Furaha Guusha



 Nacaybka jacayl ku badal. 

Dulmiga cadaalad ku badal. 

Carada cafis ku badal. 

Murugta farxad ku badal.

Fudeydka kaadsiinyo ku badal. 

Bakhaylnimada wax bixin ku badal. 

Cadowtooyada raxmad ku badal. 

Tuhmada cudurdaar ku badal. 

Niyadxumada niyadwanaag ku badal. 

Aargudashada saamaxaad ku badal. 

Cayda ammaan ku badal. 

Islaweynida islayaraan ku badal. 

Ixtiraam dararada maamuus ku badal. 

Xanta inaad iska dayso ku badal. 

Xasadka inaad dadka khayr la jeclato ku badal. 

Xiqdiga qalbi furnaan ku badal. 

Afdheerida afgaabni ku badal. 

Warxumatashiilka hubsiino ku badal. 

Khayaanada amaano ku badal. 

Xumaanta wanaag ku badal. 

Dabeecadda xun dabeecad wanaagsan ku badal

Haddii intaas lagaa helo adna waad ku caafimaadi dunida,oo waxaad kasban tixgalin iyo 

jacayl,aakhirana waxaad filan ajarka uu mid kasta oo intaan ka mid ahi gaar u leeyahay oo 

dambi dhaaf iyo darajaba leh. 

Abu Suleiman (Xijaabtay )

Abu Solaiman wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Kooxda Abu 

Sayyaf, oo ah koox Islaamka xag-jirka ah oo ka hawlgala dalka Philippines. Intii uu 

ahaa madaxa hawlaha iyo saadka ASG, Solaiman, iyo Khadaffy Janjalani, waxay ka 

mas’uul ahaayeen afduubyadii iyo dilkii loo geystay laba qof oo ay jinsiyaddoodu 

ahayd Mareykan iyo Filibiin. Waxaa lagu eedeeyay afduubyadii Martin iyo Gracia 

Burnham iyo laba qof oo kale oo Mareykan ah. Wuxuu kaloo Suleiman ka qayb qaatay 

madax gooyadii lagu sameeyay Guillermo Sobero, oo ahaa qof kale oo Mareykan ah. 

Suleiman mas’uul kama ahayn weerarradaan oo kaliya wuxuu kaloo ka qayb qaatay 

qorshaha iyo fulinta weerarro badan oo lagu qaaday danaha Mareykanka, waxaana ka 

mid ahaa weerarradii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Manila iyo Superferry 

14 iyo qaraxyadii bamka ee Valentines Day, oo ay guud ahaan ku dhinteen ama ku 

dhaawacmeen dad aysan quseynin. 

16-kii Janaayo, 2007, Ciidamada Hubeysan ee dalka Philippines (AFP), oo ku 

hawlgalay warbixin laga helay labo qof oo Filibiin ah, waxay qaadeen weerar waxayna 

dileen Solaiman. Hawlgalkan wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waxaana suurageliyay 

in la adeegsado macluumaadkii ay shakhsiyaadkan siiyeen ciidanka Philippine. 

Dhammaan macluumaadka iyo gargaarka ay bixiyeen shakhsiyaadkan waxay aad u 

anfaceen in la helo, la dilo iyo kaddibna la aqoonsado Abu Solaiman. Sidii geesinimada 

lahayd ee ay taageero uga geysteen darteed, waxaa dadkii reer Filibiin ahaa la siiyay 

abaalmarin guud oo gaaraysa $5 milyan (245 milyan oo beesos) oo ay Dawladda 

Mareykanka ku siisay xaflad uu Safiirka Mareykanka ee dalka Filibiin u fadhiya uu ku 

qaban qaabiyay jasiiradda Jolo 7-dii Juun, 2007. 

Waxaa horrantii 1990-dii Kooxda Abu Sayyaf aasaasay Abdurajik Janjalani, oo ah 

walaalkii ka weynaa Khadaffy Janjalani. Abdurajik Janjalani ayaa Afqaanistaan kula 

kulmay Usama bin Ladin oo iminka dhintay marki uu la dagaallamayey Soofiyeetka 

waxaana ku dhalatay in uu dalka Filibiin ka aasaaso dhaqdhaqaaq goosad oo Islaam 

ah. I Tan iyo 1990-yadii, ASG waxay dhowr weerar oo qaraxyo bam ah ku qaadeen 

hanti ay leeyihiin Mareykanka iyo Filibiin. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxay 

kaloo ASG ka dambeeyeen dhowr hawlgal oo dad lagu afduubay si ay lacag u helaan, 

waxayna bartilmaameed ka dhigteen ganacsatada deegaanka iyo dad dalxiis ku jira. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay ASG ku tilmaantay in ay tahay 

urur argagixiso oo ajnabi ah oo weli khatar ku ah xasilloonida dalka Filibiin. 

Abu Solaiman wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Kooxda Abu 

Sayyaf, oo ah koox Islaamka xag-jirka ah oo ka hawlgala dalka Philippines. Intii uu 

ahaa madaxa hawlaha iyo saadka ASG, Solaiman, iyo Khadaffy Janjalani, waxay ka 

mas’uul ahaayeen afduubyadii iyo dilkii loo geystay laba qof oo ay jinsiyaddoodu 

ahayd Mareykan iyo Filibiin. Waxaa lagu eedeeyay afduubyadii Martin iyo Gracia 

Burnham iyo laba qof oo kale oo Mareykan ah. Wuxuu kaloo Solaiman ka qayb qaatay 

madax gooyadii lagu sameeyay Guillermo Sobero, oo ahaa qof kale oo Mareykan ah. 

Solaiman mas’uul kama ahayn weerarradaan oo kaliya wuxuu kaloo ka qayb qaatay 

qorshaha iyo fulinta weerarro badan oo lagu qaaday danaha Mareykanka, waxaana ka 

mid ahaa weerarradii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Manila iyo Superferry 

14 iyo qaraxyadii bamka ee Valentines Day, oo ay guud ahaan ku dhinteen ama ku 

dhaawacmeen dad aysan quseynin. 

16-kii Janaayo, 2007, Ciidamada Hubeysan ee dalka Philippines (AFP), oo ku 

hawlgalay warbixin laga helay labo qof oo Filibiin ah, waxay qaadeen weerar waxayna 

dileen Solaiman. Hawlgalkan wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waxaana suurageliyay 

in la adeegsado macluumaadkii ay shakhsiyaadkan siiyeen ciidanka Philippine. 

Dhammaan macluumaadka iyo gargaarka ay bixiyeen shakhsiyaadkan waxay aad u 

anfaceen in la helo, la dilo iyo kaddibna la aqoonsado Abu Solaiman. Sidii geesinimada 

lahayd ee ay taageero uga geysteen darteed, waxaa dadkii reer Filibiin ahaa la siiyay 

abaalmarin guud oo gaaraysa $5 milyan (245 milyan oo beesos) oo ay Dawladda 

Mareykanka ku siisay xaflad uu Safiirka Mareykanka ee dalka Filibiin u fadhiya uu ku 

qaban qaabiyay jasiiradda Jolo 7-dii Juun, 2007

Previous Post Next Post