biyaha ku soo celiyaa jidhka, wareega sonkorta jidhkana wuu hagaajiyaa, firfircooni badan iyo inuu qofku isa soo celiyo ayuu ka caawiyo.


DAWEYNTA NABARADA

Nabarada ka yimaada qaniinyada cayayaanka oo la ogaaday inuu ka qeyb qaato daaweyntooda..


DACARTA

Muuska caadi ahaana waa anti asit  hadii aad iska dareentid cadar markii ba cun muus wey ka yaraan doontaa.


QANİİNYOOYİNKA KANEECADA

Hadii aad dareemeysid xanuun ama barar, waxaad ku xoqdaa meesha  ku xanuunaysa diirka qeybtiisa hoose waxaa ka yaraan doona xanuunka.


HOOS U DHİGİDA AMATEEDKA BADAN.

Amateedka badan oo qofka u hor seeda xanuuno ay ka mid yihiin kiilo badan oo qofka fuula dabeeto ay u soo bado galaan xanuunada macaanka, dhiig karka, wadano xanuunka iwm, 

muusku wuxuu yareeya amateedka badan isaga qofka dareen dharag ah galiya.


HADDABA WAXAASİ OO DHAN İSKU SOO DUUDUUB OO MUUSKU WAA DAAWO DABİİCİ AH  WAXAAN KU JİRA MAADOOYİNKA;

PROTEİN

KARBONHİDRAT

A VİTAMİNİ

FEEMAR

FOSFOR

POTASYUM

B6 VİTAMİNİ

                               İ.W.M

Previous Post Next Post