Lama Filaan Jacayl💞



                                    Sheeko Jacayl

 Part 2

Markii  u Helay Numberkedii Markiiba Fariin Ayuu u soo  Diray, iyaduna Wali Shaqada Ayay Joogta Waxooga Kadib Ayay Aragtay Fariintii, Wuxuna u soo qoray:- Hello   Axlaam  Xaladada iga Waran Waxan Ahay Wiilkii Ku soo Wakiishay Muuse Ama wiilkii Lagu sheegay inuu kaa  helay.

Kadib Axlaam Way  Aqoonsatay Wiilka, Markas ayay tidhi:- Wan Ficnahay Huno Ow Soo Dhawoow Imran, Wuxu idhi mahadsanid  Waxan Filaya imika ina joogto Shaqada Hawshada iska wado Ila hadhow ayaynu soo wada hadli doona, markas Ayey tidhi Haa Shaqada jooga wana si wacan Ino Hadhow.

Markay inyar joogtay Ayuu u soo Diray Sawirantiisa Fariintii may furin oo Waxay is ledahay Markiba Ha egin Yaan lagu dareemine, Hadana intay egayso way sugi kari la dahay Waa Xili Duhur ah Waana Wakhtigi ay Guriga Tagi Lahayd Way soo Baxday Gaarigi Shaqada soo Qaday Guriga Ayay timid, Markay Qadaysay  ay QolkeedaTagtay Ayay Mobeilka Soo Qaday, Fariintii Ayay Furtay Markii Ay Sida u Aragtay Wiilka Sawiradiisa Waxay Aragtay Wiil Jidh iyo Qurux illahay  isku siiyay oo waliba Dookhedii ah.

Cabaar Kolba ha ku soo  dhaweyso sawirka oo si fican haw daawato wuu  Caajabiyay wiilku, Isaguna ii soo  dir ayuu dhahay sawirantada Way u Dirtay, axlaam Waa Inan Aad u Qurux badan Oo masha allah Ah Isaga Xata wuu  la  Dhacay Gabartan Geenyada.

wuxu u soo Qoray ma  indhihii ku arkayban Mahad badan u celiya, Mise Qoyskii Ku Dhalan Mahad badan u celiya, Quruxda Alle ku siiyay   Durba Dareen Awood badan  Ayad igu Abuurtay, Waxay Amuurtani Waxan Rajenaya inaad Hanti ii Noqon Doonto. 🤲🏻👸🏻

Axlaam Markay aragtay Qoralkas Dareenkedu aad ayuu  isku badalay, Waxayba is tidhi malaha waa kii lagu Qoray hadana ma rabto inay is dareen siiso oo messageka hore ugama jaawabayso,Waxay u qortay Barasho Horted Ma Qaabil Jacaylka,  Iakiin  Ha Imado Jacaylkuye,  wuxu Idhi isaguna wuu  iman jaceyl, Kadib ayay ku tidhi caadi isku kay bar ? 

Markas ayuu Dhahay Ani imran ayaa  lay Dhaha Waxan ku Noolahay Wadanka Uk oo aan ka shaqeya Family gaygu Waxay joogan Turkey 🇹🇷 Xiliyada Fasaxa waxan  imada hargeisa Wakas.

Waxay Tidhi okay  ana aan iskaa baro  Ani iyo Family gayga Hargeisa isla joogna Sidad ogtahay wan shaqeya

 wakaas,Wuxu dhahay Dalxiiska see isku Tihiin   wan jeclahay lakiin ma safro oo wali meel ma tagin, waan  gartay Ayuu idhi Axlaam wan yara baxaya Gym Ayan aadaya waa ino cawa,  haye ayay tidhi.

Axlaam Saxiibted ayay Wacday si ay ugu sheegto waxa soo kordhay, Hello Naa warda Maanta Sheekadii aduunka ku Haya Markas ayay wardi tidhi Naa Maxa jira, Markas ayay axlaam Tidhi Wiilkan madaxda Ka ah meeshan ka shaqeyo Ayaa saxiibkii iga helay kadib wuu ii soo  dirsaday anna wan aqbaalay,warda tidhi  Naa way igu socota ee i wad Kadib Wan is baranay wiilkii, Warday saxiib hadad aragto Wad Quusan quruxda Cadanka Jidhka Cod macaanida.

