Lama-Filaan Jacayl❤️

 



Sheeko Jacayla


Part 1

Axlaam Waa Gabar  Dhalinyar ah, oo Xaasna Ah Qisaadu Waxay Ku Bilaamatay Sida Tan.

Axlaam Laba Sano Ka Hore Ayay Jaamacad Dhameysay Nolosheeda Hal Gabar Ayay Saxiib la Ahayd, Waa Warda Mudo Dheer Ayay Dhex Taalay Saxiibtinimo Noqotay walaltinimo, Axlaam Waxay Ku  Noshay Magalada Hargeisa, Axlaam Shaqo Ayay Raadinaysa Maadama Ay Guriga iska dhex Joogto Dhawr meelod ayay Ka Xaraysatay, Shaqo Ayaamo Kadib Waxay Heshay Shaqo Aad u fiican oo Iyada Caajabisay, Halkii ayay ku Hawl Gashay.

Axlaam Iyada Gurigooda Joogta Ayay Wacday Saxiibted Warda oo Ay Dariis Yihiin, ii Kalaay ayay tiri Wardana Haye Ayay tiri kadib way u timid, Qolka Fadhiga ayay fadhisten Cabaar markay Sheeko dhex martay ayaa Axlaam tiri Saxiib warday Gift Ama Hadyaad Ayan Ku Haayay ee hoo iga Gudoon.

Marwada ayaa tiri Wow saxiib ArmaIgu ciyaaraysa ? Axlaam ayaa tiri Adi horta fur oo eg waxa ku jira Warda Ayaa furtay Mise Waa Fargal Dahab Ah Warda tidhi saxiib Hadyaadan Maxaad iskugu dhibtay waa qaaliye,

Axlaam ayaa ku tidhi adaa ka Qaalisan Saxiib, Mida kale Farxad kale ayan ku haya Ma Ogtahay ina shaqo Fican Helay oo Hayaad ka shaqeyo.

Markas ayay Tiri Saxiib Wan ku hambalyenaya Guushada waa Tayda,Wakhtiga ayaa ku dheeraday markas ayay tidhi Wardi Saxiib Wan Tagaya Xafada Casho uSameenayaye wan isla soo hadli doona ee Garabkaga Waxay ku Tiri Axlaam Haye saxiib Markad tagto guriga message ii soo qor  Oky ayay  Tidhi wardi.

Axlaam Laba Week Ayay shaqadu u maraysa Nolol Happy ah ayay iskaga jirta waana Qof Kalgacal badan dadka ay iska shaqeyan ayaa durma u Bogay wanaageda,iyada oo Xafiiskeda joogta  ayaa Waxa u imid Mamuulaha Hayaada Kadib wuxu ku dhahay Runtii Waxan arka ina tahay gabar Cilmi fiican leh kuna darsatay Maskax iyo Wanaag,Ee waxan ku sheegaya cawa Shaqalaha oo dhan xaflad ayaa jirta waxan rajenaya ina ka soo Qayb Gali Doonto waana i sharaf Waxay Tiri axlaam Wad mahadsan tahay waana kaso qayb galaya Xaflada cawa.

Wuxu dhahay Aqbaaladada wad ku mahadsan tahay waana inoo  Caawa inzha allaH,Axlaam markay Guriga timid waxay wacday Saxiibted warda Waxayna ku Tiri Waxan Raba Ina suuqa i raacdo Dhar ayan raba ina soo iibsado caawa xaflad aya jirta  dadka mesha imanaya waa VIp Ina iska Dhiso raba ee Is diyaari wan kuso maraya.

haye ayay Tidhi  saxiib wan ku sugaya ee soo dhakhso Wadogtahay guriga ayaa hawlo iga haystane Axlaam ayaa tidhi oky 5 daqiiqo un ka maqnay kadib sidii ayay suuqa ku tagen Dharkii iyo alaabtay rabtay soo iibsatay waxooga way soo dahen oo suuqa waa iska jam Maqrib ayay Timid Markay guriga timid Showerka ayay gashay kadib make upkedii dhac isku siisay Dharkina way xidhatay Gaari ayaa u imid Way baxday. 

Goobta Xaflada Waxa iskugu imid Dad Caan ah iyo Qaar Hanti leh Xaflad Shidan ayay ayad Kadib Ninka Mamuulka ah Vedio call ayuu Saxiibkii kula hadlaya isaga oo  ku leh saxiib caawa adaa meeshan ka maqan Iyaga oo  sidi u hadlaya ayaa waxa soo istagay Gaarigi Axlaam waday kadib Markay Lugta dhulka soo dhigtay Ayaa waxa halka ka arkay wiilkii Vedio callka ku jiray kadib u sii egay mise waxa ka soo dagtay Gabar Geenyo ah, oo illahay qurux u dhameyay, kadib Holkii  ayay soo gashay Kadib wuu arki wayay markas ayuu  ku dhahay saxiib Gabar aad u qurux badan ayan arkee kac oo soo raadi

 Wiilkii mamuulaha ahaa ayaa idhi siden ku garanaya kun hablod ayaa jooge, markas ayuu  dhahay anna kula egiye igu aadi mobeilka Wiilkii cabaar marku socday ayuu wiilkii callka ku jiray Mar kale isha ku dhuftay axlaam markas ayuu dhahay saxiib watas wan arka wana gabarta Halka tagan ee dharkas Nocas ah xidhan, Marku wiilki mamuulaha aha egay mise waa axlaam kadib wuxu ku dhahay saxiib

Gabartan Waa Shaqalaha Cusub Axlaam ayana la idha Ee Miyad Ka Heshay, Wuxu dhahay Haa Waliba Saa’id, lakiin bila nasiib ayan ahay caawa hadan joogi laha Xaflada Wan heli laha Gabarta, Horta wiilkan madaxa Hayaada ahi Waxa la idha muuse.

