Sirta Guusha {Qof Han-Yar Ma Han-Qaado}



 Guushu way macne badan tahay, mana laha qeexitaan u gaar ah oo la isku raacay,

waxayna dhacdaa xayndaabyada kala duwan eenolosha sida qoyska, waxbarashada, ganacsiga,siyaasadda, shaqada, xiriirka bulshada, diinta iyodhaqanka.

Taasi waxay keentay in qof walba guusha uu u arko hadba sida ay ula muuqatay.

Tusaale, qofka ganacsadaha ah guusha wuxuu u arkaa marka uu faa’iido badan sameeyo;

Qofka siyaasiga ah guusha wuxuu u arkaa marka uu ku guulaysto kursi madaxtinnimo; qofka ciyaartooyga ah guusha wuxuu u arkaa marka uu goolka dhaliyo.

Iyada oo sidaas ah, haddana dhammaan waxaa biyo dhac u ah xaqiijin arrin la

tiigsanaayay.

Marka ay timaaddo qeexitaanka kelmedda ‘guul’ waxaad arkaysaa in qof walba uu ku bees gareynayo aragtidiisa, waana arrin dib ugu laabanaya kala duwanaanshaha bini’aadamka. 

Si kale u dhig, sida ay wejiyadeenu u kala duwan yihiin ayay maskaxdeennuna u kala duwan tahay; 

Sida ay maskaxdeenu u kala duwan tahay ayay aragtideennuna u kala duwan yihiin; 

Sida ay aragtideenu u kala duwan yihiin ayay qeexitaankeena guushana u kala duwan

yihiin.

Waxaa la sheegaa ellon Mask in uu yahay ninka ugu taajirsan dunida, isagana wuxuu isku arkaa in uu yahay guulayste liibaanay, laakiin aniga iyo adiga waxaan u aragnaa in uu yahay qof aan weli ku guulaysan guusha dhabta ah ee waaraysa.

Dhanka kale, saxaabiga Cumar Binu Khadaab, annaga waxaan u aragnaa in uu yahay qof adduunyo iyo aakhiraba ku guulaystay, balse waxaa jira dad u arka in uusan guulaysan. Sababtu maxay tahay?

Waxa adiga guul kuu ah dadka kale guul uma aha! Haddaba, si aan wax badan uga ogaado sida ay  dhallinyarada u arkaan macnaha guusha ayaan  weyddiin la xiriirta guusha ku qoray bogga aan ku  leeyahay barta xiriirka bulshada ee faysbuug 

(Facebook). Weyddiintu waxay u qorneed sidan:  Waa Maxay guul? Dadka intooda badan waxay  kaga soo warceliyeen siyaabo kala duwan, balse waxaan ka soo dhex xushay shan jawaabood oo

kala ah:

1. Guushu waa hadafkaaga oo aad gaarto.

2. Guushu waa gaarista yoolkaaga; waa helitaanka nolol dhammaystiran, adduunyo

iyo aakhiraba ku anfacaysa.

3. Guushu waa in shakhsi ama ummad yeelato yool, kuna dadaasho yoolkooda,

kana mirodhaliso.

4. Guushu waa hadafkaaga oo aad ka run sheegto.

5. Guushu waa kelmed soo koobaysa wax si wanaagsan u qabsoomay, ugu dambeyntiina ku dhammaaday heer sare.

Waa Maxay Guul?

Waxaa jirta su’aal ahayd waa maxay guul oo la weyddiiyay akhristayaasha wargeyska ‘The Dreamer’s Guide Motivation Newsletter.’ Bal aan kuu soo gudbiyo

jawaabaha ay ka soo kala bixiyeen.

Isaac Alex Phiri: Ma sheegi karo macnaha dhabta ah ee guusha, balse waxaan ku soo koobi lahaa hab fudud oo ah:

• In aad gaarto barta ay riyadaada kuu tilmaamayso.

• Markaad hesho wixii aad u baahnayd.

• Markaad ka salgaarto duruufaha iyo caqabadaha nolosha.

Geoffrey Nkhoma:

“Guushu waxaan u arkaa farxadda, farxaddaas oo ka imaanaysa markii aynu aragno dadka aynu jecelnahay.”

Janett Kalale:

“Guusha macnaheedu waa in aad gaarto natiijada ugu sarrayso, uguna macquulsan hiigsigeeda.”

Mary Masumbuko:

Guushu waa in aad isku dhiibto Alle-waa bixiyaha nolosha dhabta ah ee aadanuhu raadiyo. Guushu waa xakamaynta nolosha, in aad qaabayso qorsheha nolosha iyo in aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari lahayd yoolkaaga]…taas ayaan guul u arkaa.

Humphery:

“Waxaan guul u garanayaa sida soosocota: Farxadda qoyska, xiriirka aad la leedahay Alle iyo ku kalsoonaanta nafta.” Haddii aad u fiirsato qeexitaanadaas kor ku xusan

iyo kuwa soosocda, dhammaantood waxay ka mideysan yihiin in wax la gaaro.

Nagu Xidhnaw Si Aad Waxbadan Nooga Faaido........

Previous Post Next Post