Suuqa Kala Iibsiga ciyartoyda ......



Tottenham Hotspur ayaa tababare Julian Nagelsmann oo laga caydhiyay Bayern Munich ka dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad ee ay ku bedelayso Antonio Conte oo kasii socda. (Football Insider)

Spurs ayaa doonaysa inay wadahadalo la yeelato Nagelsmann oo hore loo sheegay inuu Premier League la dhacsan yahay. (Mail)

Nagelsmann ayaa sidoo kale ay ka fikiri kartaa Real Madrid maadaama mustaqbalka Carlo Ancelotti aan la hubin. (Sport – in Spanish)

Pochettino ayaa u furan inuu Tottenham ku laabto oo bedelo Antonio Conte haddii loo baahdo. (Sun)

Spurs ayaa diyaar u ah inay xagaaga fasaxdo goolhayaheeda Hugo Lloris oo 36 sano jir ah. (Football Insider)

Thomas Tuchel ayaa bartilmaameedsan doona Anthony Barry oo kamida shaqaalaha tababarka Chelsea kaddib markii loo magacaabay Bayern Munich. (Telegraph – subscription required)

Bayern ayaa degdeg u shaacisay saxeexa tababare Tuchel maadaama ay ka cabsi qabtay inay u weydo Real Madrid ama Tottenham. (Mirror)

Manchester United ayaa Man City iyo Liverpool kula biirtay indho indhaynta mustaqbalka khadka dhexe ee Chelsea ee Kovacic. (90min)

Barcelona ayaa xiisaynaysa saxeexa kabtanka Man City ee Ilkay Gundogan, shaqsiyaadka qaybta ka ah wadahadalka mustaqbalkiisa ayaa qaba inuu Spain u wareegi karo. (Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa doonaysa inay xagaaga iibiso saxeexeeda rekoodhka ah ee Nicolas Pepe balse waxa macquul ah inay mushaharka sanadaha heshiiskiisa ka hadhsan siiso si uu uga baxo. (Sun)

Newcastle United ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram oo ay Inter Milan kula tartamayso xagaaga marka heshiiskiisu dhaco. (90min)

West Ham khadkeeda dhexe ee Lucas Paqueta ayaa kooxda xagaaga ka tagi doona haddii ay heerka labaad u dhaadhacdo. (Football Insider)

PSV Eindhoven ayaa u furan inay iibiso khadkeeda dhexe ee Ibrahim Sangare xilli ay Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Tottenha xiisaynayaan. (90min)

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in UEFA aysan tartamada Yurub ka ganaaxi doonin walow baadhis musuqmaasuq ku socoto.(Mail)


 

Previous Post Next Post