Wuxuu Ahaa Ciyaartoyga Ugu Halista Badan” – Arteta Oo Gaar U Amaanay Xiddig Kooxdiisa Ah Kaddib Kulankii Sporting................



Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa amaan ugu qubeeyay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Fabio Vieira kaddib kulankii wareega 16-ka Europa League ee ay xalay barbardhaca 2-2 ah lasoo galeen Sporting Lisbon.

Kulanka kaddib ayuu Arteta gaar u amaanay 22 sano jirkaas suuqii xagaaga FC Porto kaga soo biiray kooxdiisa isagoo sheegay inuu ahaa ciyaartoygooda ugu halista badan kulankaas dhexdiisa.

Arteta ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu u qalmo daqiiqado ka badan kuwii uu helay gaar ahaan labadii bilood ee ugu dambeeyay, sida iska cad bilaw adag ayuu soo maray sababtoo ah laba bilood ayuu dhaawacnaa kaddib qaliin ayaa lagu sameeyey manuu ahayn heerka aanu doonayno”.

“Caawa waad aragteen wuxuu ahaa ciyaartoygayaga ugu halista badan, markasta wuxuu sababayay inay wax dhacaan, waa ciyaartoy aan gabi ahaanba jeclahay”

Vieira oo 35 Milyan oo pound Arsenal ugu soo biiray xagaagii ayaa xulashada Arteta hore boos uga waayay isagoo ka dambeeyay kabtan Martin Odegaard iyo Granit Xhaka.


Si kastaba Ha Ahaatee, markasta oo uu fursad helo ayuu ahaa mid bandhig wanaagsan sameeya isagoo xilli ciyaareedka laba gool iyo lix caawimo leh.


Vieira ayaa kusoo bilawday kulankii Bournemouth ee toddobaadkan wuxuuna rajaynayaa inuu markale qayb ka noqdo kooxdiisa Fulham booqanaysa Axada.

Previous Post Next Post