Kadib muuse ayaa dhahay Saxiib anaa kaga soo dhamaynaya iyada ee iga war sug, Kadib callkii ayuu dhigay Axlaam isha ayay kala socota wiilkani inu iyada kolba meel u daba socdo Way yaabtay, iyado Miis iska fadhiga oo vedio iska dubaysa ayuu ku dhahay haye axlaam ma soo fadhisan kara markas ayay tiri haa Fadhiso.

Kadib Marku Fadhistay Ayuu Ku dhahay Ka waran Xaflada Maku Caajistay Waxay tidhi May way shidan tahay Xafladu kadib wuxu ku dhahay Axlaam xafadahe dagan tahay way u sheegtay hadana wuxu waydiiyay Xaas ma tahay mise 

May xaas ma ihi ayay tidhi haa sax ayuu dhahay. 

Iyada Markeeda sual waydiisay ku tidhi adi xageed dagan tahay markas ayuu dhahay Xafadas ayn dagnahay, Haye xaasle ma tahay haa Ayuu Dhahay Waliba xaaskaygu mesha ayay inagalashaqaysa waana mamuulku xigenka.

Markas ayay tidhi Hani miya Haa ayuu dhahay Okay Mash allh Ayay u raacisay iyaga oo halkii fadhiya ayaa waxa u timid Hani oo ah xaaska muuse Markas ayay dhahen soo fadhiso Halkii aya sheeko iyo kaftan laysu Waydarsaday.

Kadib Axlaam Talefan ayaa u soo dhacay wayna Kacday Muuse ayaa xaaskiisa hani ku dhahay Hppti Arin ayan raba ina ku sheego Haye ii sheeg ayay tiri Markas ayuu dhahay Imran wiilkan saxiibka ahayn ayaa cawa ila hadlayay anaga oo wada hadlayna ayuu arkay axlaam wuna ka helay.

Anna waxan dhahay anna kaga soo dhamaynaya iyadana meel aan uga bilaabo ma aqaani ee adaa Dumar isku tihiine hawsha iga soo dhame Markas ayay tiri Xaaji anaa igu ogtahay arinka.

Xafladii ayaa soo dhamaatay Dadkii Bananka ayay u soo baxen Qof walba Gaari ayuu raacay axlaam dhaweeye ayay dalbatay Iyado sugaysa ayaa waxa soo hor istagay Muuse iyo xaaskiisa, hani markas ayay dhahen axlaam waa xili danbe Inamari anaga ku sii kaxayne haye ayay tidhi, wayna soo raacday Guriga Hortiisa la keenay Markas ayay ku tidhi wad mahadsan tihiin.

Guriga ayay Gashay Waxa soo Wacday Saxiibted warda oo iska war jecel markas ayay tidhi axlaam iga waran xafladii markas ayay tidhi saxiib way shidnayd caadi may ahayb,Warda ayaa ku tiri wiil lacag leh uun ma soo baratay Axlaam ayaa ku tidhi May lkn aniga ina qof soo barto uman tagin anaba isku mashquulsana Ee Hppti wan daalanay barina shaqa i sugaysa Waa Ino Bari.

Way iska seexatay axlaam, Subaxdii Ayay Kacday Salladii ayay Tukatay Quraac Ayay sameysatay iyadu Xili Hore Ayay shaqada tagta Way is diyaarisay Kadib gaarigi shaqada u imid wayna Tagtay, Markay Noqotay xiligada Nasashada Ee caffe ga iyo Waxas la Doonto Ayay soo Baxday Cafateia u dhaw oo shaqala Dhan Tagan Ayay qabatay, Caffe iyo bunat Ayay iska dalbatay iyada oo halkii fadhida Ayaa Waxa u timid Hani Waxayna ku tidhi Axlaam Setahay wan Fiicanahay dhankaga Ayay tiri Tamam aye tidhi.

Kadib Way la soo fadhisatay markas Ayay Hani tidhi shaqada Ka waran mala haysata Haa Ayay tidhi, axlaam Kadib Waxay ku tidhi manta axlaamey Arin Ayaa Iga Kaa soo Galay Waxana rajenaya ina Iga aqbaali doontid Markas Ayay tidhi Hadan Awoodo wan ka aqbali Ii sheeg Haye ayay tidhi way u bilawday Waxay tiri Wll Xalay Xaflada dhexdeda Ayuu Wiil Kaga helay Kadib Aniga iyo xaajiga Ayuu no ka soo Wakiishay ee Ka waran, markas Ayay tiduii Isaga Muxu afkiisa igula hadli wayay intu Idinka ikiin soo dirsanayo.

Hani Ayaa tidhi Mesha mu joogin Lakiin muuse ayuu vedio call kula hadlayay halkas ayuu ka arkay markas ayay tidhi haa sax inkasto aan xidhiidh wakhti u haynin idinka wajigina ayan ku aqbalay waana cadi hani ayaa tidhi wad mahadsan tahay waana wiil ficaan anna ka huba.

Kadib hani xafiiska ninkeeda ayay tagtay arinkii inay dhaamaysay ayay u sheegtay,muuse ayaa dhahay wan ogaa waxan ku diro inan ku guulaysato, wana si fiican isaga anna u sheegi doona isug wuu wacay kadib ayuu u sheegay inay gabartii ogolatay barashadisa, kadib Numberka Axlaam ayuu siiyey.          

                             Lasoco Qaybaha Kale..........

Previous Post Next Post