Man United Oo Xiddig Chelsea Ah Xiisaynaysa, PSG Oo Maguire Doonaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa.....


                                                                                                                                                         

Suuqa Kala iibsiga iyo waxay kaqoreen wargaysyada calamku

Real Madrid ayaa ka fikiraysa inay xagaaga u dhaqaaqdo weeraryahanka Man City ee Erling Haaland isagoo qayb ka ah qorshahooda saxeexyada jiilka cusub ee uu kamid yahay Jude Bellingham. (Independent). Mauricio Pochettino ayaa u sheegay Tottenham inuu doonayo inuu kooxda ka bedelo Antonio Conte walow uu sidoo kale haysto dalabaad kooxo banaanka England ah. (talkSPORT). Manchester United daafaceeda Harry Maguire ayaa xagaaga bartilmaameed 50 Milyan oo pound ah u ah Paris St-Germain. (Sun). Bayern Munich madaxweyne sharafeedkeeda Uli Hoeness ayaa sheegay inuu soo dhawayn lahaa haddii kooxdu Tottenham kala saxeexato Harry Kane. (Sky Sport Germany – in German). Manchester United ayaa liiska xiddigaha ay xagaaga doonayso ku darsatay khadka dhexe ee Chelsea ee Mason Mount. (Guardian). Liverpool weeraryahankeeda Roberto Firmino ayaa Al Nassr kula biiri kara Cristiano Ronaldo amaba horyaalka Maraykanka ka degaya marka uu Reds ka tago xagaaga. (Express). Tottenham ayaa ka doodi doonta tababarayaasha Tuchel iyo Pochettino oo ay ku bedeli karaan Conte oo kasii socda. (Guardian). Brentford tababaraheeda Thomas Frank iyo Marco Silva oo Fulham ka tirsan ayaa ku jira liiska shan macalin oo Conte ka bedeli kara Tottenham. (Independent). Manchester City ayaa diyaar u ah inay Aymeric Laporte iibiso xagaaga haddii ay bedelkiisa helayso. (Football Insider). Manchester United ayaa kamida kooxaha xiisaynayab Paulo Dybala xagaaga iyadoo 11 Milyan oo pound lagu heli karo walow uu sanadkii hore uun ku biirayn AS Roma. (Goal). Manchester United ayaa sidoo kale ku biirtay liiska kooxaha xiisaynaya saxeexa goolhaye David Raya oo Brentford la filayo inuu xagaaga ka tago. (talkSPORT). Wolves ayaa diyaar u ah inay dib usoo cusboonaysiiso xiisaha khadka dhexe ee Bristol ee Alex Scott oo 20 Milyan oo pound ku qiimaysan iyagoo doonaya inay Tottenham iyo West Ham kaga hormaraan. (Telegraph – subscription required). Lionel Messi ayaa PSG kula jira wadahadalo heshiis kordhin balse Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa labaduba xagaaga ka tagi kara. (Mail). Newcastle United ayaa diyaar u ah inay kooxo Premier League ah kula tartanto saxeexa khadka dhexe ee Southampton ee James Ward-Prowse. (Football Insider) . Newcastle ayaa qarka u saaran inay heshiis cusub oo mudo dheer ah ka saxeexato khadkeeda dhexe ee Bruno Guimaraes. (Telegraph – subscription required). Inter Milan ayaa heshiis sanad ah u bandhigtay Edin Dzeko oo laba sano doonaya, heshiis xiddigo is-dhaafsi ayuu West Ham ugu biiri karaa iyagoo is-dhaafaya Gianluca Scamacca. (Gazzetta dello Sport – in Italian). Frankie De Jong oo Barcelona ka tirsan ayaa markale iska fogeeyay wararka la xidhiidhinaya Manchester United. (RAC1, via Goal). Arsenal iyo Chelsea ayaa ku biiray liiska kooxaha xiisaynaya weeraryahanka ree Brazil ee Vitor Roque oo ka tirsan Athletico Paranaense. (90min). Paris St-Germain ayaa ka fikiraysa inay Christophe Galtier ku bedesho tababaraheedii hore ee Thomas Tuchel. (Relevo – in Spanish).

Previous Post Next Post