Warda tidhi Wow Naa Maseyr Ayn dareemaya hhh, Halkuu  jooga wiilku, Axlaam iyada oo hadalkii u sii wada ayay tiri, uk ayuu  jooga family kiisuna Turkey 🇹🇷 ayay joogan,  warda waxay tidhi bal sawirkiisa ii soo  dir dee aan ka a eege,  haye ayay tidhi Wayna  u dirtay,  

Warda Markay Aragtay Wiilka Way is Celin Kari Wayday Micnaha iyada Xata Dareen ayaa Galay, Mobeilkii Ayay Damisay Meel ayay is tagtay Iyada oo La Yaaban Aragtidii Sawirka Ay aragtay, inay Ka Heshay Wadnaha Aad u Garacmaya Nafteedii Waxay Ku Ledahay Ma Waxad Jeclan doonta Saxiibta oo ah Wllsha Qofkeda.🥺 

Sacado Kadib Ayay Mobeilkedii Furtay Waxayna U Qortay Axlaam Iga Raali Noqo Dabka Iga Dhacay Wiilkuna wuu shidan Yahay, Yaa ilasho Axlaam Ayaa Tidhi Thnks Saxiib, lakiin Maxad Ka Wada ilasho, Markas ayay Warda tidhi Yaan Laga Dul Qadin Quruxlowga, Waxay tidhi Axlaam kaftanka Inaga Jooji Hadaba Saxiib.

imran Fariin Ayuu u soo Diray Axlaam, wuxuna Dhahay Haben Wanagsan Axlaamtydii, markas ayay u Qortay Haben Lamida, Kadib Wuxu Dhahay Imika Mudo Week Ah Ayan Xidhiidh Kula Laha Naftaydii way is badashay Mar walba inan Kula Hadlo uun baan Doonaya Adoo Raaliya Vedio call ma kugu soo Wici kara inan ku arko Rabaye, Waa Caadi Ayay Tiri Wayna Furatay Callkii.

Indhihiisa Markay aragtay xishood jira awgi Way egi kari Lahaday kolba marka uu jeesto ayay wajigisa egaysay, Wuxu Dhahay Markan Ku Arkay Wadnaha Saaid u Shaqeeyay Farxadna wan dareemaya, lakiin i soo Fiiri Hal Mar Iyada oo aad Moodo Inay ilin ku Tagan Tahay ayay egtay, markas ayuu Dhahay Waxad u Qalantaa in Adiga un Lagu Daawado Wakhti Walba, Axlaam Way Dhoola Cadaysay Markas ayay tidhi, Sawirka Halkaga danbe ku Dhagsan aan ege i yara banee.

Waa Iyada Sawirkedii oo La Weyneyay Markas ayuu Dhahay Waa Adiga Waxan Jeclaystay Inad hortayda ka muqato Habenkii markan seexanayo adiga igu danbeya ku sii ega subaxdina markan in dhaha kala qaado adan igu horeya, 🥺♥️ 

axlaam Qalpiga Jilcay Waxayna Ogatay inu yahay qofka kaliya ee u Qalma Inay Jeclato, Waxay Waydiisay Hore miya Qof u Jeclatay, markas ayuu Dhahay May Aniga Ma Aamini jirin Jacaylka ila aan adiga ku arkay, Waxay tidhi Anna Waligay Qof Ma jeclan Oo Cabsi ayan Ka Qabay iyo inan Qalpiga layga dhawaco, Markas ayuu Dhabay Adiga Qofka Qalpiga Ka Jabiya Ama Ka Taga Waa qof Bila Nasiib ah, oo Jaceylka Aqoon , Aniga waxan Ka Balan Qadaya ina sida Boqoradaha kuu ilaalin doono Wax cabsiya iska ilaali inta aniga ku joogo.

Kadib Wan Seexa Naya Ayay tidhi, oo Bari shaqo ayan Tagaya ee Waa Ino Bari, Haye ayuu dhahay Waynu Soo Wada Hadli, Telefankii Markay Dhigtay Farxad ayaa Soo Gashay Kolba Sawirkiisa ayay egtaa Way isku dhiibtay oo qalpiga ayay Galisay.

Warda Waxay Ilawday Axlaam Inay tahay Saxiibteda ay Wakhtiga badan soo wada qaten Inay waliged waxba ka qarsan Shay haday soo iibsato iyadana ay u keeni jirtay Nolosheda anay marna xumayn saxiib Qaliya inay tahay, Iyada waxaa odhan og ayay hadana Isku Qancisay inay Ka heshay wiilkan oo ay Rabto inay Gacanta ku dhigto.

Axlaam Subaxdii Shaqadii ayay tagtay kadib Iyada oo Cafateriyada u socota Ayaa Waxay La Hadashay Warda Waxayna ku tidhii Qaaliyay. Caawa Bananka Ka soo cashaynaynaa ee meelna ha tagin Baryahan wakhti maynan wada qadane, Warda Waxay Ku Tidhi wayay Saxiib. 


                   -La soco Qaybta..........

Previous Post Next Post