Isku-Filnaansho

 


                                   Badal hab fikirkaaga

Dunidan aynu joogno waxaa ku nool 7.6 billion dad ah, dhamaantoodna

waxa ay har iyo habeen ugu jiraan mid is og iyo mid aan is ogeynba la

dagaalanka nolol maalmeedka iyo qof walba sidii uu qeybta ugu badan

uguna wanaagsan u hanan lahaa.

Ayada oo ay sidaa tahay ayaa hadana lagu kala dheereeyay xaqiijinta

yoolalkaas dadku ay ka leeyihiin nolosha, oo ay qolo u noqdeen kuwa

horumary oo nolol aduunyo wax la yaqaanay oo horumar ah ka

sameeyeen, kuwana ay wali gaajo, amaan daro iyo jahli ay gacantooda

ku sababeen la daalaa dhacayaan.

Hadaba hadii aan nahay afrikaan waxaan ka nahay dadka dunida ku

nool 1.2 billion, hadana badankeen waxaan ku nool nahay nolol aad u

hooseeysa, oo kuwuu ilaahay siiyayna in ay bulshadii dib ugu soo

celiyaan way ku adagtahay in yar mooyee, kuwii aanan haysana in ay

is badal la taaban karo sameeyaan iska daayee badankood xataa kuma

fikiraan.

Somaaliya oo ah wadan ka mid ah wadamada dunida ku yaala isla

markaana ah wadan dhaca qaaradda afrika oo ay ku nool yihiin 14.7

million oo qof ayaa waxa uu la qeybsadaa dunida qeyba badan oo ka 

mid ah khayraad fara badan oo uu ilaahay ku manaystay, oo iskugu jira

xoolo, bad iyo bari ay macaadinta iyo shidaalku ka buuxo, hadana

badankeen waxaan qeyb ka nahay dadka ugu nasiibka xun dunidan oo

in ay ka faa’ideystaan barwaaqada uu ilaahay siiyay iska daayee

badankood ay gaaja ugu dhimanayaan ceelal shidaal iyo macaadin

qaali ah dushooda.

In aan dhibaatadaas iyo dib u dhacaas ku noolaano macnaheeda

maahan in aan xaq u leenahay oo dunida qeybta aan ka leenahay inta

aynu nool nahay intaa tahay ee waa natiija ka dhalatay falal aad u fool

xumaa oo iskugu jira xaq bani adam iyo mid alle oo aan horey u galnay,

badankeena ay ka soo laaban waayeen, ciqaabta ku dhacaysa

kuweenii xumaaday ee dunuunbta iyo xuquuqda galay darteedna

waxaa ay dhibaatadu gaaraysaa masaakiin aanan waxba galabsan oo

xaq alle iyo mid bani aadanba ku jirin.

Mar hadii aan isla garanay oo maskaxdeenu ay ka dhaadhacday in

dhibaatada iyo dib u dhaca nololeed aynu ku jirno ay tahay ciqaab ka

dhalatay dunuub waa in aynu rabbi u laabanaa oo an cafis iyo towba

waydiisanaa, saxnaana waxa hada ka dambeeya in aan ku dadaalno

dhowrsanaan iyo rabbi raali gelintiisa.

Hadaba markii aan usoo laabano mawduuca cutubkan oo ah badal hab

fikirkaaga, waxaa ugu horeeya ee qof horumar gaaray oo ku dhaqaaqay

guushiisana qeyb libaaxle ka qaadatay waa badalidda hab fikirka.

Hadii ay maskaxdaadu ka dhaadhacsan tahay waxba ma qaban kartid,

waxaad tahay afrikaan waliba soomaali kasii ah, dunida wax badan ka

dambeeya, dhaqaale fiican haysanin, dadkiisu ay isdilayaan kuwana is

dhacayaan, waxaa hubaal ah in ay kuu rumoobeyso waxaas oo dhan

oo aad helaysid ama la kulmeysid waxa ay mar walbo maskaxdaada

isku sheegto ama ku fikirto.

Hadaba si uusan dib u dhaca hada na gaaray mid kale kuugu darsamin

waa in aad badashaa hab fikirkaaga, oo kaliya ay noqdaan waxa aad

ka fikiraysid ama aad rabigaaga ka rajaynaysid wax wanaagsan iyo

horumar, waxaa hubaal ah kaliya hab fikirkaaga oo aad saxdaa in ay

wax badan kuu saxmi doonaan, oo aad guulaha aad gaari doonto ay

midba mid kuusii dhiibto haddii uu rabbi idmo.

Dad badan oo horey guulo aad u waaweyn ka gaaray nolosha waxa ay

dhamaan isku raacsanaayeen in ay waxa ugu horeeya oo ay guusha

ka bilaabato tahay fikirka iyo waxa aad awoodaahaga iyo nolosha kugu

hareereysan aad ka aaminsan tahay, waxayna sidoo kale xaqiijiyeen in

markii ugu horeysay oo ay badaleen hab fikirkooda kaliya ay badalantay

qaabkii ay u arkayeen nolosha, iyo caqabadaha la socda oo ay maalin

walbo ku soo wajihi jirtay nolosha.

Waxay sidoo kale dhamaantood isku raaceen in ay markii ugu horeysay

caqabadihii nolosha oo ay u arki jireen dhibaato weyn oo ku dhacday

iyo dib u dhac ka reebay jiilkoodii ay isku badashay fursado usii

dhaweynaya yoolkoodii nolosha ay ka lahaayeen oo ay khibrad iyo

waaya aragnimo ka helaan.

Hadaba aqriste noloshaada qiimeey caqabadaha nolosha ma waxaad

u aragtaa dib u dhac iyo dhibaata weyn oo ku soo wajahday, mise

waxaad u aragtaa fursad iyo waaya aragnimo kuu soo hormartay,

qiimeey naftaada oo badal hab fikirkaaga si aad ugu biirtid dadkii

guuleystay oo caqabadaha soo wajahay fursado u badalay.

Waxaan halkan kugula wadaagaa sheeko gaaban oo ku dhacday

haweeneey wax badan lasoo xigto marka laga hadlayo saameynta

fikirka qaldan oo aad naftaada iyo bulshada kugu hareereysan kaa

aaminto uu leeyahay.

         Lasoco ....................part 2

Markasta Ku xidhnaw Sama-Wade Siaad waxbadn uga Faaido

Previous Post Next Post