Habeenkii Madoobaa { part 2}

                                Caruusaddii lagaran waayey

Khaalid iyo walaalkiisii ka yaraa gaadhigii ayaa ay ka soo dageen waxaanay hoos u eegeen qofka ay jiidheen, waxana ay xaqiiqsadeen inuu yahay gabadh xidhan dharkii arooska. Mar keliya ayaa ay afka kala qaadeen, waxana ay ku dhawaaqeen:

“waa caruusad habeenkii la hoynayay?!!! Waana wakhti danbe?!!

Haani: “khaalid maxaad la baqaysaa iyadaa wadada soogashee?…dembi kuma lihid”

Khaalid: “taasi hadda innama khusayso…muhiimaddu waa in aan eegno waxa ay gabdhu qabto…ma nooshahay mise…?!”

Haani: “waxaan rajaynayaa in ay nooshahay” (khaalild) ayaa gabadhii baadhay waxaanu ogaadey in ay nooshahay waxaanu yidhi: “alxamdulillaah”.

Khaalid ayaa gabadhii soo qaaday waxaanu geliyay shidhka dambe ee gaadhiga waanu la galay, madexeediina waxa uu barkin uga dhigay DHABtiisa!

Gaadhigii waxa shidka hore ugu dhacay (Haani) oo u kexeeyay si degdeg ah…waana uu kaga fiicnaa wadidda gaadhiga khaalid.

Khaalid: “inagu tuur dhakhtarkii weynaa…

Haani: “ma soo wadwadataa waalli”

Khaalid “maxay kaaga badantahay…qof baan jiidhee  dhakhtarka inna gee?

Haani: “hadii dhakhtarka aan gayno adaa kiis  galaya…waana lagu xidhayaa…”

Khaalid: “ maxaa la igu xidhi iyada ayaa khaladka lahayde”

Haani: “oo yaa kuu markhaati ahaa in ay qaladka lahayd  amaba aad aduu leedahay”?

Khaalid: oo hadaa maxaan samaynaa!!! 

Haani: “innagaa qaadayna…soona dawaynayna”

Khaalid : “sideen u soo dawaynaa”?

Haani : “waxaan la xidhiidhayaa saaxiibkay  (Calaa`)…waxaanan ka codsanayaa in uu noo yimaad oo uu  daweeyo”

Khaalid: “fikrad wacan 

Haani ayaa gaadhigii weeciyay waxaanu ku dhacay wadadii  saxaaraha 

Khaalid: “xaggeed ku wadaa gaadhiga”.

Haani: “ waxaan gaynaynaa aqalkii bustaanka ”

Khaalid: “bustaanka` aa”?!!

Haani: “haa bartaa ayaa innoogu fudud”

Khaalid: “si fiican…laakiin inta aynaan gaadhin garaac  (Calaa`) una sheeg in uu noo soo dagdago…arrinkana  fahansii”

Haani: “wax kastaa wanaag ayay ku dhamaan doonaan”
Khaalid ayaa si naxariis leh u eegay gabadhii oo DHAB tiisa ku jiifta waxaanu ka dul yidhi “waad caafimaadi doontaa insha allaah
Haani: “ hello dr.(calaa`)…arrin ayaa nagu habsaday” Waxaanu u sharraxay siday wax u dheceen!!! Intaas oo dhan waxa uu khaalid indhaha ku hayay gabadhii
waxaanu is waydiinayay su`aalo badan oo ay ka mid yihiin:- Waa tuma? Xagay ka timid?
Maxaa xilligan waday? Tolow mee caruuskii?
Waa caruusad la garan laayahay!!!

Waxa uu ku soo toosay waashmaaankii bustaanku  (Xaamud) hoonka gaadhiga khaalid waxaanu yidhi isagoo  caajisan “xiinkaasi ma kii baabuurka khaalid 
baa…macquul maahe” Albaabkii ayuu furay, khaalidna waa soo  dhaafay…”waxaanu ku yidhi soo dhawoow khaalid” Waxa uu indhaha ku dhuftay(xaamud) haani oo gaadhiga 
wada waxana uu su`aaalay “maxaa jira khaalid”? (haani) ayaa u jawaabay “dhibi ma jirto (xaamud)…waxa  aan bustaanka joogi doonaa laba cisho”
Xaamud: “soo dhawaada…soo dhawaada”
Khaalid: “waqti hadal ma yaalo…(xaamud) u tag oo toosi  (towfiiq) una sheeg isaga iyo xaaskiisa (safa) in ay si degdeg  ah u yimaadaan bustaanka xagiisa dambe”
Madaxa ayuu lulay (xaamud) waxaanu ku dhaqaaqay 
amarka (khaalid) fulintiisa. Intii aanu dhaqaaqin (xaamud) ayaa uu hadal ka sii daba 
tuuray (haani) waxaanu yidhi “albaabka ka war hay waxaa 
innoo imanaya (dr.calaa`) eh. Gaadhigii ayaa uu haani u kexeeyay xagii dambe ee 
bustaanka waanu dhigtay, waxa uu daaqada ka furay khaalid, khaalidna waxa uu gabadhii ka soo qaaday gaadhiga waxaanu galiyay guriga, waxaanu geeyay qol, dul
dhigayna sariir wayn, isaga oo si murugo leh u raacinaya “waa soo habsaamay (dr.calaa`)Haani: “adkaysi yeelo (khaalid) waa inoo iman doonaaye…arrinkuna khayr ayuu ku dhammaan doonaa”
Khaalid: “waa ay dhiig baxaysaa…mana sugi karto ee aan dhakhtarka gaynee ina keen”
Haani: “kadibna waad is xidhi maha”!?
Khaaalid: “ujeedkaygu sidaa maaha ee waa nolosha gabadhan”
Haani: “ fadlan is daji walaal”
Khaalid: “intaa wax ka badan ma sugi karo waxaan u qaadayaa dhakhtarka”!!!
Haani ayaa qabtay labadii gacmood ee khaalid waxaanu ku yidhi isaga oo dajjinaya “fadlan u yar kaadi khaalid” Iyagoo sidaa u murmaya ayaa waxa ay mar kaliya maqleen
xaamud oo leh “khaalid waxaa inna soo gaadhay (dr.calaa`)
Haani: “ waaba kan soo galay…ee iska sug unta uu eegayo
(dr.calaa`)…haduu waxba ka qaban kari waayo waxaynu gayn dhakhtarka wayne”
Waa uu xasilay khaalid waxana uu yidhi “si fiican laakiin
yaanu wakhtigu innaga dhicin”!!! Haani: “innaga dhici maayo insha allaah
Waxa uu urooray (Haani) xagii saaxiibkii (dr.calaa`),
khalidna waxa uu dhinac kaga fadhiistay sariirtii ay saarnayd caruusaddu…waxana uu qabtay gacanteedii isagoo leh “ha dhiman fadlan”!!! Waxaa u soo galay dr.calaa` markii uu dhammaystat tolistii iyo dhiig joojintii gabadha ayaa uu qolkii ka soo baxay
waxaanu khaalid u sheegay in gabadha uu ka soo saaray rasaas/xabbad!!!
Waana tan rasaatii!!! Rasaasaa?!!! Yaa ku dhuftay?!!!

          La Soco........   


Ku Xidhnaw markasta Sama-wade
Previous Post Next Post